Harowo.com

Ciil Kama Karo Cabashana Ma Daayo. By: Abdirisaq Mohamed Barkhad.

Tan iyo markii lagu dhawaaqey gooni isu taaga JSL waxaa cirka isku sii shareeraya saluuga ay Beelaha darifyadu ka qabaan awood qeybsiga Siyaasada iyo maamulka Somaliland oo ah mid aan dheeli tirneyn kaasi oo muddo 21 sanno ku dhow dhinac ka raran, dadka reer Awdal gudo iyo dibadba waxa ay si weyn u saluugsan yihiin qaab dhismeedka ay ku leeyihiin kuraasta saddexda gole ee Wasiirada, Guurtida iyo Wakiilada, saluugaas mudnaantiisuna waxey salka ku haysaa maqnaanshaha labbada kalmadood ee marka wax la qiimeynayo amma la qeexayo loo addeegsado qiyaas ahaan si ay hubaanti u noqoto in arrintaasi dheeli tiran tahay iyo in kale waxaaney labbadaas kalmadood kala yihiin Tiro iyo Tayo.Haddaba haan ku horeyno dhinaca tirada sidda aan la wadda socono waxaa muuqata in saddexda gole ee ay maanta Somaliland ka kooban tahay masuuliyiinta beesha dhexe ee ku jira ay ku tobban jibaar mayaan kuwa reer Awdal, waxaana isweydiin mudan su’aasha ah ragga siyaasada Somaliland u matala Awdal markii kuraasta la qeybsanaayey ma aroor iyo adhi soofin bey ku maqnaayeen? mise iyaga oo dhex jooga oo dhaayahoogu xaadir yihiin ayey xisaabtan khaldan iyo billowga cabashooyinkan aan dhammaadka laheyn dhaceen?.

Waa hubaal in ragaasi Siyaasiyiinta ah iyaga oo miiskii wax lagu qeybsanayey darif ka fadhiya in mushkiladani dhacdey taasi oo sabab u noqotey saluugan ay maanta qabaan Beelaha reer Awdal, laakiin waxaa wali huursan oo aan daboolka laga qaadin amma aan badka la soo dhigin sababta ay Siyaasiyiinta reer Awdal wakhtigaas ugu qanceen in shaxda saami qeybiga sidan loo dhigo markaasi ma waxaan odhan karnaa reer Awdal waxey wakhtigaas cagta saareen dhabada dhalanteedka ah ee ku dhisan qaaciidada tidhaahda “Qeybiyaa qadey”? qof kastiba siduu doono ha u qaatee waxa hubaal ah in ay maanta reer Awdal hor taagan tahay murtida dhabta ah ee tidhaahda “Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhowrataa adide”.
Waayo Odayaashii iyo Siyaasiyiintii reer Awdal ee bud dhiga u ahaa shirweynihii 1993kii lagu qabtey magaalada Borama kuwaasi oo magaca dadkooda shirka ku matalayey xaajadii ay gudan kari waayeen ee gurigoodii iyaga oo jooga ay dhayalsadeen dheeftii ragganimadu ku jirtey ee dadkooda iyo deegaankooda u baahnaa waa taa maanta bad xidhanka Siyaasadeed ku noqotey Siyaasiyiinta immika joogta ee uu ugu da’yar yahay Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.Meel kasta oo lagaaga tiro badan yahay waa madal kasta oo lagaaga gacan sareeyo sidaas darteed halka ay reer Awdal Baarlamaanka Somaliland ku leeyihiin saddex iyo tobban kursi oo waliba Ciise weheliyo waxey Beesha dhexe ku leedahay in ka badan dhowr iyo lixdan kursi, qiimeynta iyo is bar bar dhigan aan qalinka caaradiisa ku dhuftey waa mid ku kooban oo kaliya golaha sharci dajinta ee lagu magacaabo Wakiilada Somaliland, golaha Guurtiduna wuxuu ku dhisan yahay sidan aan korka ku soo xusey iyo si ka sii hooseysa.Halkaas waxa ka cad in aanad si gooni ah ugu gorgortami karin wax kasta oo ay dadkaaga amma dalkuba xaq u leeyahay waayo waa lagaa cod badan yahay oo lagaa tiro badan yahay oo lagaaga tun weyn yahay golaha dhexdiisa waana halkii ay murti Soomaaliyeed ka ahayed “Col kaa badan iyo biyo kaa badanba waa ku hanfiyaan” Sidaas darteed Awrka Siyaasada ee raran reer Awdal isla markaana in uu u dhaamiyo oo biyo iyo baadba inuu u qaado loogu tallo galey waa mid dabar ku xidhan oo xitaa socodka mustaqbalkiisu yahay mid aan dhaafi karin reerka duleedkiisa.Beesha dhexe iyo reer Awdal waxey 1991kii wadda galeen dib u heshiisiin dhab ah iyo nabadgalyo waarta oo ay Beeluhu ku wadda dhaqmaan wallow taasi sidii la rabey aan u hirgelin oo lagu carsho carsheeyey colaada kaydsan ee taalla Ceel bardaale iyo Seemaal, sidoo kale waxa nabadaas carqaladeeyey dilkii foosha xumaa ee bishii July sannadkii 2009 ka dhacey deegaanka u dhaxeeya Dilla iyo Gabiley.

Wakhtigaad Waxa kale oo ay labbada Beelood wadda gudoonsadeen dhisme dawladeed iyo hannaan damuquraadnimo oo lagu gaadhi karro doorashooyin si xor iyo xalaal ah u qabsooma amma dhaca taas lafteedu markii ay hagaagtey ee habsami u socodkeeduna si wannaagsan u hirgaley waxaa meesha ka baxdey Cadaaladii dadweynaha u dhaxeysey waxaana cagta hoosteeda la mariyey wax kasta oo ay xaq iyo xuquuq u lahaayeen dadka reer Awdal, Saddex iyo tobbankaas kursi ee ay hanfiyeen duufaanada Siyaasada qabyaaladeysana waxa ay ka dhigan yihiin oo ay ku magacaaban yihiin “Maqanayaasha jooga madasha golaha”.

Sidoo kale marka aynu ka hadleyno dhinaca tayada waa in qiimeynteeda amma tusaalaheeda si fiican uga dhex sawirano qaab dhismeedka uu u dhisan yahay golaha Wasiirada ee Somaliland, waxaanad ka wadda war qabtaan in Wasaarado aan macno laheyn loo magac dhabey reer Awdal kuwaasi oo ay ka mid yihiin.
Wasaarada Warshadaha bal u fiirso Warshadaha ay Somaliland ku faaneyso ee waliba Wasaarad maddax bannaan loo sameeyey isla markaana ah Wasaaradan aan ka hadleyno warshadaha u diiwaan gashan ee maamul shaman hoos yimmaada waxaa ka mid ah Warshada Jaajuurka sameysa, Warshada Looxaanta jar jarta, Warshada Furshaanta Caruurta lagu seexiyo soo saarta iyo Makiinadaha Sharaabka miira.

Waxa kale oo ka mid ah Wasaaradaha reer Awdal maanta ay masuuliyadeeda u sareeyaan Wasaarada Shaqaalaha oo Aniga iyo inta damiirka fayow leh ee illa fekerka ahi u naqaanno Wasaarada baaga muudada iyo bilaa macalka waayo sidda runta ah Somaliland maanta kama jirto Wasaarad u darban dhinaca kobcinta shaqaalaha iyo shaqo abuurka haddii ay fursad shaqo oo bannaan jirtana waxaa macquul ah in shakhsiga loo baahan yahay lagu shaqaaleysiiyo hayb Qabiil oo aan Wasiir iyo Wasaarad toona loo baahneyn.

Sidda ay u badan tahayna waxaa laga yaabaa in mararka qaarkood ay dhacdo in xitaa agaasime waaxeed hoose uu si dadban oo aan daahir ahayn u magacaabo Maddaxweynaha dhan ee talada dalka haya, miyaaney markaasi dhab aheyn in Wasiirkaas loo dhiibey Wasaarada baaga muudada iyo billaa camalka Bal adba.

Malaha garaadkeygu wuxuu ka tagi waayey Wasaaradaha reer Awdal la siiyey mida ugu manfac iyo magac roon in ay tahay Wasaarada Beeraha oo loo dhiibey Prof. Farah Elmi Geedoole taasina marka aan qiimeynteeda bar bar dhigo Wasaaradaha Maaliyada, Qorsheynta Qaranka, Arrimaha Dibada iyo Ummuuraha Gudaha waxa cad in iyaduna soo hoos galeyso saami qeybsiga aan dheeliga tirnayn ee 21ka sanno dhinaca ka raran.

Abwaan hal abuur yaqaan murti uu hore u yidhi baa hal ku dhigeedu ahaa “Wixii la bartaa balaayo leh” Sidaas darteed waxaan is leeyahay mudadan gaaban ee ay joogtey Xukuumadan Kulmiye waxey Wasaaradan Beeruhu ka bad baadey in la sarifo oo laga dhigo labbo Wasaaradood oo kala ah Wasaarada qoraalka iyo shinida beeraha iyo Wasaarada khudaarta iyo bustaanada oo tan dambe masuul looga dhigo Siyaasi reer Awdal ah si uu ugu dhex jahwareero sagaalka bustaan ee ku kala yaalla Geedeebley, Arabsiyo iyo deegaanka Camuud oo ka tirsan gobolka Awdal.

La soco qeybta labaad…..

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail: camuudnews@gmail.com
Or rasiiqi07@hotmail.com

This post has been viewed 620 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH