Harowo.com

5 Nin, oo loo Loo Haystay Dilalkii Seemaal iyo Jidka Boorama-Hargeysa oo Xukuumada Siilaanyo Jeelka Ka Sii Daysay.

5 nin oo ka mid ahaa gacan ku dhiiglayaashii dadka ku qawracay Seemaal iyo jidka u dhexee Boorama iyo Hargeysa, ayaa wiigii hore ay xukuumadda Siilaanyo sabob la’aan jeelka ka sii daysay, iyaga oon xataa maxakamad la hor keenin. Sii daynta shanta nin ee dilka loo haystay, ayaa markale shaaca ka qaaday in xukuumada Siilaanyo aanay rabin in xal waara laga gaadho kiiska dilalkii isdabajooga ahaa ee lagu qawraxay muwaadiniin reerl Awdal ah.

Dhawr bilood ka hor markii lagu dhawaaqay qabashada nimankan hada la sii daayay, ayaa masuuliinta xukuumada Siilaanyo ee ka soo jeeda gobolka Awdal waxay dhamaantood ku hambalyeeyeen talaabadaa taariikhiga ah ee ay xukuumaddu qaaday, waxayna lahaayeen “Wataa ragii dilka geystay la qabqabtay, xukuumadani way ka wanaagsantahay tii Rayaale, cadaalad baa inoo dhalatay”.

Wararka la xidhiidha raga la sii daayay, ayaa sheegaya in sedex ka mid ah shanta nin ee la siidaaya yihiin gacan ku dhiiglayaasha ugu khatarsanaa ee ku mamay dhiiga reer Awdal, iyaga oo sida sheegay ka qayb galay dilalkii foosha xumaa ee jidka iyo kii raga hurda lagu qawracay ee ka dhacay Semaal. Sedexda nin, ayaa sidoo kale la sheegay inay yihiin horjoogayaasha kooxda argagixisada ah ee loo tababaray inay Gedabuusiga laayaan.

Wararkan, ayaa waxa kale oo ay xaqiijinayaan in aanay jirin cid kale oo hada u xidhan dilalkan lagu laalay muwadiniinta reer Awdal. Cawar Xareed oo isna la yidhii wuxuu xidhan yahay, ayaan la hubin inuu xadhigiisu raun yahay iyo inkale, taasina waxay ka marag kacaysaa in aanay Somaliland ka jirin wax cadaalad la yidhaa.

Siidaynta dambiilayaashan, ayaa sida la sheegay waxay ka dambaysay socdaal uu dhawaanta wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Gaab ku maray degaanada Wajaale, Gebilay, Allay Baday iyo Kala baydh, halkaas oo uu si hoos hoos ah uu ugu ololaynaayay xisbigiisa Nasiye. Xisbiga Nasiye ayaa badiba siyaasiinta iyo dadka indho indheeya Siyaasadaha Somaliland ku tiriyaan inay wada jir u leeyihiin Xirsi Gaab iyo wasiirka arimaha dibeda Maxamed Bajaaji.

Socdaalka uu Xirsi Gaab ku maray degaanada beesha Sacad Muuse ee Galbeedka Hargeysa, ayaa sida la sheegay wuxuu la kulmay badiba madax dhaqameedka iyo waxgaradka degaanadaasi ka soo jeeda, waxaanay wararku intaa ku dareen in la isla qaatay in la taageero xisbiga Nasiye, xukuumaduna ay gacan ka geysato horumarinta degaanadaasi.

Sido kale ayaa la sheegay in la isla qaatay sii daynta shanta nin ee dilka loo haystay, taasi oo ay xukuumadu markii kaga dhabaysay.

Dhinaca kale siyaasiinta, waxgaradka iyo dhalinyarada reer Awdal iyo beelihii ay dilakani si gaar ah u taabteen, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inay ka hadlaan, iyada oo xanshashaqa hoos hoos loo leeyahay sheegayaan in aanu ruuxna rabin inuu maro halkii ay raga la gawracay mareen.

Harowo Desk, Boorama


This post has been viewed 353 times.

camud

17 Comments for “5 Nin, oo loo Loo Haystay Dilalkii Seemaal iyo Jidka Boorama-Hargeysa oo Xukuumada Siilaanyo Jeelka Ka Sii Daysay.”

  1. Bacda salaan
    Reer baabasan dhe iyaga uun ha isku war wareegto
    Halka qabilada kuxeerani ku tartamayaan deegaanka samaron
    Waliba la isku hayto xeebta saylac iyo lughaya oo ah meel
    Khayraad Eebe kumanaystay intiina badan waxa lagayaabaa
    Inaad ilayaabtaan lakiin wakhti aan sidaa u fogayn
    Sedan bay wax udhici doonaan
    Xeebta lughaya waxaa qaadan doona idoor
    Xeebta saylacna ciise
    Waana Hesiis dhexmari doonaa dhawaan
    Samaroon wuxu dhulka uu dago kunoqon doonaa
    Qaxooti dhinacA ethiopia ugadeen oo absame kusoo dagi
    Doonaa baa reexi doona iyaga laftoodu qoxooti ayay kudanbayn
    Doonaan waxba makhahil, maxamed case, iyo habar cafaan
    Haku xoqanina waxaynu dhamaan nahay umad wacyiga hada jira
    Meelba kaga jirin oqoonta aan kufaananA waxan kacabsan inuu
    Magac inagu raaco
    ,

  2. waar niyahaw ma isaaq oo dhanbaa ina dilay mise reer xareed oo tiradiisa aan naaan .makaahiilow mudaharaadka booramaad taqaaniin 7cishana dhiigiinaad ku ilawdaan ni yahaw ma islaan umushaa tihiin waar raga iska celiya .maxacasena wuxuu sooo gurman marka barbara lagaa soo gurmado.reer nuur isagu mawuxuu ka adagyahay caliganuun.suldaan salebana waa nikii 3cisho qabtay talo maleh .makaahiilna hadba qof aan macno lahayn soo dhawayntiisay ku waasheen

  3. walaalkayga suaasha na weydiiyey waxan u sheegayaa in maxaad case aanad u arag reer ka gedisan gadabuursi waa walaalaheen ka ka dhinta waa mid innaga dhintay, dabcigooduna waa dabcigeena haddii aad ku fiican tahay in aad u damqato tolkaa kaama gedisna waa kula mid iskana illow in aad tolkaa u aragto in ay kala fog yihiin ,waxa heerkaa gaadhsiiyey waa hogaan xumo.ta aad tidhi dad ayaa la siidaayey waxa aan ogahay wiil ku abtirsaday isaaq in la siidaayey loomase siidayn waa reerkii abdirahmaan ama waa reerkii saylici nimnkaa waxan u arkaa rag ka dhintay gadabuursi waanaD MAHAD SAN TAHAY SIDA FIICAN EE AAN TURXAAN LAHAYN EE AAD IILA SOO XIDHIIDHAY

  4. Anonymous

    Mahamuud, suaashaydii kamaad jawaabin hadaynaan been isku sheegayn. Samaroon waa qabiil ka mida qabiilada kale ninkuna waa in uu is difaaco walaalkiina markaas buu ag istaagi karaa. Markaa suaasha in aad ka jawabtuun bay ahayd halka aad tafaariiqda kale gashay. Wali waxan is waydiiyaa suaashaas oo ah hadii reerkaas arintu ku dhici lahayd sidee xaal noqon lahaa. Waxa aad kor ku soo sheegtayna waan fahan sanahay laakiiin waxan la ii sheegay in qaar ka mida qabiilka kale een soo sheegay la sii daayey wax dhibana loo gaysan oo xitaa qabiil kooda la waydiiyey waana sobob taa mida keentay suaashayda, maxaa loo kala fadilay ee mid loo sii daayey midna loo dilay?

  5. Xoosh

    Ilaahey ha unaxariisto marxuumiinta qaraabadoodana samir iyo iimaan ka ha siiyo. Dhiigu maaha mid lagu kaftamo malaha ilaahey caruurtey dhaleenbuuka weerey iney u aaraan ma aragno Samaroon wax tar leh waayo waa umad la haysto oo xiniinyo siiban subxaanalaa waligey maan araga dad ficilkii Doofaarta leh.
    Magaca Cadaalad yaan cisiga iyo maamuuska laga qaadin. Cadaaladu waa shey aadu uqiimo badan ilaaheyna aad ujecel yahey. Waana ta Soomaalidii hore kusoo hal qabsan jirtey Ga Dil Gartiisana sii. Taasoo micnaheedu yahey xitaa hadii kaa fog yahey cadaalada ku dhaqan. Halkanse ka hadalkeedu waa gaf waayo nidaam qabiil ka cadaalad waydiisaa karaamada ka qaadaaya Cadaalada. Marxuumadaasi wey ianga baxeen, mag, gar iyo gorfey midna uma hayno sidaa daraadeed si aaney tanoo kale udhicin wanaaga loo sameeyaa waa in faraha lagala baxaa nidaamka Qabiil. Somaalidu isku majirtee Samaroonka uumbaa laga hayaa hebelbaa loo jeedey iyo kuwaasi looma jeedin. Hadii aaney adiga iyo reerkiina ku dhicina wey kusoo socotaa hadii aanad tashane iskayara sug.Intaa dad aaney dadka ay iska dhigaayna weyb adan yihiin, iidoor Samaroon iska dhigaaya. Waxase kaba siidaran bal qofkan isla isagii isku jawaabaaye eeg ee hadana characterkii khashifey kkkk.

  6. oogle

    kkkk, walee waa iska cadaan, xirsigaab, siilaanyo ayaa u furey, ururka lagu maal galiyo, lacagta ummada, ee nasiye, mid badow ah oo jibriil abokor ahna wey ku guurayaan.

    xirsi gaab xaguu madax ka noqon waley ka tahey, qabyaalada ay xisbiga kulmiye uga guureen ayaa somalilnd iman doonta, oo waa la isu cadeysan. ee aan sugno doorashada deegaanka. wada hadalba waxaa ka hadhey marka la yidhaahdo nasiyaa soo baxey. sheeko.

  7. aarkoos

    Waxaan maqli jiray doqooni usha ma dareento.
    Marka dee gadabuursi ma doqma mise way cabsanayaan.Areey gadabuursi miyay rag ku jirin orta ???

  8. harowo iyo bahda wedsite salaansare. waxanleehay nimka ku qoraya websidka cayda shakhsi ka waantow oo fikirkaaga qor tan iyo ta danta gadabuursi somalidu waxay ku maahmaahdaa CANAAN KA YAAB COL MA DOOJO. dhaafa canaanta dhexdeena suaashu waxa weeyi iswaydii tolkaa maxaad u qaban kartaa ma dagaal mise doonation maxaan isku raacikarnaa .habdhaqan iyo ugaasnim mise siyaasad iyo awdal state.no labaduba waxa horjooga ka ah makaahiil.well waxan soo jeedin lahaa reerwalba iskii ha isku abaabulo hab is difaac iyo hab wax qabsi markaa barbarkay ka baxdaa waa bakayla qaleen taas baan guul iyo gobanomo ku gaadhaynaa.

  9. muusanow waxan kuu sheegayaa in aanay maxaad case iyo gadabuursiga kale waxba kala ahayn marka la gawracayana lama yidhaa kani waa maxaad case kani waa habarcafaan kani waa makaahiil waxa lagu dilaa waa gadabuursi,waxad meesha kala qaad qaadaa ma yaal,aarsigu gadbuursi oo dhan ayuu u yaalaa .waxan ka xumahay in aad suaashaa meesha keento iyada oo walaalahaa maanta agoontii ay ka tegeen ku agjoogaan.anigu waxan ahay nin habarcafaan ah waxanan ka xumahay aamuska joogtada ah ee suldaan dhawal iyo suldaan samater, ninka walaalkaa dhintay xaqiisii raadin waayaa adna maalinta wax lagu yeelo waxba kuu qabanmaayo waxa walaalkeen ah oo odaygeena ah kaa maanta u hadlaya walaalaheen xaqdarada lagu laayey waa suldaanka ku suntan qalbigayaga suldaan saleebaan,suaashii may aarsanlahaayeen mise ma aarsadeen mid meesha taal ama habboon ma aha waa dil innagu wada dhacay

  10. Muusanaw

    Suaal bulshooy raalina ka noqda hadii aad xumaan u aragtaan suaashan.
    Hadii ragii la laayey ahaan lahaayeeen maxadcase halka ay ka yihiin samaroonka ka kale, xaalku ma sidan buu ahaan lahaa mise wuu ka duwanaan lahaa?
    May aarsan lahaayeen oo yar?

  11. Liban waxan ku weydiyey halkeed
    ku aragteen nimanka la sidayey?
    Website niin saqraani mamuloo
    iyad ka aqriidey kkkkkkkkkkkkkk

  12. websiteka harewe marka hore waad mahadsan tahay sida aad ummada dantooda aad u tusto kuwa dhibta ku hayana aad ugu tilmaanto. anigu waxan la yaabay dad la gumaadayo ilaa maalintii snm bilaabantay ilaa maanta oo ogol dhibta loo geysanayo iyaga oo og in maalinba guri laga ooyayo.waxa xun in maalinba reer noqdo snm oo la illaawo dantii guud.dhiigeena ma waxa u hadla kaliya suldaan saleebaan mee ragii gadabuursi ma waxay noqdeen intii soo hadhay kuwo u adeega danta isaaq sida cabdiraxmaan iyo saylici iyaga oo markasta ku dadaala in ay kala jabiyaan tolka ,ma aragteen maalin ay ka hadleen dilalka innagu socda oo xataa qaar isaaq ka mid ahi ay ceebeeyeen.waain si xoog ah loo xusaa dilalkii ka dhacay dila borama ,wadooyinka iyo guryaha kuwa lagu gawracay

  13. Libaan

    Waxan la yaabay dan had iyo jeer jeer Quraanka akhriyaya, waar quraanka idinku yaanu idin gubin. Quraanka marka beenta la sheeho waa lagu gubtaa. Ninka aniga ileh ilaahay ka cabso aniga oo sheegaya runta, dee waa beenaale Quraanka ilaahay si xaq daro ah u adeegsanaya.

    Hadaad rabto inaad wacdi iyo alla ka cabdi ka hadashid aniga ha ii sheegine waxaad u sheegtaa ku kawa dadkii dhagarta geystay jeelasha ka sii daynaya, kuwaas ayaa u abaahan in Quraanka loo akhriyo.

    Agimu wax awood ah oo aan dad ku duliyo ma lihi, xukuumada dadka dulmiga ku haysa ee u kala eexanaysa u sheeg waxaad aniga ii sheegaysid. sidaas ayuu khaurku kujiraa. U sheeg in aanay damniilayaasha sii dayn oo ay maxakamd horkeento. taas ayuu xaqu ku jiraa.

  14. M. Omar Ali ( sanca )

    INTII AY WILWILE BOODAYEEN WIISHKA YAA SUDHAYEY.

    Moogayaal wax moogideen, halkeed joogtaan?halkeed maraysaan? halkeed u socotaan? bishu waa imisa? sanadku waa midkee? Qarniguse waa mid sumadee leh?
    Alla maalmuhu is daba joog maxay noomarayaan.

    soomaali qaran maaha ee waa qabiilo markaa inagu hadba qabiilkii majaraha u haya soomaalidu meelaha ay kala degto ayuunbaan hoostagnaa amarkana ka qaadanaa hadba sida uu doonana inaga yeela.
    tusaale waxaa kuugu filan dhacdooyinkaa hada dhacaya ee u danbeeya sida.

    Odey dhaqameedyadeena oo la iska horkeeno
    socotadeena oo horteena lagu gowraco
    Maatideena oo huruda oo la inagu hor sadqeeyo.
    salaadiinteena oo la kala iibsado
    Asteenii ama ugaaskeenii oo aan ku kala qaybsanay

    Waxaad ogaataan nimaan warankaagu galin weedhaadu ma gasho ilaa aan wax dillo marka far lagugu soo taago oo aad shantaba ku taagto kan farta kugu soo taagay waad ka nabad galaysaa xushmo iyo qadarina waad ka mudnaanaysaa ee sidaa ogaada.

    Lax waliba shilalka ay is dhigto ayuunbaa lagu gawracaaye ilaa aan sida aan u dhaqmayno wax ka badalo sidaas uun baan waligeen ahaanaynaaye ogaada hadaan ku socono waxaa soo ifaysa mar aan hablaheena guurka lagala maago.

    Inta aan dhexdeena isku maqanahay midiyuhu inoo aslan.
    Inta aan is kala qaadayno warmuhu inoo tuman
    sadex dhadhaar inta aan isku kala qaadayno saddex qabiil ina ka qaybsade.
    hadba kii yimaada inta aan sadexley,saylici iyo wil-wile intaan u boodayno wiishka ha la ina sudho.

    Aan ooyee albaaka ii xidha.

    M. omar ali ( sanca ).

  15. Waayeel

    Cadaaladu waxay ku jirtaa in qofka tuhun lagu haysto wax lagu cadeeyo haddii lagu cadayn waayana la sii daayo.

  16. mr lixle

    salan dhaman umada reer somaliland salan ka dib waxaan la hadlaya liban libanow joji munafaqada isgu dirka kala fogaynta umada mesha wada tala ee walaha ku ah heeshisga iyo nabada qofga munaqa ah allle wa uu ka dhereyy janoyin kisa ta ogaw liban isga jiir in aad dadka muslimka ah in aad isgu so dhawayso muye in aad kala fogayso ama aad sidan oo kale isgugu dirto liban ninna waxba kuma qaban karo malinta akhiro waxa adunkan laga so shaqeyo aya akhiro lala taga marka liban alle waxa uu kitab kisa inogu shegay hadii laba qolo muslim ah ay wax kala gadhan dhexdoda gala islaax uu sameya marka liban isdaq furulah dhedh tobadu way furantay allle ka cabso waliga wanaga ka shaqe liban xuman cidna ma jecla akhiyo aduun wa bilahi tawfiiq

  17. Libaan

    Waxan la yaabay dadkan xiiqsan ee caytamaya, miyaanay warba u hayn waxa dhacaya. Waar biyi waayee sowtan markii la doonana la idin qalayo, marna la idinku sasabaoyo kuwii indin qalay waan qabanay, markaad run moodaana eed iska seexataana sowtan la sii daynayo.

    Miyaad waalateen Samaroonoow, imika ma waxan idinka rumaysanaa dadkan la sii daayay cid dan iyo muraad ka lihi ma jiraan. Maxaad Casehan xiidsan ma waxbaa u dhiman, waar isla yaaba oo intaad iscaayaysaan dhegihiina iyo indhihiina fura oo waxa la idinku smaynayo ka gilgisha doqmayahow

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH