Harowo.com

HALKAN KA DAAWO Jaaliyada Gobolka Harowo Ee Imaaraadka Oo Kulan Balaadhan La Qaadatay Madaxwayna​ha D. D. S. Ee Ethiopa Mudane Cabdi Maxmuud Cumar

Dubai (Harowo)- Waxa dhawaan socdaal Imaaraadka Carabka socdaal ku yimid Madaxweynaha Dawlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar. Madaxweynuhu wuxu kulan loo dhanyahay la qaatay Somalida kasoo jeeda Itoobiya ee ku dhaqan dalka Imaaraadka, Balse wuxu kulan gaar ah oo aan cidi ku tarraxin la yeeshay Jaaliyada Harowo Ee ku dhaqan halkaa.

Kulanka jaaliyada iyo madaxweynaha ayaa u badnaa is xogwareysi, arimaha ugu muhiimsan ee lagaga wada hadlayna waxay ahaayeen sidii ay xukuumadu u fulin lahayd ballankii ay la gashay duqeyda reer Harowo ee ku saabsanaa mgacaabista gobol iyo degmooyinka ay xaqa u leeyihiin iyo hirgalinta Jaamacadda Harowe university oo dhawaan ay ogolaatay dawladu iyo waliba horumarinta degaanka iyo sidii qurbo-joogu uga qayb-qaadan lahaa maal-gashiga wadanka.

 

 


This post has been viewed 523 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH