Harowo.com

Yaa sabab u ah hoos u dhaca tayada waxbarasho ee Awdal.(Liiska Barayaasha bugta ah) Qeybtii 3aad –

Yaa sabab u ah hoos u dhaca  tayada waxbarasho ee Awdal.  Qeybtii 3aad –

Liiska barayaasha bugta ah !!!!

 Waxaan kusoo bandhigney qoraaladii hore fadeexadii Cali Xaamud Jibriil uu la dhex wareegayay dowlada Somaliland taas oo sobobtay hoos u dhicii waxbarashada Awdal iyo inuu ku tunto magaca xusbiga Kulmiye. Waxaan ku bayaaminey in sabobta keentay hoos u dhaca waxbarashada Awdal aheyd macalimiinta oo Tayadooda iyo tiradooduba hoos u dhacday. Barayaasha ku yaraaday dugsiyadana ay sabob u tahay in  macalimiintii loogu tala-galay waxbarashada loo isticmaalay hab naas nuujin ah.
Waxaan qoraaladii hore ku cadeyney in Cali Xaamud Jibriil in ka badan 50 qof uu ka dhigay shaqaale ka tirsan wasaarada waxbarashada gobolka Awdal wasaaraduna bixiso mushaharkooda. Dadkaa oo mushaharka ka qaata dowlada kuna qaata iney barayaal yihiin ayaa waxa cad ineyna dadkaasi aheyn dad xirfad u leh macalinimada oo qaarkood xitaa dugsiyaba galin wasaaraduna ayna ka heyn wax cadeyn waxbarasho haba yaraatee. Laakiin ay u xisaabsan yihiin iney barayaal yihiin Awdal na ugu jiraan tirada barayaasha.
Waxa wax lala yaabo ah in dadkaa qoran macalimiin ee mushaharkana ku qaataa aanay maalin kasoo daalicin dugsiyada ay ku qoran yihiin. Xitaa wasaaradu war iyo wacaal midna kama heyso iney noolyihiin iyo in kale waxayse ugu jiraan tirada macalimiinta loo qoondeeyay dugsiyada Awdal.
Waxa ceeb iyo fadeexad ku ah wasaarada wax barashada ee Cali Xaamud Jibriil bulaacada ka dhex walaaqayo in loo diido mushahar barayaasha tabaruca caruurta ugu dhigaya oo hadana mushahar la siiyo dad beerahooga qota ama ka xamaasha suuqa oon aqoon hore u laheyn xirfad bare. Waana fadeexad dul saaran wasiirka waxbarshada Somaliland iyo xusbiga dowlada haya ee Kulmiye.
Sidaan hore ugu balan qaadney, qoraalkani waa liiskii dadka uu qorey shaqada macalinimo sanadkii 2011 Cali Xaamud Jibriil. Liiska dadka ku qoran waa shaqaale rasmi ah oo qoran barayaal mushahar joogto ahna ka qaata wasaarada waxbarashada. Waxana lawada garan doonaa ineyna dadkaas qaarkood macalinimo daayoo waxbarashaba shuqul ku laheyn. Ceebta weynina waxay ka muuqataa iney dadkaasi dhamaantood kasoo jeedaan beesha Cali Xaamud Jibril.
Dadka liiska ku qorani waxay xaga wasaarada ka qoran yihiin barayaal. Maalin kamasoo daalicin gabi ahaantoodba meel wax lagu barto iska dhaaf iney wax baraane. Wax isqabanayana maaha iney dad naas nuujin mushahar ku qaataan kuwii runta ahaa ee tabaruca wax ugu dhigayay caruurtana wax la’aan la bado. Waa yaayaqsiga uu dul saarey Cali Xaamud wasaarada waxbarashada iyo xisbul xaakumka Kulmiye. Waa sobobta keentay hoos u dhaca waxbarashada gobolka Awdal ee Cali Xaamud Jibril u horseeday.
Hoos ka akhri liiska dadka mushaharka kaga qaata wasaarada waxbarashada ee Somaliland iney yihiin barayaal. Dadka waxa shaqada qorey Cali Xaamud Jibril. Maalin kamasoo daalicin dugsiyada ay ku qoran yihiin. Sida la ogsoon yahayna qaarkood xirfad macalin malaha, qaarkoodna waxbarashaba maba galin abid.
1.Aadan Jibriil Obsiiye
2.Jaamac Warsame Lo’doon.
3.Sulaymaan Cilmi Dharaar.
4.Caateeye Cali Geelle.
5.Maxamed Geedi Diiriye.
6.Jamaal Muuse Aare.
7.Maxamuud Cali Caalin.
8.Yaasiin Ismaaciil Nuur.
9.C/Raxmaan Yuusuf Cumar.
10.Maxamed Bare Cilmi.
11.Yaasiin Cumar Cilmi.
12.Muuse JaMAC Ibraahin.
13.Maxamed Siciid Araye.
14.Yoonis Ismaaciil Nuur.
15.Xasan Aadan Cismaan.
16.Idiris SHide C/llaahi.
17.SHarmaarke Barkhad Muuse.
18.Yuusuf sh.Daahir Bilaal.
19.Maxamed Yuusuf Warsame.
20.Xuseen Ismaaciil Axmed.
21.Axmed Siciid Ducaale.
22.C/qaadir Cali Xuseen.
23.Xuseen Maxamed Cali.
24,Bashiir Yoonis Xasan.
25.Xasan Cabdi Diiriye.
26.Cumar Cali Kaahiye.
27.Safiya Saalax Jaamac.
28.Cilmi Ciise Faarax.
29.Xuseen Cilmi Diiriye.
30.Maxamed Ibraahim Cilmi.
31.Deeqa Xasan Liibaan/
32.Maxamed Xasan Cali.
33.Maxamed Jaamac Cilmi.
34.Xasan Idiris Muuse.
35.Cali Nuur Maxamuud.
36.Aadan Cumar Cilmi.
37.Axmed Xuseen Maxamed.
38. C/kariin Jirde Qawdhan.
39.Mustafe Cali Digaale.
40.Maxamed Maxamuud Kaamil.
41.Aadan Cilmi Fariid.
42.Caateeye Cali Nuur.
43.Sh/llaahi Cismaan Adare.
44.Maxamed Cumar Qalinle.
45.C/qaadir Daahir sheikh.
46.C/risaaq Caydiid Muxumed.
47.Maxamed Daahir Caawale.
48.Mukhtaar Muuse Xuseen.
Waa hubaal inay dadka reer Awdal wada garanayaan dadkaasi cidey yihiin iyo halkey daganyihiin. Inta kale ee maqana waan soo qori doonaa hadii Eebe idmo. Mushaharka waxa la sheegay in bakhaaro loo dhigo qaarna  uu u qaado gudoomiyaha waxbarashada degmada lughaya, Waanaga xasuuse haba yaraatee wax cv ahi uma yaalo waxbarashada tu sare iyo tu gobolba. 
Dadka hore umarka iyo cadaalada  jecel ee reer Somaliland hadii aan su’aal u jeedino, ma xaqbaa in loo diido shaqo iyo mushahar kuwa tabaruca ugu dhiga caruurta, qaar aan waxbarasho laheyna oon xitaa maalin kasoo daalicin dugsiyaduna ay mushahar kaga qaata wasaarada waxbarashada iney yihiin barayaal?
Waxbarashada ka sokow, akhristayaalow bal qiyaasa mushaharka ay xaq darida ku qaataan dadkaasi inta uu leegyahay marka la isku geeyo. Qiyaasa inta reer ee ay biilin laheyd ee cunto heli lahaa ee abaaruhu hayaan iyo surmigo. Qiyaasa inta ay tari laheyd hadii loogu deeqo meelaha lagu hayo agoomaha.
Wax hore loo arkay maaha caruurtii reer Awdal oo laga xayuubiyay xaqii waxbarasho. Hore looma arag barayaasha xaqa u leh mushaharka ee toban sanadood (10)  iyo in ka badan tabarucayay in loo diido oo qabiil ahaan lagu naas nuujiyo kuwa aan xaq u laheyn.
Waa usgaga dul saaran wasaarada waxbarashada xaqna waxa loogu leeyahay iney dadka reer Somaliland ka shaafiyaan sidey wax u dhaceen. Xaq baana loogu leeyahay xisbul xaakumigii loo codeeyay iney dadka ka shaafiyaan siday wax u dhaceen. Xaq baana loogu leeyahay Kulmiye iney badhka soo dhigaan sobobta keentay in loo waayo mushahar barayaasha tabaruca ugu dhiga ardeyda toban sanno iyo wax ka badan mushahar qarsoona dad aan xaq u laheyn lagu naas nuujiyo.
Waa cadeyn ku aadan tarikh xumada iyo musuqmasuqa uu kasameeyey ina Xaamud gobolka Awdal xaga waxbarashada ee keentay iney tayadii waxbarasho hoos u dhacdo. Cali Xaamud wuxuu Awdal ka xayuubiyay sharaftii lagu yaqaanay ee waxbarasho.
Waxa fool xumo iyo fadeexad kale ah inuuna Cali Xaamud ku ekeynuun wasaarada waxbarashada ee faraha meel walba kula jiro. Taariikh xumida iyo musuqmaasuqa uu ka sameeyay waaxyaha kale ee dowlada ee gobolada Awdal iyo Salal waa qoraalka dambe iyo wax aanay hido iyo haaruun u laheyn reer Somaliland oo Cali qoorta u sudhan yahay.
Khadar Warsame
 Khadar.samaron@gmail.com

*******************************************************************************************************

Harowo marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale, qoraaga ayaa wanaageeda iyo xumaanteedaba leh, waxay Harowo dhiirigalinaysaa is-dhaafsiga fikradaha oo kaliya.


This post has been viewed 3085 times.

camud

8 Comments for “Yaa sabab u ah hoos u dhaca tayada waxbarasho ee Awdal.(Liiska Barayaasha bugta ah) Qeybtii 3aad –”

  1. Abdirashid Mohamed Alabari

    salaamu calaykum dhamaantiin.
    Markii aan arkay maqaalkan waxan is idhi bal akhri oo wax ka ogaw arintan qoraagu ka hadlayo, dadkan badan ee listka uu qoraagu ku soo qoray anigu ma garan karo in ay waxbarteen iyo inkale, in ay dugsiyada soo xaadiraan oo ay barayaal ka yihiin iyo inkale laakiin waxan hubaa in ninka C/qaadir daahir sheikh ee uu qoraagu ku soo daray liska kuu wax ka bartay dugsiga sare ee ubaya ibnu kacab hadana uu bare ka yahay. Ninkaasi waa nin aan saaxiibo nahay oo aan garanayo, waa suuragal inuu magacu kulmay
    .
    Salaamu calaykum

  2. SXB wax barasho iyo wax la hagaajin karo ayaad ku soo mayraysanaysaan ee bal eega dhulkii sida loo dayacay ee isaaq iyo ciiso loosiiyey. Markaasay 7 iyo shanshan boorama iskaga soo sharaxday.

  3. waan ognahay ina xaamud wuxuu wada inuu ka shaqynayo dagaal sokeeye oo dhex mara reer nuur iyo reer maxamed basle wuxuu ka helo ayuu leeyahay. waxaan howsha wada oo aan ognahay ninka indha buur buuran ee madaxwayna ku xigeenka sheeganaya, walee halkii aan cali ganaguun marinayayay marayaa ina xaamud iyo sayliciba.

  4. waan ognahay ninka ina xaaxum wuxuu ku mashquulsan yahay inuu wada dagaal dhex mara reer nuur iyo reer maxamed wuxuu ka helo ayuu leeyahay

  5. Cali Cabdula

    Markii Cali laga dhigey masuul ayaa loogu tala galay inuu baabiiyo Awdal oo uu qabyaalad adeegsado. Jaahilku intuu caruurta Awdal dhaawacayo miyuu isagu waxbarto. Nin maskaxda wax uga dhiman yihiin yaa masuul ka dhiga. Siilaanyo dhakhtarada ha geeyo waxa waliba taa u dheer inuu Cali xaamud yahay bilaa adeb aan xishoonin

    Cali

  6. maxamad Samatar

    Qaladka waxa iska leh Siilaanyo oo waxbarashada u xil saarey nin aan isguba wax baran aan aheyn qabyaalad. Waxaan kula talin lahaa Cali-nus inuu isagu horta dugsiyada aado oo uu waxbarto inta uu ka talinayo waxbarasho.

    MS

  7. fadumo cali

    Ascw. subxaanalaah,bal ufiirsada tacliintii siday uhagaastee loogu ciyaaray ,nimaan masuulba ahayni uu maalinba siduu doono umaamulayo markaasuu waliba khadka ka saarayaa hadba ninkuu u arko inuu caqabad ku yahay walaaqaasi uu ina xaamud kadhexwado waxbarashada G/AWDAL,matalan maamulihii waxbarashada ,ee dhawaan xilkii laga qaaday lama oga ilaa imika sababta looga qaaday lamana sheegin,waayo lamaba hayo waxlasheego laakin wuxuu kumutaysay xilkaqaadistaasi markuu daacad unoqday gobolka iyo ardaydaba,

  8. Nasiib xumaa nagu dhacday

    Waar waamxay nasiib xumada intaa leeg ee nagu dhacday, Ardaydii reer Awdal ee kaalmaha koowaad gali jiray lama hayo.
    Waa meel lagu gal-gashay oo dib jir iyo dayuus u taliyo

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH