Harowo.com

Hogaamiyaha Xisbiga MRD ee Dalka Djibouti Daahir Axmed Faarax (Daaf) Oo Hambalyo U Diraya Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya

ee dalka Belgium ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Xasan, Ururka MRD ee uu hogaamiyo Mudane Daahir Faarax oo iyagu isku bahaystay inay xilka ka tuuraan keligii taliyaha dalka Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle qoraalka hambalyada ah oo Guddoomiyaha xisbiga MRD soo gaadhsiiyey Halbeegnews waxaa lagu yidhi sidani:

Mudane Madaxweyne,

Aniga o ku hadlaya magaca xusbiga siyaasadeed ee mucaarad ee PRD ee isu badaley MRD, isla markaana ah xusbiga mucaarad ee ugu da’weyn Jabuuti, iyo magacayga gaarka ah ayaan si farxad leh kuugu so jeedinayaa hambalyo diiran ka dib markii u shaley Isniin 11 bishan september 2012 ka Baarlamanka cusub ee Qaran ee Soomaaliya kuu doortay Jagada Madaxweyne ee Dowlada Soomaaliyeed.

Doorashadaada o ay ka muuqato kalsoonida u kadbaday hogaankagu aya ah tii u horeysa ee ka dhacda dalka gudihiisa mudo ka badan 21 sano, macna gaar ah ayeyna taasi xambaarsantahay.

Mudane Madaxweyne waxaad i ogolaata inan carabka ku dhifto haraadka weyn ee shacabka somaaliyeed u qabo isbadal iyo nolool tiisa dhaanta isaga o ka daaley dagaal iyo dhibtiisa aadka u laxowga badan.

Waxaan kuu rajeynayaa Mudane Madaxweyne guul buuxda o ku wajahan gudashada howshan aadka u culus aadkana u qaaya badan.

Allaha kula jiro Mudane Madaxweyne. Aamin.

Daahir Axmad Faarax – Gudoomiyaha MRD”

Halbeegnews, Brusseles
news@halbeegnews.com


This post has been viewed 342 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH