Harowo.com

Maxaa Keenay In Maanta Makaahiil Ka Taliyo Qadiyada Somaliland, Ragii Dhulka Sheegan Jirayna la Yidhaahdo Maqasha Sii Ilaaliya?

Ku Raaxayso heesta Oromada

“Cirka ma anigoon gaadhin baan cagaha laalaadshay, ciilow ba’eey ceebtayda carsaanyada sideedii miyaan gees walba u cararay” Cafaan iyo Dhako Case

Labadii sano ee aynu soo dhaafnay, ayaa waxa gobolka Awdal laga fadhiyi waayay SNM-ta cusub (Maxaad Case iyo Habar Cafaan), kuwaas oo ay dabada basbaas ka soo mariyeen horjoogayaasha beelaha dhexe, kuna soo salideen walaalahooda Makaahiil. Reerahan cusbada lasoo mariyay, ayaa waxay ka dhamaan waayeen dhulka anagaa leh, taladiisuna anaga ayay nagu kooban tahay.

Waa hadal wanaagsan, laakiinse mahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaa “Faanku Waa Xoolo an Laguu Sheegan”, markaa dadka wixii waxgarad ahi way ogaayeen fadhfadha iyo faanka Maxaad Case iyo Habar Cafaan, dhegna cidi umay dhigi jirin, laakiinse dhalinyartii qurbaha ee waxan run mooday bal maanta maxaa loogu sheekeen doonaa? Sidee da’yarta beenta sanadaha lagu dhurayay hada looga miiri karaa xumaanta lagu beeray? Taas weeye ta ay maanta dhibta ugu weyni ka taagan tahay.

Waftiga Siilaanyo ee madaxweynaha Somalia Imaaraadka kula shiraya, waxa ka mid ah Daahir Rayaale iyo wasiir Maxaamud Axmed Bare (Garaad), oo labaduba kasoo jeedaan ardaayada Makaahiil. Iska daa labada odaye Huda Barkhad ayaaba dhex boodaysa oo ay maanta Aamina Waris isku shushubanayaan.

Marka laga reebo Maxaad Case iyo Habar Cafaan, ma jiro beel aan ka muuqan waftiga siilaanyo ee Somali weyn la kulmaya. Qaabkan wax loo maamulayo ee lagu fogaynayo Maxaad Case iyo Habar Cafaan, ayaa waxa sida la sheegay codsaday oo si gaar ahna u danaynaya Siilaanyo Laftiisa. Sedex shir oo ilaa hada somalia iyo Somaliland wada yeesheen midna Maxaad Case iyo Habar Cafaan kamay muuqan, taasi ma waxay qaadan karaan baa dad dhul sheeganayaa? Miyaanay bahdilaad cad oo badheedho ah ahayn?

Guud ahaanba waxaad arkaysaa meeqaamkii Maxaad Case iyo Habar Cafaan ay xukuumada Siilaanyo ku lahaayeen oo tartiib tartiib hoose ugu soo dhacaya. Waxaad arkaysaa Maxaad Case oo dhawr bilood hadal iyo hugun midna laga waayay. Waxaad arkaysaa Websiteyadii camirnaan jiray ee beenta iyo huuhaada laga faafin jiray oo juuqdii gabay, qaarna albaabadaba loo xidhay. Waxaad arkaysaa oo aan la dafiri karin Habar Cafaan oo fajacsan, lana yaaban xawliga idbedlka ku dhacay madaxtooyadii ay wararka geyn jireen, lagana soo dhaweyn jiray. Waxaba laga yaabaa oo dhici karta inuu Iidoor ka khatoobay beenta iyo balaayada ay warka ka dhigayaan, sidaa darteedna aanay cidba hadeed kaam odhan oo sidoodii afku uri doono!

Wadahadala u bilaabmay Somalia iyo Somaliland, waxay daboolka ka qaadeen arrimo waayadanba hoosta ka shuuqayay, kuwaasoo la xidhiidha siyaasada Siilaanyo ee ku wajahan gobolka Awdal iyo beelaha Gudabuursi. Siilaanyo ayaa ku-xigeenkiisii oo uu awalba geed ku xidhay, hada u sii dhaadhiciyay xabsiga dhexe, isaga oo la takooray, xantana laga qarsado, aduunna aan war iyo wacaal u hayn. Waxa la odhan karaa Maxaad Case maanta wuu ka dhacay salaankii siyaasada, isla markaana xaga minalaahuda ayaa laga darbeeyay, oo gaajo iyo haraad ayuu la tiicayaa, Iidoorna war uma hayaanm, danna kama laha!

Habar Cafaan iyadu fadeexadii Huu Dhaydhkaba masoo dhaafin, wixii ay waranwaryo ku heli lahaydna wayba haysataa, miisaan intaa ka badana maba laha. Faarax Geedoole waa tii la ogaa in tirabo labo jeer magaciisa la soo hadal qaaday, maxaa ergooyinka looga reebay, ma hawlihii uu shaqada ku helay ayuu waadan dambe ka gaabiyay, xagee laga daaray? Cabdilaahi Dheerihii laga seexan waayay aaway? Halkuu ku dambeeyay? Siilaanyo maxaa iska bedelay? Muxuu ku nacay reerihii scabka u tumayay, isla markaana ku doortay kuwii dhabarka u sii jeediyay?

Doraato waa tii la ogaa wixii uu Cabdiraxmaan Saylici ku hadlayay, waa kii qirtay in aanu wax lakala macaashayo ogayn. Waxa kaloo la ogaa inuu horey sida naagaha u duday, ka dibna bilaa shruud iskii iskaga soo noqday, maantana halkiisii Daahir ayaa la geliyay. Hadaba, waa yaabe maxaa isbedelay? Maxaa keenay in Makaahiil oromo talo ku yeesho dhul aanu degaan u lahayn? Maxaa keenay in ragii dhulka sheeganayay daaqad laga tuuro, kuwii martida u ahaana talada dalka laga qayb galiyo? Waxni ma aduunyo gedoon baa, mise waxa la gaadhay wakhtigii runtu shaqayn lahayd beentana la iska dhaafi lahaa?

Jawaabaha su’aalahaasi uma baahna in badankooda meel fog laga raadiyo, waxa lagu soo koobi karaa; Iidoor wuu yaqaan, wuuna ogyahay marka ay runi runta timaado cidii bilowgii Somaliland la dhistay ee ku garab gashay in wax dawlad u eg gobolada waqooyi laga smameeyo, maanta Iidoor hadii uu jeclaystay inuu Somaliland dumiyo, waxa la odhan karaa wuu yaqaan cida uu dumisteeda kala kaashanayo. Wax intaa dhaafsani meesha kuma jiro!

Taasi macneheedu maaha in Makaahiil amaan iyo sharaf ku mudan yahay taageerada bilaa shruuda ah ee ay had iyo jeer la garab taagan yihiin ajandayaasha kolba is bedelaya ee beelaha dhexe, mana aha mid lagu faano oo la odhan karo Gedabuursi dan baa ugu jirta, laakiinse waxa kelya ee ay ka turjumaysaa waa xaqiiqa iyo waaqaca degaanka yaala iyo sida ay beelaha Smaroon u kala yaalaan, ayna u kala muhiimsan yihiin shar iyo khayr labada.

Si kastaba ha ahaatee, waa run inuu faanku yahay xoolo aan laguu sheegan, laakiinse waxa la yidhi hawo nimay fogaysaba danbaa hoos usoo celisa. Waxa xaqiiqo ah in maanta Habar cafaan iyo Maxaad case sidii gashaanti la bixinayo xishood dartii ay daaha ka khaawisayaan waxay Iidoor iyo Makaahiil wada wadaan. Yaa u Sheega in aanu Iidoor aamin lahayn!

Harowo Deska, Boorama


This post has been viewed 6545 times.

camud

47 Comments for “Maxaa Keenay In Maanta Makaahiil Ka Taliyo Qadiyada Somaliland, Ragii Dhulka Sheegan Jirayna la Yidhaahdo Maqasha Sii Ilaaliya?”

  1. horta ninkan harowole magaalbaa mise waa akhran anigu arinkan magaranayo walaahi waa munaafaq samaroonka loo keenay waar tawbada ha seegin nin weyn ayaad tahay reeraha ha isku dirin sheena uu ku dhalaye karaamadii baad ka qaaday

  2. KAN MEESHA KUSOO QORAY AFLAGAADADA IYO ADKAN KALE E MESHA ISKU XAGXAGANAYA SIDII HABLAHA YARYAR WAX AAD OGTIHIIN MA JIRRTO WAXAD TIHIIN DHAMANTIIN CARUUR WAAYO ANIGU MA ODHAN KARO NIN WAAYN AYA SIDAN U HADLAYA WAAR IDINKU HA ISKU SOO JESANINEE KALA JEESTA DAD WALAALA AH AYAD TIHIIN MEESHAN NA SIYAASAD AYA KA SOCOTA ADUUNKANA SIYAASAD AYAA LA ISKU DHAAFAY SHEEKO DUMARKA INTAAD JOOJISAAN RAGANIMO WAX KU KEENA

  3. canab

    waar horta kuwan reer nuur ee doqmaha ah maxaa waaley. iyagoo ciilkoogii samaroon dhulka mari laayahay ayuubay reer nuur ismayaqaan iyo geesiga reer nuur ay dadka la laaclaaaan.

    faarax yoonis ninka sita waxan is deji dheeshana si degan u ciyaar. cadhadana yaree maxamadcsana halkiisa u daa.waxanad ogaataa in cawar xareed jeelka laga soo sii daayey anu ku boori doono sidaadi

  4. galaydh

    HABARCARFAAN, MAKAAHIIL IYO MAXAMED CASEBA WAA NIMAN TOLLA OO DEGA SADEX WADAN OO JAARA. ETHIOPIA,SOMALILAND IYO DJIBOUTI. WAA NIMAN DHULKAN EAST AFRICA MAR KA SOO TALIN JIRAY. waa niman haday iskaashadaan midna u noqdaan danta guud sida beelaha kale darajo gaadhi kara horumar aanay beelahan kale gaadhi karinna, gaadhi kara. markaa waxaan leeyahay nimankan websitekan wax ku soo qora iyo kuwa kale ee reerka laguu kala guro waanu iska kiin qaban doonaa anagoo ah beesha gadabuursi. sawiradiina iyo magacyadiinana deegaan gadabuursi baanu gaadhsiin doonaa haddii aad joojin waydaan kala gurka beesha iyo inaad umadaha kale ku hor fadeexadeesaan.

  5. galaydh

    asww. subxaanalaah. wallee mid baan ka yaabay waar nimankan tolkay illayn doqon kama dhamaado. ilmaadeerayaalow bal eega websiteyada isaaq, kama soo helaysaan website aflagaado ama wax ka sheeg xun ka sheegaya tolkii. waxaan la yaabay nimankan waxay yihiin ee intuu u fadhiisto usoo badheedhaya inuu ka hadlo oo shaashadahan aduunka oo dhan laga daalacanayo kusoo qoro aflagaado reer oo tolkii ah. ninkaasi ma libin buu gaadhay mise isagaa is dacniyey. anigu su aashaasaan soo waydiiyey akhristayaasha ciday doonaanba ha noqdeene.

  6. bus

    inan wax ku qoro maan jecelayn website lkn markan arkay cayda halkan ka socota waxn la hadalya cid kasta oo wax ka sheegta magaca samaroon ama beelwaynta samaroon waxan leeyahay halaga daayo aflagadada tolkay aniga ma qabo nimanka sidan isku cayaya inay yihiin ilma sheekh samaroon waxanan u sheegaya beesha dhexe cid ay dulaystay ma jirtee dadka ha noo bahdilin xoolayahow meesha isku cayaya mid kale umad madaxdeeda ama suldanadeeda cayda ma arkin harawo ama waxan sheeganayaa rer sh samaroon

  7. maanta cey iyo is aflagaadayn ma taagna ee talay taagantahay wakhtigan kala guurka ah samaroon waxa sugaya sidii abaaraha looga bixi lahaa.iyo siyaasadahan duufaan socodka ah sidaad uga gaashaaman lahayd.MASKAX MAAL MAANTABA TALO KEEN.

  8. Jirjir

    Cayda ha la joojiyo, ilhayna ha laga boqodo wangaana ka shaqeeya walaalayal , aniga ku lahadalaya makahiilka, aad sheegaysin wan ahay , balse walaalahay samaroon xuman u ma quudho iyo cay , qabiil waxan u malayanaya soomali horey ayay u soo dhanayasay, markaa gadbuursiga ayuu u cusubtahay, war hala dhafo cumanata

  9. Ismael Gesiyadi SAMAROON

    waar Makahiil xumaanta iyo ceeyda aan iska dhaafnoo walaleheen aynu soo dhaweeysanoo
    wayoo maantaa anagii dhexdayadii aa lanagu ciyadhaya runta hada isku shegnoo midna mid maa dhamoo. Intaas waxa weyii waa sii aynu wax u fahmiin markaas kursii bu cise ii siyeey amba isag ii siiyeey aa isku aa ka shekeyneynaa. Inalillah waa ina ilahi rajuciin dhulkina waa la qateey. Doqoon, nacaas iyo ineynu dhexdayaa ficiil isku laa jirnoo maanta sheekhashii yaa halkee mareysaa inagii tariikh lehenaa taan aa ino dambeyseey Ilaah baa ledihiin doqomo yahoo. Imbecile Anoo aa reer jabouti dumaarka idiin dhamaa maantaa waxaa halkaa ceeyda laa soo fadhiya raag aay u badaan yihiin salopar, merde maxaad aheeydeen ileen horaa loo idhii dab aa dambaas dhalaa. Maanta waa nala leynayaa hablihii aa meel walba lagu kufsanaya waxoo la donoo laga yelayaa idinku waxaad ka dhamaan ladiin ana ka itiil roon. Sauvage afkiina ceystaa ,weey ileen cii lagu maa dhintoo taan dhimasha ka jeclaa

  10. farah yoonis

    makaahiil waa 80 percent
    mahad case is 16 percent
    habar afaan is 4 percent

    ALL BLACK HEADS R MAKAAHIIL

  11. Maalintuu dhashay awoowgay Jaaraahorato ayaa la daganaa dadkoo dhani saf ayay ku jireen Ugaasku geed Damala ayuu hoos hurday aadna uga fogaa guriga islaantiisu ku foolanaysay,dadka layn dheer ayaa la galiyay geedka hoostiisa iyo guriga islaantu ku foolanaysay si loo soo gaadhsiiyo markay foolato haduu inan dhashay sida khadka teloofanka oo kale ayay u shaqaynayeen

    Ugaas waa inan

    Ugaas waa inan

    ilaa warkii la soo gaadhsiiyo meeshuu fadhiyay.

  12. Boorama dadkii asaasaye la socday Cilmi Warfaa ayaan ahay oo markaa ahaa Ugaaskii Samaroon sidee la iiga sheegtaa Boorama /Cajiib dameerahaaan dhaqanayna hadlaya………

  13. WARANLE WAXAN KU ARKEY
    INEY DHUXUSHA KEENAN EE
    MAN ARAAG MEEL AY KA KA
    DAGAN KKKKKKKKKKKKKKK
    GEELII MAXAD CASEE WABAA
    HALAAL YAROO MAKAHILAA.
    HADAL BILA MICNO KUMAAA
    BAAAXXOOOO KKKKKKK

  14. Anonymous

    Maxedcase migaan iyo makaahiil iyo cafaan cadhoole maxaya isku haystaan

  15. Waranle

    Borama=Orama. LOL yaa dhahay Oromo dalka ma degto

  16. MAKAHIL DILAA IYO QULUJEED MOOYEE
    HALKU DAGAA? SULDANKU WAKU KU YIDHI
    INTAA GOOB EEN KAA COODEYOO KAMA
    COODEYSIID KKKKKKKKKKKKKKKJJKJJ
    BEENIII RAAAAD MAA LEEEH

  17. waar waa naga badanyhiin makaahiilku waa qawimiyada sida oramda usii tira badanaysa alle ha barakeeyee

  18. TOLKEYGAN MAKAHIL ILMADERAYAL
    MARKAN ANIGU OROMOO INI LEYAHAY
    WAXAN UGA JEEDA CAQLI XUMOOO.
    WAR DALKAA MADAXWYNE IYAD KA
    AHEYD EE WAXAN KU WEYDIYEY IS
    THAT ALL YOU CAN SHOW? IM WASTING
    MY TIME.

  19. jaaro

    anigu anoon samaroon kala saarsaarayn oon cidnaba caayayn waxaan ka jawaabayaa su aasha wiilkan yari dadka waydiiyay ee uu leeyahay kuraasta baarlamaanka yaa ku badan….
    walaal gobalka waxa kuraastiisii 13 ka ahayd ku fadhiya 2 habarcafaan ah 5 sunaamidii daahir rayaale ah oo maxamed case ah 5 makaahiil ah oo kala ah 2 reer nuur 2j yoonis iyo 1 aadan yoonis ah,kursga soo hadhayna nin ciise ah oo rayaale kharash kaga qaatay ina cumar geele…13 kii sidaasay ku dhan yihiin hadaad rabtidna magacyadooda dhamaan waaan kuu sheegi karaa.

    laakiin ma garanaysaa 39 xubnood ee 3 xisbi iska sharaxay ciday kala ahaayeen
    Anaa kuu sheegayee bal qabso
    6 maxad case ah
    8 habar cafaan ah
    24 makaahiil ah
    1 ciise ah////////
    Markaa tiro waa taa inaadeer
    waxaan iloobay cali gabiley oo gebilay ka sharaxnaa oo u sharaxnaa samaroon oo dhan codkiisii 20,000 gaadhayeyna isaaq u heshiiyeen ooy dheceen kana soo reebeen 5600 ilayn ilaa hargeysay codayntu ka socotee

    markaa walaalayaay haduu makaahiil badanyahay waa tolkiin uun

  20. MAHAMAD CASE DABAFAYTE

    KHADAR;

    WAXAA KEENAY INUU KALUUNKU KUU CODEEYO RAYAALU AHAA EE FAAN HA KA DHIGAN DADKII LUGHAYA KA CODEEYAY IYO DADKA KU NOOL YAA BADNAA?

  21. WAXAN UGA JEEDA REERKA BADAN
    WAKA BARLAMANKA KAGA BADAN.
    MARKI DORASHADA LOO DARERAY
    WADIGI KA NAXEY INTA MAXAMED
    CASEE UU SOO SAAREY MARKA INADER
    STOP DREAMING.WAXA HADA BAKII
    KA FURMEY SHIRKI REER MAXAMEDKA,
    MARKIBA WAXAD WEBKAN SOO GALISEN
    ODEYGI WALNA EE BORAMA RADIO DHEX
    SIDAN JIREY OOD WAREYSI KA QADEN BAL
    INAD WALAN TIHIN OYDIN DHAMIN KKKKKKK

  22. Dhexfur ma cabsade

    Khadarow Nin aad ka cabaadeyso oo ciil kugu diley ma nacasbaa lagu sheegi karaa, tirada uunbaad cuqdad ka qaadeene ilaahay barya inuu idin badiyo makaahiila waa walaalkiine haka xumaanina.

    Kuraasta maxaad uga jeedaa? bal noo bal balaadhi

  23. HA WA RUN
    WAXAD NO SHARAXDA SAMAROON
    BEESHE UGU KURAAS BADAN S/L?
    OROMOO LOGAMA JEEDOO TIIROO
    EE NACASNIMADA IYA LOGA JEEDA

  24. Jigjiga

    Xumaanta iyo xaasidnimada Dhakacase iyo H.cafaan waxay gaadhay heer xun.

    Axmed miisaan
    Claahi dheere
    Xasan aw adaan (odeygii foosiya xasan iimaan)
    Cabdiweyne (xaar ka buux)

    Afartaa nin ayay u xuleen itoobiya. Waxay yiraahdeen gobolkii Harowo ee samaroonka itoobiya raadsanayay aan ka dacwoono.

    Lacagta waxa iska kaashaday Saylici iyo qurbo-jooga labada reer.

    Nimankii lacagta ururiyay waxa ka mid ahaa Qaame, Mulac iyo ina cumar madoobe.

    Afartii nin jigjigay kusoo horeeyeen markay waxba u dhaqaaqi waayeen waxay usii dhaafeen addis ababa.

    Lakiin arinkoodii waa la ogaaday oo waxa khashifay ogaadeenkii ay jigjiga kula kulmeen.

    Halkaasay maraysaa xumaanta tolkeen inoo hayaa inaguna kii baahan waan caawinaynaa kii laga itaal roonyahayna waan ugurmanaa. Daacadi ma hungowdo, xaasidkuna ma aflaxo. Walaahi tafiirtoodaa ku yaraanaysa xaasidnimada iyo cuqdada ay walaahood u u hayaan, waa taariikh waxbaa looga soo jogay.

  25. Anu horaan u sheegay inaanu saylici siyaasi ahayn ee uu yahay wastaad, reerkan idoorna uuba ogaa garaadka saylici waana sobobta ay maqaska ugu dhiibeen, ee dhismayaasha cusub ee ay dhistaan uu xadhiga uga jaro, sidaasuu u bahdilanyahay ilaa imika balse waxan ka naxaa toobada uu seejiyay tolkii kuwii ku dabafayshanaa oo maanta geedaha cunaya gaajo darteed, laakiin reerkan habar cafaan waa dameeri dhaan raacday beritana sidii bisada uunbay makaahiil indhaha iskugu soo qabanayaan oo ay soo hoos fadhiisanayaan,,,,,

  26. Haa waa run

    waar maxaad naga waydiinaysaa makaahiil iyo maxedcase midka badan, ma waxad u jeedaa reer nuur iyo maxedce midkee badan………….
    Markay tirada iyo tamarta makaahiil ka yaabeen sowkuwaa makaahiil oromo qoraya. makaahiil oromo macnaheedu waa qoomiyadii badnayd.

  27. oogle

    saylaci waa ninka ku fadhiya kursiga somaliland maanta , ciyaar mood, waa ninka riyaale ,u direy dubai, ileyn isagu waa ku simaha madxweyna ,ahana, madaxweyne xigeenka, xageed aduunka ku aragtey, kursi la cidleeyo, hada saylaci, wax uu sii xidhey suunkii, ama seeftii, dadka qaadi jirtey, intaasi wax ayuu hoosta ka wadaa, reerkiina waa ka caalamka u sheegey ee yidhi waa in dadkaasi la caawiyaa, ragnimo. in ay madaxleeyahiin maxamed case ayaa cadaatey, kuwan ilama samatar yaa dooranya? siyaasadu iska carar maahan waa in aad dad sameystaa ku taageera.

  28. Anonymous

    Samaroonow yaa badan Makaahiil iyo Maxadcasse?

  29. MAKAHILOW JABKAGABA WANU OGANEY.
    MAXAMED CASE SIYASADU KUSO JESTOO
    SILKI PARKING IYU KU XIIDHEY.WAXA TAS
    DALIIL UU AAH WAKA SEYLICI KU YIDHII
    DAHIR NACAS KABAHA SILANYOO UU QAD
    IYO BORSADA.WAXEY KU TUSEYSA INEY KA
    GOAN TAHAY INAN KU GUMEYOO.WAXAD
    KALOO AAD UU FIRSATAA KONFUR KKKK
    ILMA SAMATAR IYA KUGU SUGAYA KKK
    WAXAD UU FIRSATA JABUUTII CISIHI ANIGO
    SEYLAC 2 SAC KAGA SAREY OON ABAL UGU
    QABIN IYEY NIN MAXAMED CASA JAGADII
    MAKAHIL TOLKI UU DABA WEYDARTEY 1977
    MANTA WIL DHALIN AAH MAXAMED SOMALI
    LA YIDHA KU FADHIYA.MAXA KU HADHEY K5
    HALKANA WANU USO DIREYNA NIMAAN
    BAHABAR ADEN AAH OO DIRI DHABA DAGTA.

  30. xoosh

    waar laangaabkiii ma waluu daba socda jibril yonis iyo makaahiil wayne alla wayno waaxide adeer samaroon miisaankiisa waa la ogyahay ee habar cafaan iyo maxad case iska daaya calool xumada aad u haysaan tolkiin ilayn laangaab ayaad tihiin oo waxba kama qaadaysaane kkkk

  31. xaawa lula

    WAXAAN HALKAAN UGU SOO NOQDAY SI AAN HEESTA OROMADA AH UGU RAAXAYSTO AGAIN AND AGAIN KKKKKKKKKKKKKKKKKKK VIVA MAKAAHIL WALAHI MARKII TIRADOODI LAGA YABAY BAY OROMO YIDHAAHDEEN OROMADU WA QOMIYADA UUGU LAANDHEERAYSAN XABASHIDA CAADI MAHAA

  32. MAKAAHIIL +MAHDCASE +HABARCAFAAN= SH SAMAROON.
    NO NEED TRIBLIST NEPOTIST AND INFERIOR COMLEX PERSON IN BETWEEN US.STOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOP

  33. WAR DEGDEG AH
    —————
    warkii ka socday dubai waxa ka hadlay 42 dawladood
    ajndaha waxa lagu soo daray sheekh shariif oo ku hadlayey afka somaliweyn.intii kale si fiican oo anshax iyo asluubi ku jirto ayey qudbada madax weynaha somaliyeed u dhagaysanayeen.

  34. hasan

    GACMO WADAJIRBAY WAX KU GOYNKARAAN.

  35. maxamad cali

    Jibriilow gadabuursi himiladiisa cidna kama qarin oo waa lawada ogsoonyahay waase himilooyin qaldan oo isbadal u baahan waxana badali kara da’yarta oo dib isku habeysa. Hadii aan wax kaa xasuusiyo waxa ka mid ah;

    Inaan la israacin
    Inaan la is indho buuxin
    Inaan la is xaqdhowrin
    In lakala daneysto
    In la is caayo
    In aan shisheeye ka cabsoono laakiin inagu isku dhameyno
    In inteena waxqorta wakhtiga ku dhaafno ceyda dhexdeena.

    Jibriilow kun himilo oo Gadabursi leeyahay waan kuu qori karaa ee intaa hordhac u qaado.

  36. ILAAHII II UUNTAYE mAKAAHIIL IGA DHIGAAN U MAHAD CELINAYAAAA,WAA mAAKIILKII ILAA uGAAS cALI mAKAYLDHEERE LA DABA SOCON JIRAY,,,,mAANSHAA ALLLAAAH ILAAHBAA MAHADLE…………uGAAS Cabdirashiid xaguu ku danbeeyay?

  37. Anonymous

    Somaliya hadii la tegana makaahiil mugweyne ayaad ku dabo feyli somaliland-na isagaa wax laga weydiinayaa

  38. Anonymous

    G.bursi himiladiisu waa midnimo somaliyeed, siyasaduna ta aad adigu u haysato uun maaha.
    Way midabo badan tahay. Rer walba ama qof walba sidii uu noloshiisa, horumarkiisa iyo nabadgalyada gayigiisa u maareeyo ee kolba xaalada taagan uu uga gudbo weeye siyaasadu.

    Lkn doorku siyaasada hunguriga ah wuu kaga horeyey g-bursiga.

    Ta aad tidhi siyasada silanyo iyo ta saylici raaca waa hadal jaahil hadalkaasi.

    Daahir iyo saylici iyo kukale midna talo kama go’do. Sayliguna waaba ka ugu sii liita, waa ninkii aad dhagegysatay ee soomali oo dhan miyi iyo magaalaba BBC-da ka dhageysatay todobaadkii hore.

    Wuxu ku hadlay wax qof damiir lihi ku hadlo ma ahayn, ninkii dhannaa ee m-weyne xigeenka lagu sheegayay sowkii yiri anigu waxba war uma hayo kkkkkkkkkk

    Qodobka ugu dambeeya waxan kuu sheegayaa qofka wanaagiisa iyo xumaantiisaba waa la sheegi. Ma saylicibaan amaanaa, maxaan ku amaanaa.
    Ma daahirbaan amaanaa maxaan ku amaanaa

  39. cafaan labasiile

    Walaalayaal beentii socon wayday isaaq nin miisaan luu ubaahan yahay.

  40. REERKAN MAKAHIL WAXA TIRADA UGU
    JIRAA DAHIR NACAS.WAAR XISBIGA HIIL
    QARAN TAGERAA DORASHADA SO SOCOTA.
    OO KU DABA FEYLA MADAXWEYNAHA
    MUSTAQBALKA EE UU TALIN DONA 15
    MILYAN OO SOMALII AAH . MAKADORKA
    MADOW MAXA NACAS BILA VISION AAH
    KA WADA DHIIGEY.SOMALI LAND INEY
    KU DEYSEY HADANAD ARKEY,DEE MAGACA
    OOROMOO WAD ISTAHISHAA KKKKKKKK

  41. jibril

    Gadabuursi niiq law goormaad aduun yada dhinac ka raaci ood nin kaagu haduu doqon yahay na aad amaani ood cirka gaadhsiini si ummadaha aduunka.
    Waxa yaab leh malaha haddii Jannada la idin galiyana waxaa odhanaysiin tani waa cadaabtii, wa’ayo waxaan waayey wax aad amaanaysiin.
    Madaxweynuhu haduu wadanka dibadda uga baxo sida caalamka kale ba saw inuu madaxweyne ku xigeenku hawsha dalka sii qabto ma’ha.
    Car waa ninka Gadabuursi ee ii sheega himilada ay tolkay lee yihiin inay gaadhaan.
    Barigii aw Siyaad Barre aw soo diray Moorgan ayaa warbixintii sii u horaysay, ku yidhi Isaaq waxay rabaan waan gartaye dad la yidhaa Gadabuuri ayaan garan laahay waxay yihiin, Afweyne intuu qoslay ayaa waxa uu yidhi kuwaa si waa Hindi iyaga kuuma aan dirin.
    Waar xishooda oo cayda ka daaya Madax diina iyo qabiil kiinaba dadku idma yaqaaniin waxaad tihiin iyo ceebihiinaba ee ha is fadeexdaynina.
    Waan sugayaa Jawaabta “waa maxay himiladinnu”

  42. doqonimada makaahiil oromo ayay ka mitahay, waar ragii is atkaynayay sawkuwan soo jabay,adeer go aanka silanyo iyo saylici waad raaca wado kale idiin ma fureeeeeeeee

  43. Cabdoo

    Walee Waaba hees macaan………….
    Makaahiil Mugweyne maxaa lagu haystaa. Nimanku ma maxedcase iyo habarcafaan oo la isku daraybay ka bateen waakuwan oromo ku sheegaye

  44. Cabdoo

    Waaba hees macaane, Makaahiil Mugweyne maxaa lagu haystaa. Nimanku ma maxedcase iyo habarcafaan oo la isku daraybay ka bateen waakuna oromo ku sheegaye

  45. xaawa lula

    KKKKKKKKKKKKK WALAAHI WA WAX LALA YAABO RAGII DHAKO CASE EE IS WAREERIN JIRAY MAKAAHIL CAGTA HOSTEEDA AYAY GALIYEEN. KUWII UGAAS DIIDKIINA ABAAR BUU ILAHAY KU SALIDAY. LAANGAAB CIDINA UMA BAHNA. MANTA ERYA HADUU DAHIR RAYALE YIDHAAHDO IN MAQASLE LA SOO RAFAAYO AYAN OGAHAY AHAHAHAH.

    HABARCAFAANA WARKII AY LA SII DHUKUSI JIREEN IYO KII AY SOO QADI JIREN EEY LAHAYEN SILANYO UGU DHAWADA WAXA KA KALA DAADIYEY AMAAL HUUDHAYDH OO AFAR SHAY OO DADKA MASAKINTA LOOGU TALO GALAY QAARNA ISKA DUL HUWATAY QAARNA IIBSATAY KKKKKKKKKKKKKKKKKK

  46. gabilay

    talaabadan waxaan u arkaa inay tahay mid sax ah oo loobaahnaa inuu siilaanyo mar horeba qaado run ahaan tiina marka go’aan aad qaadanayso waxaa lala tashadaa dadka aad isleedahay talada way kula leeyihiin sidaa daraadeed makaahiil wuulaleeyahay silaanyo talo kasta oo uu go’aan gaadhayo

  47. Nacas

    Waar habarcfaan iyaga daayoo, maxaadcase miyaa la sixray, saylicigan baas miyaanay ka cabsi qabin inuu sida daahir rayaale danauste noqdo.

    qofkasta oo lacagta isaaq dhadhamiyaa wuu nasakhmaa, tolkiina kuma soo noqdo.

    Saylici si kasta oo loo bahdilo marnaba ha ka fuluna inuu damiir yeesho.

    Isaaqu gedabuursiga la jooga qalbiga ayay kaga kaadshaan, saylici ninowna ha isku halayn,

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH