Harowo.com

Ammaano kugu raagtay xoolahaagaa la moodaa

Dadka Reer Awdal waxa 52 sano kadib u suurto-gashay Inay saxaan khalad ay labo jeer gacantooda ku sameeyeen.  Khaladkii ugu horeeyay ee degmada Saylac ka dhacay wuxu ahaa kii doorashadii xildhibaanada loogu tartamayay 1960-kii markii Somaliya xornimada qaadatay. Khaladkii labaadna wuxu ahaa kii 2002-dii doorashadii u horeysay ee Somaliland qabatay dhacay, Labadaa khaladba waxa gacantooda ku sameeyay reer Awdal.

Gayiga Somaliyeed waxa gumaystuhu u qeybsaday shan wasladood oo gacanta ugu jiray shan wadan labo afrikaan ah iyo sadex reer Yurub ah. Waxa xoriyad ama madaxbaani qaatay labo gobol oo gacanta ugu kala jiray Ingiriis Iyo Talyaani. Labadii u horeeyay waxay dhisteen qaran Soomaaliyeed, sadexda gacanta gumaysiga ku hadhayna waxa loo rajaynayay xornimo.

Dawladii Soomaaliyeed waxay u hawl-gashay Sadexdii gobol ee maqnaa sidii loo heli lahaa, taasoo  naf iyo maalba ay ku bixisay inkasta oonan lagu guulaysan in laga kiciyo gumaysiga labadii afrikaanka gacanta ugu jiray, balse Jabuuti waxa xoreeyay shacabkii soomaliyeed ee halkaa ku noolaa iyagoo gacan ka helaya labadii gobol ee xornimada qaatay.

Dadkii ku hadhay gacanta gumaysiga oo markaa Jabuuti ka mid ahayd waxa loo fidiyay darmo balaadhan. Dadkii soomaaliyeed ee sadexda gobol ku noolaa waxa loo qoondeeyay kuraas, wax barasho bilaash ahna waa loo ogolaaday, tallaabooyinkaasi waxay ahaayeen qaar lagula dagaalamayay gumaysiga, si dadka loo tuso macaanka xorriyada looguna dhiiri-galiyo hal-ganka madaxbanaanida ay xaqa u lahaayeen.

Aan u dego dulucda hadalka iyo goboladii waqooyi ee lixdankii iyo sidii ay Saylac ku luntay.

Dhinaca waqooyi ama galbeed waxa jiray labo reer oo deris la ahaa, balse aan degaan ahaan usoo galin xuduudka gobolkii (SL) ingiriiska xorriyada ka qaatay. Waa Ogaadeen iyo Ciise oo labaduba degaan ku ah Djibouti iyo Itoobiya. Labadii reer waxa loo gartay in kuraasta baarlamanka wax laga siiyo, maadaama reeraha kale ee Waqooyigu ay labada qarba iyagu deganyihiin, sidaas darteed inta xuduudaha gumaysiga kaga jirti ay waxooda wax ku leeyihiin. Laakiin labada reer ee kale wax loo garto si ay iyaguna halkan (Gobolada waqooyi) shicibkooda uga taakuleeyaan.  Waa marka koowaade waxa loo arkayay gobollo ka maqan Soomaali oo markay xoroobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya ka mid noqon doona, marka labaadna dad soomaaliyeed oo gacan gumaysi ku jira, sidaas darteed aanan lagu hor cabbin caanaha Ee laga marti galiyo Maandeeq dambarkeeda.

Beesha Isaaq waxay kursi siisay Ogaadeen, Beesha Samaroonna waxay labo kursi siisay Ciise. Beeshii Isaaq kursigii ay bixiyeen waxay isla garteen inuu Hargeysa kasoo baxo, laakiin Beeshii Gadabuursi waxay yiraahdeen Saylac baan idiin daynaynaaye iska soo sharaxa. Khaladka ugu horeeyay iyo Halka ay sartu ka qudhuntayna halkaasay ahayd.

Khaladkii Lixdankii waxa sabab u ahaa siyaasiyiin u dhashay degaanka Saylac oo diiday inay iska soo sharaxaan degmada Saylac, markii lagula taliyay inay Saylac iska soo sharaxaanna diiday oo yidhi reer abtigayo (beesha Jabuuti) ayaan ku casuunnay Saylac, markaa anagu waxan ka tartamaynaa Boorama.

Wakhtigaa Saylac iyo Boorama waxay ahaayeen Distric-yo, Lughayana waxay hoos tegaysay Distric Saylac. Labada degmo guud ahaan waxa kasoo baxayay shan xildhibaan, sadex waxay kasoo baxayeen Boorama, labana Saylac. Labadii Saylac waxa lagu casuumay reer Jabuuti, siyaasiyiintii reer Saylac waxay iska sharaxeen Boorama oo waxay u tartameen sadexdii degmada Boorama.

Markii ay sidaasi dhacday beeshii Ciise waxay dhexdooda ku heshiiyeen inayna tartan galin ee ay labada xubnood kala qaataan, maadaama lagu casuumay oo aanay jirin cid kula tartamaysa. Raggii waagaa Saylac dhaxal-wareejiyay ee ku adkeystay inay Boorama ka tartamaan waxa kasii nool Xaaji Daahir Aw Cilmi. Sida aan taariikhda ku hayno waxa Samaroonku xaajiga ku yiri ” Ragga saylac kasoo sharax dadkii codayn lahaana annaga na waydii” laakiin arinkaa wuu ka gows qaniinay.

Khaladkii labaad wuxu dhacay 2002-dii, khaladkani wuxu daba socday kii lixdankii, isagana waxa loo tiriyaa ama sameeyay Daahir Rayaale oo sababtiisa lahaa, hadday noqoto ka golaha degaanka iyo ka gobolkaba, waxana la sheegaa inuu dhaafsaday dano shakhsi, inkasta oo siyaasiyiin iyo wax-garad degaanka ku abtirsada ay qeyb ka ahaayeen oo ay Rayaale kula socdeen.

Doorashadii labaad ee SL laga qabto waxay ahayd tii baarlamanka  oo qabsoontay 2005, Waxa la yiri “Dacawo halkay macal ku cunto ayay macaluul ugu dhimataa” Doorashada baarlamanka SL ee 2005tii way ka duwanayd tii 1960-kii, wakhtigii Soomaaliya iyo tii golaha degaanka SL ee 2002-diiba. Ma jirin wax la yiraa Ani fows waxay ahayd mid lagu tartamayay sida tan maanta golaha degaanka oo kale.

Beeshii Jabuuti waxa u caddaatay inay doorashooyinkii hore, ha noqoto tii soomalia iyo tan somaliland-bee RASO u khaldantay, haddii xaalku tartan noqdana aanay waxba ka keenayn, shan nin oo xildhibaanada u sharaxnaa hal nin oo imika baarlamanka SL ku jira maahee afartii kalaba Jabuuti ayay iskaga noqdeen iyagoo ku andacoonaya in xildhibaanadoodu boorsooyinka uun ay qaataan oo ay baarlamanka dhex-fadhiistaan iyagoon tartan galin. Waxa ka hadhay hal nin(Cali Aaraye) oo imika baarlamanka kaga jira, kaana wuxu kusoo baxay qaab Udubaysan.

Wakhti xaadirkan iyo waayaha cusub

 

Dadkii Reer Awdal waxay 52 sano kadib suurto-galiyeen Inay saxaan khalad ay labo jeer oo hore gacantooda ku sameeyeen, magacii iyo taariikhdoodii ay dhaxal-wareejiyeenna ay soo ceshadaan.

Cabashada Beesha Ciise

Cabashada beesha ciise iyo waxa ay ku andacoonayaani waa Hadaltiro waxba kama jiraan. Soomaalidu waxay tidhaa “Amaano kugu raagtay xoolahaagaa la moodaa” wax lala yaabo maaha inuu qofku hadalo raadco-reeb ah kaga tego Fagaaraha lagaga badiyay , waa dhaqanka bani’aadamka iyo damaca ilaahay ku abuuray, laakiin waa Kiis soo af-jarmay oo marag iyo markhaati leh oo Duhur cad lagu kala baxay. Inkasta oo dad Jabuuti laga soo daabulo, inkasta oo boqolaal kun oo Dollar lagu bixiyo dhul ninkiisa uunbaa leh.

Waa wax lala yaabo inay yiraahdaan Natiijadii codadkii lagu kala badiyay ayaan qaadacnay, nimanka sidaa u hadlayi waxay isku sheegayaan siyasiyiin iyagoo waliba sheeganaya inay SL xilal wasiirnimo kasoo qabteen. Doorashada BEEL looma qaban, xildhibaanada ayaa beelo ahaa oo ay reeraha ay kasoo jeedaani u codeynayeen laakiin Doorashada waxa loo qabtay golaha Degaanka ee Somaliland, xildhibaanada beesha Ciise ay soo sharaxatayna xisbibayay ka tirsanyihiin oo ku xisaabtamaya, idinka doorkiinu wuxu ahaa codkii aad siiseen, tartankii Beelaha Somaliland-na halkaasuu ku dhamaaday.

Hadal iyo Murti; Ciise wixii dhulka soo degay cid imika ka raraysa oo nooga guura lihi ma jirto, ceel iyo cowsba waa loo ogolyahay laakiin mulkiyadda dhulka waxa ku qoran Gadabuursi. Waa SAXAL wareegay.

Harowo

 

 

 


This post has been viewed 3123 times.

camud

7 Comments for “Ammaano kugu raagtay xoolahaagaa la moodaa”

  1. hanbalyo reer lughaya iyo saylac aad baan ugu faraxsanahy in dhulkeenii inoo soo noqdo waa guul samaroon gaadhay laakiin waxaa ini way diiyaya imisa cod baa ka soo baxay xeego

  2. XIGMAD

    LA HELYEE MA LA HAYSAN DOONAA, HANAAN LAGU HAWL GALONA MA LA SAMAYSAN DOONAA, MISE NINKII GUDAHAAGA GEESIGA AHAA GOLAHA SHISHEEYANA GABAN JIRAY, BAA LA DABA FADHIISAN, OO KAA QADIN QAYRKAA WAXAAD LA QAYBSAN LAHAYD, OO MARKASTA OO, DHACDO TAARIKHDA GASHA OO 30SANO EE SOCDANA SAAMAYN KUGU YEELAN DOONTA ay dhacayso, AAD BILOWDO INAAD DHEXDAADA ISKU MASHQUULI, OO SADEXDII GAMBADH ISA SOO HORDHIGAN OO AY IDIN ISKU TIRIN ILAYN IS XAGXAGAN MAYSAANE, WIXII QAYRKAA AAD LA QAYBSAN LAHAYDNA AAD KA QADI, HADHAWNA AAD CALAACAL IYO XAQAYGII LA IMA SIIN AAD MICIINSANI?

  3. Waqtii dheer iya igu danbeysey qormo
    midan lamida oon aqristo,taa aan qadan
    wayey waxey aheyd nimanki bila shurud
    2002 gii kuras nagu siya yidhi kkkkkkkk
    Reer abtigey caqligogu umada kalee wuxu
    ka danbeya 2000 kuun oo saanoo kkkkkk

  4. A.Barkhadle.i

    Khaliifaw ..KKKKK….Maalin wacan.. Anigaa joogay saylac bishii novembar2012kii, 19,20,21,22keedii..magaladda saylac sidii aan hore u sheegay anigaa ka shaqeeyey 1978-1981kii,waxaana degaanka u badanaa qawmiaydda gadabuursi, duleedka reeraha ilkaha qoranle ee baabuurtu moodo in ay ciise yahiin waa gadabuursi, geella xadhuunka daaqa gadabuursi baa lahaa, tokhoshi 80%waa gadabuursi, ceelasha milixda gadabuursi baa le anigaa tiro koob ku sameeyaay 1980kii bishii janaury oo shaqo la iigu direy…..
    MAALMAHA aan joogay djibouti waxa laga soo daabulayey dad u badan dhalin yaro, haween iyio rag… meelo la seexdo ayaa loo sii diyaarshay oo albiirkooyin ah, waxaanan ka soo baxay anigu saylac 22/11/2012kii…waliba inta ay ka heleen waa xaq daro ee ma buuxin karaan hal kursi codkood……..

  5. halgame

    Dhamaan samauroonka daafaha dunidan ku kala nool waxaan leeyahay HAMBALYO IYO MAHADNAQ ayaad naga mutaysataan hadaan nahay QURBA JOOGTIINA North of America. waaayo arinwaligayaba aan ku taabaynay ooaan anagu iska lahayn allahna nagu galadaystay oo ah degmooyinka ( LUGHAYA, SAYLAC & INTA HOOSTIMAADA)oo maanta AMAANADII beesha dariska aan nahay oo ku hantay waayadii hore ABTINIMO iyo daaqsin sabab u noqday ku durug iyo sheegasho. Laakiin maanta waxaa iska cadaatay SHAYWALIBANA ASALKIISA IYO CIDII LAHAYD AYUUNBUU UNOQDAA. taasina way xaqiiqdowday oo magaalooyinkaas waa xoroobeen oo sheegasho danbe way dhamaatay. SAMAROONA WAXAAN LEEYAHAY maanata laga bilaabo taarikhda iyo waayaha cusub ee bilaabmay waa in la ilaashado lana dhoro.waxaan hadalkayga kusoo gabagabaynayaa NINKII DHOOF KUYIMIDBAA NOQOSHADU DHIBAYSAA WAQTIGII DHAMAAYOO DHULK NINKIISIIBAA ISKA LEH.

  6. Anonymous

    Meel han idinka saxo: Jabuuti Ciise ma laha, sida aad kor ugu soo qorteen. Jabuuti waa shan Gobol, sadex waxa iska leh oo dega Canfar, Gobolka Jabuutina waxa iska leh oo loogu yimiday Gadabuursi, Ciise wuxu leeyahay gobolka Cali Sabix.

    Waad mahadsantihii ee qaladkaa saxa.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH