Harowo.com

Xuduudka Djibotui iyo Xeebta Baylahsan: Waano iyo Wax Sheeg Ku Wajahan Beelaha Samaroon

Bani Adamka waxa bara nolosha dhibaatada, mana jiro dad aduunyada ku nool oo an dhibaatada dareemin, beeshayda Samaroon mooyane. Muddo hadda aad u dheer waxa maalin kasta iyo saacad kasta laga fikiraa sidii loo dhibi lahaa beelaha Samaroon ama loo dibindaabyeyn lahaa, iyaguna ma laha dareenkii dhibsan lahaa waxan haysta.

Taana waxa u dheer marka nabarku ku dhacana waxay u qaataan qadar ilaahay, oo way la luudaan uun, haday is daaweyn karaan iyo haday nabarkan ku dhacay u dhintaanba, ma eegaan hareeraha iyo is bedelka ka dhcaya hortooda iyo dabadoodaba midna, taasina maaha mid dad qaranimo sheeganaya ay ku noolaan karaan mudo dheer.

Laga soo bilaabo lixdanadii, waxa beehsyada Samaroon lagu koobay hal degmo oo la yidhaahdo Boorama, markii wadanka Somalia uu ka dhaco is bedel ama dawladi is bedesho, waxa la soo qaadaa uun faylkooda oo ku kooban hal degmo, taas oo ah Boorama.

Waxa taa ka sii daran halkii degmo ee ay saamiga u heleen ayay sii kala qaybiyeen, oo waxay ogolaadeen nus degmo. Madaxweynihii Hore ee Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa mar ay 66-kii rabsho yari ka dhacday Zeylac wuxu yidhi “labo hilib qaydhiin ku qaybsatay, bisayl iskugu ma cawrido,`labadaa kursi idinkaa bixiyey Gadabuursow ee waxba Ciise ha xagxaganina.”

Labadii kursi waxay sharciyeeyeen in degaankii beeshy noqdo wada halaq mareen ah, oo cid waliba hungurayso. Waxa la yidhi “Amaano kugu raagtay inaad leedahaad moodaa.” Way dhacday oo maanta ninka Ciise ee Hadha Gaala iyo meel ka shishaysa u dhashay wuu ku taamaa Zeylac.

Adigu Gedabuursow Djibouti baad lahayd, oo ad yeelan kartaa, ee maxaa ku diiday inaad ku hamido inaad qaadato ama aad ku taamto. Dadka maanta Djibouti ka taliyaa boqolkii sideetan waa reer Ethiopia, adigii lahaana kama jirtid, taasi miyaanay ahayn doqonimo?

Wuxuuse damucu yimaada markaad daafacato kan ad ku nooshahay, haddanad lahaynba ama aad odhan karin waxan anigaa leh, waxad ogaataa inaadan dadka ka xigin.

Xeebtaa baylahsan ee ilaa maanta u difaaca u ahaa cimilada ilaahay ee kulaylku ama xagaagu, waxay u baahantahay Gebabuursow tallo iyo inaad u dulqaadato xaqaaga iyo haraadka si aad u ilaashato degaankaaga, ma suurto gasho inaad noolaato hadaadan degaan lahayn.

Aragtidaada iyo wacyigaaga kor u qaad, daafaco, oo ku dood waxaad leedahay. Degaankan dayacan sidii loo sugi lahaa marka hore waxay u taalaa Beesha Maxammed Case, marka labaadna walaalaha beesha Samaroon weyne.

Waan inaad u aragtaan sida dadka kale u arkayaan Somaliland, waa beelo iyo degaano nabad gelyo ku wada nool, ha ka xishoon inaad tidhaahdo halkaa anigaa leh, haka xishoon inaad iska bedesho maamulaha aan la shaqayn karayn rabitaankaaga iyo wixii aad jeceshahay. Ha ka xishoonin in aad xaqaaqa sheegato. Ha ka xishoonin inaad wixii kugu gaf ah diido. Sheegashada wixii aad leedahay maaha ceeb, gaf iyo xad gududna kuma aha beelaha kale.

Dalkana adigaa leh, dawladuna waa adiga, dawladu waa inay danaaga u adeegtaa, maaha inaad adigu noqoto ka waxkasta ka tanaasula. Muwaadin baad tahay, xaqna waxad u leedahay in aan lagugu soo xad gudbin, waa inaad xaqaaqa afka iyo adinkaba ka sheegi karto. Dadku taas ayay isku ixtiraamaan. Qofkii ama beeshii aan sidaa u dhaqmin ogow in ayna mudo dheer sii jiri doonin.

Waxa aanad doonayn si sharciga waafaqsan u diid, ha qaadan waxaan kuu qalmin, baro waxaad xeer u leedahay iyo waxa kugu xad gudubka ah. Aduuyada oo dhan sidaas ayaa looga nool yahay. Ogow sheegashada xaqaaqu iyo wixii aad xeer u leedahay dambi maaha, mana aha wax xishood lagu qarin karo.

Hadaad wax ogtihiin 1980-gii mar la sameeyey tiro koob 16 dugsi oo degaanka Djibouti ah maamulayaasha 13 ka mid ahi waxay ahaayeen Gadabuursi iyo Isaaq, maanta hal Gadabuusi ahi ma jiro, waa laga tirtiray, kuligoodna way ka qaxeen dalka ama way dhinteen, sababtu waxa weeye waxa laguu sheeganayaa dulka Jabuuti.

Waxa Jabuuti ka socda, oo la rumeeyey in nin kasta oo ku abtirsda Ciise uu Reer Jabuuti yahay, xataa hadii uuna ku dhalan oo uu ka yimid dal shisheeye, adigana Gedabuursi ahaan ayaa lagu eryanayaa, aqalkaagii baa laguu hor fadhiyaa, oo la doonayaa inaad ka baxdo.

Dawladda Somaliland iyo masuuliyiinta ka tirsan beesha Gedabuursi ee noogu jirta xukuumada, odayaasha iyo salaadiinta beesha Samaroon iyo inta wax garadka ah, waxan ku boorinayaa in arrintan kor loo qaado, lagana furo doodo, doodahaas oo marka hore gudaheena ka dhex dhaca, ka dibna loo bandhigo dadka an dalka wadaagno.

Waxan ogahay in beelaha Somaliland, gaar ahaan kuwa barriga iyo qaar xataa Hargeysa degani anay aqoon badan u lahayn dulmiga iyo dhibaatada Dawladda reer Djibouti ay ka wado degaanka xeebaha galbeed. Hadii dadka masuuliyiinta ahi ay hawlahooda ku saabsan xajinta dhulka beesha Samaroon kasoo bixi waayaan, waa in dhinac kale looga wareego.

Waxan bahweynta Samaroon ka codsnayaa in fadhiga laga kaco, waa in aan xaqeena ka hadalnaa inaga oo aan cidna aflagaado iyo xumaan u geysam. War xuma tashiilku wuxu u fasiri doonaa hadaladaydaa degaal oogid, hadalkaygu maaha dagaal oogig, waxaan ka talinayaa sida khayrku ku jiro, xaqaaqa oo aad sheegtaa maaha dagaal oogid, ee waa xaq sheeg, ninka shaqa ka aamusaa wuxu ka dhiganyahay shaydaan dhega la’.

Wa Bilaahi Tawiiq`

By Omer Sult. Fahiye (Gadhcase)


This post has been viewed 460 times.

camud

12 Comments for “Xuduudka Djibotui iyo Xeebta Baylahsan: Waano iyo Wax Sheeg Ku Wajahan Beelaha Samaroon”

  1. Asc walaalayaal dadka samaroon waa dad aqoon iyo karti leh dalkoogana way jecelyihiin dadaalma way wadaan dekedna waa la furayaa saylac iyo lughaya lagu murmi maayo ceese isagaaba wadankiisa gaalo ka iibiyay muxuu dhulkale qabsan waa sacabkoo timo yeesha ee taas hala ogaado

  2. Kuwina waxan isugu jibinaya waxan umalaynaya hoyadin aya kacanki katirsanayd basasna u ahan jirtay

  3. waar maxamed case dadkan iska qabta makahiil orama yayna dadka isku kiin dirin salal iyo xeeb maxya ku leeyihiin ma itoobiyay u qateeen waar degaanka waxa degan maxamed case iyo ciise siday u wada noolanayaan aygay u taal waxan dawarisigii iyo xasnidnimadii ay u dhasheen makahiil been iyo isku dir bay darsadeen

  4. Anuu waxaan ahay Muwaadin soomaaliyeed waxaana ka imiday muqdisho waxaan waligeey maqli jiray samaroon waa dad Aqoonyahan ah, soomaali waxaa ugu aqoon badan gadabuursi meey samaroonkii aqoonta lahaa mise wey madheen mise wax kalaa jira alloow sahal umuuraha
    Samaroon hurdada ka kaca oo indha fura hareerihiina eega, oo dhaqaale samaysta kii lughaya jooga ama saylac jooga kiishka sonkorta ama bariista waxaad ka sugtaan dekeda berbera, maxaa idiin diiday inaad la jaanqaadaan dunida maxaa idiin diiday inaad la jaanqaadaan horumarka maxaa idiin diiday inaad la jaanqaadaan kol hadii dhulkiina illaahay idiin nabadeeyey inaad ilbaxnimadiinii la idin ku yaqaanay la timaadaan mise waala idin ilbixinayaa oo la idin daafacayaa ama la idiin dhisayaa dhulkiina !!!!!!!!!!!
    ka kaca hurdada oo dantiina ka tashada oo iska daaya is dhigashada wasalaamucalaykum waraxmatulaahi wabarakaat

  5. Bravo…..Bravo……Bravo.,Ninkan Omer Sult. Fahiye (Gadhcase) waa ninkii u horeeyay ee Samaroon ah inta aan akhristay maqaal ka hadlaaya danta Samaroon si fiican oo daacad ah uga hadla oo aanay ku jirin cabsi,doqoniimo,shisheeye kalkaal,badawtinimo,kabaqaadnimo iyo dhamaan wax Samaroon ku ah lid waa ka nadiif adeer halkaa kasiiwad dagaal oogena haka biqin anaa doonaaya dagaal aan ku kala baxno Ciise iyo SNM oo bakhtiga iyo maydka la kala jiido oo ay dhacdo tii Ruanda iyo xaasuuq ka dhasha damaca ay wadaan Ciise anaa doonaaya in aan dhiig ku faraxasho ee waxba haka biqin sxb halkaa ka wad.

  6. gogti

    waxaa laayaablee qoomiiyaad dhan oo xumaantaa cisee ku heshiiyaa waxaa laa argaa ashkhaas xun ee waa maxaay maa samaaroon baa maantaa sheegaanaayaa xuduudaa djibouti iyo lughaataa waa nasiib
    ee waxxaan odhaanaya dhulkaas waxaa dagii waa ciise iyo maxamed case inan laayaal ah ee samaroonoow bal miiyiir ilaahaay haa kuu gaadhsiiyoo markaad yeelaatoo dhulakaas ee

  7. Yusuf geelqaad

    Waan idinsalaamey dhamaantiinc akhyaarta, afkaaga caano laguna qabayeey ishaadka ridey sida aay xaqiiqadu tahay weeyaan runtu raga madishee weyka naxisaa waar soomaalida runtaa loosheega somalidu isboob iyo isdhaxalwareejin loo dhaqaaqey have foojignaado dhulkaagana u dhimo markaan dhulkaagana lee ahay maaha muqdisho degaanka ku horeysii hadana Somalia oo dhan.

  8. Anigu waxaan ahey nin isaaq ah waxaan kula talin lahaa walaalaheey inaan wada dhisano dalka somaliland oo aynu iska dayno qabiil hebel baa ina guumeysta iyo hebel baa i guumeysta. Saxibayaal xuduuda waxaa inagu waajib ah in ta galbeedna Djibouti laga xidho iyada oo gacmaha lays haysto oo isaaq,warsangeli , iyo Samarooni ay jibouti meel ka mariyaan. Ta galbeedna majeerteen laga ilaaliyo. One strong somaliland. One Strong dir. Isaaq, samaroon, isse are brothers and sisters. Nothing else

  9. aicha

    NINKA SOO QORAY MAQAALKAN ALLAAH HA KAA JAZAA’ISIIYO TALABAAD RUN AYAAD KA DHAWAAJISAY MARKAA ALLAH SAMAROON RUNTA IYO XAQA HA TUSO DHAMAAN WAXAN NOQONAY FADHI KUDIRIR LAKIIN SIDAAS WAX INOOGU SOCON MAYAAN EE WAA INAA WADAJIR IYO WADATASHI KOR LOOGU HADLO OO ADUNKA LA TUSO FARAGALINTA DJIBOUTI KU HAYSO GOBOLKA AWDAL WAA INAAN KA SEEXAN OO SHIR JARA’ID LAGAGA HADLO DHIBTAN HADAA SIDAA LAGU DHHAFO DHAMAANTEEN HAN ISKU DIYAARINO GUMAYSIGA BEESHA CIISE IYO TA ISAAQ OO DAAMAN WAAWEEN U SII YEESHA ADKAYSIKEEDA ILAYN HADA AYAA SAMAROON LAGU BARYAYAA DANAHOODA OO WALIBA QUDARAYNAYAA BEELAHA KALE EE WAX QABSADAY ADIGA MAHAA KUU DIIDAY VIVE SAMAROON VIVE MIDNIMO VIVE GUUL SAMAROON VIVE ADAJIR JE VOUS SOUHAITE TOUS ET TOUTES BONNE COURAGE.

  10. xeeb ama salaal waxa wada le ciise iyo madaxmed case ayagaa yaqaan siday ugu tartamayaan doorashooyinka lakiin waxan la yaabanay kuwa itoobiya ka soo hayaamay maxay xeeb ka rabaan cajiib lool

  11. Kofiyad bacla wadanka ibsanaya ay kadhamatay hadan layka qaban oo iyaga talo laga sugo way inoo dhamatay

  12. Mansha alah walahi waano igadheh candha maydlahan maqaska sita ee hadba beesha dhexe xadhiga meel uga jaraya mesha halaga badalo ayan odhan lahaa suldankan ina samatar na uu ba nalaha hadhay ayaa ayaa naga badala øo ilahay yaqan

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH