Harowo.com

Shabakada Harowo H/Cafaan Miyay U Faa’iideysay Mise Waxbay Udhintay?

MUDOOYINKAN DAMBE WAXAN ARKAA DAD XIIQSAN OO DUFAACAYA WIILKA INA SHIDE BILE EE XAARAAN CUNKA BARTAY. ANIGU WAXAN OGAA YARKAN OO SUUQA BOORAMA BILAA CAMAL KU AH OO MAKHAAYAD YAR OO BILAA SUUQ AHAYD GARAABADA KU HORCUNA. WAXAN GARANWAAYAY GOORTA UU LIBAAXA LA LOODIN WAAYAY NOQDAY. WUXU KA MID AHAA DADKII LIISKII KHALDANAA EE UDUB KUSOO BAXAY.

MARKII MAAYARKII ISAGA KA HOREEYAY IYO BADHASAAB CIRRO AY ISKU DHACEEN AYUU CIRRO CABDIBUUR OO J/YONIS ABTI U YAHAY U YEEDHAY, WUXU KU YIDHI MAAYARKA ADIGAAN KAA DHIGAYNAA, XILDHIBAANADANA ANIGAA KA DHAADHICINAYA EE SOO DIYAAR GAROW. SIDAASUU YARKU KURSIGA KU FUULAY. MAANTA XOOLIHII UMADA WUU KA FARO-QABSADAY, GURI WAYN OO BANGALO AH WUU KA DHISTAY, BAABUUR LANCRUSER AH AHNA WUU KA IIBSADAY, AFAR DUMARA OO MIDI HARGEYSA DEGANTAHAY(REER HARGEYSA), MIDI KANADA KA TIMID(REE DUDUB), MIDNA MARAYKAN JOOGTO(MUSAFIIN) WUU KA GUURSADAY IYO TII HORE UU UQABAY(CIISE) OO BOORAMA DEGAN. LABA SHIRKADOODNA SHEERBUU KU DARSADAY.

MAANTA KIISKIISII WAXA LOO GUDBIYAY XEER ILAALINTA GUUD EE SOMALILAND DHAWAANNA WAA LA XIDHAYAA, WAA SHAKI LA’AAN. MARKA LA XIDHO WAXA LA XARAASHI DOONAA GURIGA IYO GAADHIGA LACAGTA SHIRKADAHA UU KU DARSADAYNA WAA LAGA DABO-TEGI. MUDOOYINKII UDAMBEEYAY WAXA LAGU JIRAY QORSHE LA RABAY IN DUBAY LOOLA BAXSADO, LAAKIIN ARINKAASI WALI MA SUURTO GALIN. SHALAY MARKII XEER ILAALIYUHU SHEEGAY IN KIISKA MAAYARKA BOORAMA SOO GAADHAY, CABDI BUUR WUXU LA HADLAY ABTIYAASHII SI ITOOBIYA LOOGU TAHRIIBIYO MAADAAMA UUNA MADAARADA SOMALILAND KA DHOOFI KARIN.

HADABA WALAALAHAYOW WIILKANI UMADBUU XIL U HAYAY EE HABARCAFAAN XIL UMA HAYN, ISKA DAAYA DOQONIIMADA AAD LA WADA ILMAYNAYSAAN MARKA INANKA YAR EE MAAYARKA AH LASOO HADAL QAADO. WAAR IMISAA BOORAMA MAAYAR SOO MARTAY OO ISKA TEGTAY, XILKU WAA MEERTO, WIILKANA H.CAFAAN MEESHA MA DHIGAN EE NIDAAMBUU KU YIMID.

WAAR WAA LA IS DHALIILI KARAA, QOFKA MASUULKA AHNA WAX WAA LAGA SHEEGI KARAA LAAKIIN IDINKU WARAN IDINKU SOO NOQON DOONA HA TUURINA. SOWKII INA RAYAALE 15 SANADOOD LA CAAYAY EE LA LAHAA XILKAA CAYDA ISKA LEH EE JYONISOW HA XANAAQINA. BADHASHAABKII AWDAL MR CIRRO SOWKII TOBAN SANO LA CAAYAY EE LA LAHAA WAA XILKA EE J/YONISOW HA XANAAQINA. WALIBA HADUU KHALAD SAMEEYO KUWA REERKIISA AH AYAA CAMBAARAYN JIRAY. KUWA MAANTA XILKA HAYAA KUWAASAY LA MIDYIHIIN EE NINOWNA HA USOO BIXIN. DADKA AY XILKA U HAYAAN IYO IYAGA ISKU DAAYA. NINKA XILKA HAYA KHALADKIISA HALOO SHEEGO HAKU TAAGEERINA XUMAANTA IYO KHIYAAMADA. MAANTA MARKAAD KHALAD KU TAAGEERTAAN BERI MAXAAD KU DOODAYSAAN.

MIDI WAA XAARAAN, QOLO CAYGU WAA XAARAAN, WAYNA INAGA REEBANTAHAY BULSHO BALAADHAN OO SHEEKH IYO SHARIIF LEH INAAD SHAKHSI AAD ISQABATEEN DARTII UCAYDO WAA DACIIFNIMO. ANIGU QOLO IYO QOF MIDNA CAY IGAMA GAYO LAKIIN SIDAY WAX YIHIIN UUNBAAN KA HADLI.

Odayaal waaweyn oo hargeysa tegay ayaa craxmaansaylicigii himishta lahaa ee aan ri baadiya la weydiin jirin ilmada iskaga hor tiray .
Anagu awdal maayarkaa oo kaliyaan ku leenahay, waxa kale oodhan bahabarceli ka dhig hadaad doonto laakiin wiilkaa noo badbaadi oo nimankaa hanti dhowrka nagala hadal. Waayo waa ninkii lacagtii uu Maalqabeenada makaahiilka iyo reer miyigooda xoolaha iyo caanaha keena ka ururiyay shirkii xeego ku bixiyay.

WALIGEENBA DUSHAAN ISKU SIDAN JIRNAY HADAAN SAMAROON NAHAY, DULQAADKANA CID UUNBAA SIDAY, KEENA BADANI KEENNA YAR WUU KUMA TAAGSAN JIRIN.
WAXAN U MALAYNAYAA IIDOORBAA XANUUNKIISII INA QABADSIIYAY, TOLKAYOW HABARCAFAAN WAA TOLKEEN DADKANA ILAAHAYBAA KALA BADIYA LAAKIIN KAMA FIICNIN ISKU MID UUNBAAN NAHAY, WAXA SUURO GAL AH IN KAFTANKAA IYO XIFAALTANKAA SHABAKADAHA LA ISKUGU QORAYO AY DADKA QAAR MOODAAN IN LAKALA DHINTAY. WAAR HADII HAL QOF MEEL WAX KU QORO MACNAHEEDU MAAHA IN REERKA OO DHAMI WAXAA AAMINSANYAHAY.

HABAR CAFAAN IYO JYONIS WAA WIIL IYO HOOYADII IYO WIIL IYO WIIL IYO ABTIGII MARKA REER DUDUB LAGA REEBO. JYONIS WALIGII HABARCAFAAN KAMA XAANQAADAN LAKIIN WAXAD MOODAA SIDII JYONIS KURSIGA UGA DEGAYBA IN HABARCAFAAN UU GUS CUSUBI USOO BIQLAY.

UGU DAMBAYNTII WAXAN ODHAN LAHAA NIN WALIBA ITAALKII HA TALAABSADO, HOOSNA HALA ISKU EEGO YAAN LA TARAARIN. WAAYO LUGTII JEENIGA DHAAFTAA WAY JABTAA.
ANIGU HABAR CAFAAN MIDBAAN KAGA YAABAY: WAXAY RABAAN IN ABTINIMO LAGU TIXGALIYO LAAKIIN IYAGUNA AANAY ABTINIMO IYO EHELNIMO TOONA XEERININ, DEE SIDAY TAASI KU SUURO GALI.
INGIRIISKU WUXU YIRAA HADAAD IXTIRAAM RABTO ADIGUNA DADKA IXTIRAAM.

NIMANKA JYONISNA MIDBAAN KAGA YAABAY: HABARCAFAAN DADBA UMA HAYSTAAN, ISKAMANA EEGAAN, WAXA HABARCAFAAN AY CUQDADA KA QAADAYNA WAXA KOW KA AH QUUDHSIGA JYONIS. LAAKIN H.CAFAAN MIDBAYNA XISAABTA KU DARSAN, WAXAYNA XISAABTA KU DARSANI WAX WEEYI HADII JYONIS KA XAANQAATO INAY WAXBADAN KU WAAYAYAAN XISAABTA KUMA DARSAN.

NINKA SHABAKADA HAROWO GACANTA KU HAYAA WUXU U HIILIYAY H.CAFAAN, WAAYO H.CAFAAN IYO JYONIS AYUU TARTANSIIYAY OO UU XIFAALTAN IYO KAFTAN KA DHEX ABUURAY, MARKAASAY HABARCAFAAN MEEL AANAY WALIGEED GAADHIN AY GAADHAY, WAAYO MAR HADAY JYONIS AFKA KUSOO TAAGEYSO SOW MAQAAM SARE MA GAADHIN.

GAALKII ABAAJAHAL EE NABIGA ADEERKII MARKII DAGAALKII BEDER MISE UXUD LAGU DILAY, AYUU MID QUREESHTA ADHIGA U RAACI JIREY UU ODEYGII OO DHAAWAC WEYN QABA QOORTA KAGA JOOGSADAY, ABAAJAHAL INTUU NINKII KOR EEGAY AYUU KU YIRI ADHI JIR FOOQAL ADHI JIR MAANTA MEEL AANAD WALIGAA GAADHIN AYAAD GAADHAY MAR HADII AAD MAANTA ABAAJAHAL QOORTIISII KU JOOGTO. MARKAA MAANTA SHEEKADU SIDAASAY U EGTAHAY, HABARCAFAAN HADAY JYONIS ISKU DHERERINAYSO WAY SIIBATAY, SHABAKADA HOROWONA WAY U FAA’IIDEYSAY.

Maxamed Maydhane

Email: maydhane1960@hotmail.com


This post has been viewed 316 times.

camud

15 Comments for “Shabakada Harowo H/Cafaan Miyay U Faa’iideysay Mise Waxbay Udhintay?”

  1. walal horta waxaa lobahan yahayi belaha kale ama dadka dhalila habar cafan maya habar cafan waa dad tashadayi dhaman lakin awayi dadki kale mayi baqayan misa waxayi hayistan lacag maya wax lais wayidinaya awayi belhi kale manta maxata samaroon waa habar cafan wayo waxad arkayisan halku marayo hadalada udhaxeya dadka kala tagersan figradaha harawa waxan lehayi habar cafan wax halaga barto walalyal m ama hunoyal manta waxad maqlayisan halkayi marayi soo dadka tagera sNM runti tasi wax jiramaha wayo waxyi ku shaqayisa haba qabil marka waxa lagaraba samaroon inu ismaqlo walalay.siida habar cafan okale ok

  2. c/bdiraxman shide waxuu ahaa marki hore mid balashle ah lakin waqtikan waxuu yahayi mid naaxayi marka waxan lehayi sxb baqdikakan uurayi magalada ka bax waxaa tahayi wax baqtiyayi

  3. samaroon oo dhaan waa mid halkuu ku jeesto waxuu mariya dacar dhaman waxan tagerayina waxi kaso baxayi saladinta awdal iyo salal darbi samaroon masha alaah

  4. wamaxayi waxaa ka dhaxeya waqtikan somaliland iyo belaha dagalmaya hargasa iyo tirata somaliland ka qabgashayi dastuurka cusub ee somaliya iyo afafka ladidayi in laku ansaxiyo dastuurka

  5. waxaan la yaabaa dadkan qora shabakada harowonews oo ah mmel si badheedha dadka looga caaya ,horta bulshada reer awdal sina ku kala tagi maayaan waligoodna lama arag iyagoo wax xumaani kala dhex martay mana jiri doonto lakin dadka ku daalay inay kala daadiyaan waa nin habeen u galay sida ina Khaliif sheekh farax oo kale ,horta qof waxa la eegaa waxa uu yahay intaad eegaysaan wax la soo qoray ninkan Khaliif wa nin ka dhacsan ka warhaynta dadkiisa kuna sii talax tagi maayo oo waa tolo lakin waxaan ku waanin lahaa inuu ka jooji dadka xumaanta uu la dhex socdo haduu dad haystana meelo kale ka caayo oon public ahayn qabilna magacooda soo qadan adeer Khaliifoow ummada khalkhalka ka jooji oo jid wanaagsan qaad

  6. Darbi samaroon

    Adeer niicda nagala tag cabdi shide qabiil lacag iyo xoogba leh bu ka dhashay kuma baahna adigu hadii aad wax tahay soo aarso ragii laga laayay baad weli saladiintadu warbaahinta ka baroortaan makaahiil oo dhami waxba maaha waa umad liidata oo xasad loogu daw galay dana kama lihin difaaca adiga u baahan habar cafaan waxan ka tashatay markaa adeer ha daalina ee danhiina raaca

  7. Mayor Cabdi Shide Billeh waa lama taabtaan car yaa nin ah oo Borama ka dhex qaadi kara….? yaa hadhkiisa u dhawaan oo nin…. ah? Shirqoolka lagasoo maleegay Hargeysa iyo Djabouti ayaad run moodaysaan Samaroponoow,Walaahi Reer Nuur ayaa difaaci cishada Borama ay faro la galaan ciidanka SNM ee qadhmuuni,Soo raaca SNM anagaa ku filan hadii Muusa Fiin difaaci waayo geesiga Samaroon u kacay waxaa difaacidoona Reer Nuur dhalinyaro badan ayaan facebook kula xidhiidhay oo Reer Nuur ah walaahi waxay ii sheegeen inay naftooda u huridoonaan geesi Shide Billeh oo Borama ka dhigay HongKong yar oo Laamiyo u sameeyay aanay Samaroon ku riyoonin waligood.Sariimado casriya dhisay oo Kawaan qaabka reer Yurub ah dhisay lacag hooyadiin leedahay ma cunin anaa aniik afkaarakum yaa qaxaab.

    Tolweyne ayuu u shaqeeyay ninkan oo gobolkiisa ayuu ku dhisay cashuurtii laga qaaday dadka waxay doonayaan soo raaca SNM inay Hargeysa geeyaan lacagta yar ee laga qaado caanalayda iyo dumarka yaanyada iibiya oo intii Dahir Rayale haystay waxaa lacagtaa cuni jiray SNM Shidena waxuu ku dhisay dhulkiisa,Ninka maqaalkan qorey waa soo raaca SNM waa nin is nacay oo slave ahaan jiray waligii,Shide Bileh adoon maaha ee wa nin xor ah walaahi hadii faro lala galo Borama waa lagu kala tagi oo qoto iyo xeebtii lagasoo yaacay ayaa lagu kala noqon oo Borama waxaa u hadhi doona ehlul beytka Muusa Fiin iyo Haber Cafaan oo ka talin doona hadii ay ta xun tagto oo laga hadhi waayo geesiga Samaroon u kacay ee la xumaynaayo ee burushka xaarka leh lala daba socdo Reer Nuur ayaa kuu nool Mudane Shide Bileh nooloow oo Borama sidad doonto u dhex xaadh xaash markaan Dhinto ee REER NUUR Dhamaado halagu xidho.

  8. slaan Qaali ah shacabka Ree Awdal wll
    salan ka Dib anigu waxa aan ahay Nin J/yoonis ah kana ah Ree axmed wll waxa aan wax u sheegayaa ninka yar ee Ina sheekh Faarax ee Waalan ee aan caadiga ahayn
    waax anigu Ha Hadlin aniag oo ree axmed oo laan dheere ah ayaa aamusan waaba adiga oo laan Gaab ah
    Ree abtigay H/cafaan way tashadeen adna waad ka Xuntahay sxb is ka daa samaroonka aad kala Jajabinaysid
    iyo Raga aqoonyahanada ah ee aanad gaadhay ee aad afka ku Taagayso
    waliaga adiga oo aan Gaadgay Prof samatar iyo prof xuseen warsame ayaad caydaa waar waad ku daba daali ragaasi laakiin waa ay kaa Bi yeeyeen oo waxa ay yidhaahdeen maxan uga Jawaabaynaa ninka waalan ee cabsan

  9. Ilaahay ha laga baqo waa la dhimanayaa, Qolo ina raacimayso walaalna ku raacimaayo Camalkaaga uunbaad godka la galaysaa Ee walaalahayoow aduunyadu way gaabantahaye Wax wanaagsan uga faa’iidaysta.

  10. kkkkkkkkkk waar midagan makahiil oohin badana waar dawarsi danbe habar cafaan idin siin mayso umad dawarsi iyo baryo ku nool baadtihiin ama webwebkii iyo guryihiina ka dhex caytama sida ayaad u ooyaysaan daayiman

  11. Saaka markii aan qoraalkan nacasnimadu ka buuxdo arkay waxan codsi direy akhristayaasha samaroon ee geesiyada ah, waxan idhi tolkayow wax qof waalani qoray ha isku seegina. Galabta markaan guriga kusoo noqday waxan eegay wixii iga dambeeyay. waxan aad ugu farxay dhawr qof oo wax qorey oo si reer magaalnimo ku jirto u hadlay.
    DADKA KALE ISMA CAAYAAN EE SI CAADIYA AYAY DOODO ISKU DHAAFSADAAN MEELAHA COMMENTS-KA LEH.
    WALAALAHOW PLZ AND PLZ CARUURTEENA XUMAAN HA DHEX DHIGINA IDINKUNA CALOOL XUMO HA ISKUGU QAADINA WAX QOF LIITI MEELAHAA KU QOR QORAY MAGAC AANAD LAHAYNA HA ISTICMAALINA OO QOF AAN ARINKA WAXBA KA OGAYN HAKU DHEX TUURINA. ILAAHIINA KA BAQA, SHARAFTEENANA ILAALIYA

    WAAD MADSANTIHIIN

  12. HABAR CAFAN GARTEY OO DJIBOUTI
    IYAN KU MAQLI JIREY EE WAA AYO
    QOLADAN AY IIS HAYAN ?
    SAWTAN MODAYEY REERKU INU 3
    UU KALA BAXOO.

  13. shukri maxamed warsame

    WAXAN GARAAN WAAYEYE NIINKAAN SHABAKADA ”HAROWO”ISKA LEEY MAXA DABA DHIGEEY HABAR CAFAAN ??WA CAJIIBEEY……MA JACAYL HORE OO HABAR CAFAN AYA KAGA BAXDEEY???BAL DADYAHOO REER SHEIK SAMAROON ILA EEGA.DAY AND NIGHT WUXUU KU DABA JIRAA UUN HABAR CAFAN??WAR ”HAROWO”’KA TAALI INAD GADABURSI ISKU KENTO OOD MIDNIMADA KA SHEEGAYSOO INADHEER.SO NAGI HORE KUGU SHEGEEYN VIA TELEFOON ISKA DHAAF KLA SAAR SAARKA BEESHEENA

  14. Hazma

    jimcaale waxba war uma haysid, nimanku way kibrayn, oo isaaq bay maanta dabada ku hayaan, haku lu go’in

  15. Walaalahayow waxan shabakadaha lagu qorayo ha dhageysanina. Ninkan shabakada gacanta ku hayi wuxu ugu talogalay in wax magaratadu is caydo. isagu lacagbuu waxan ka raadinayaa.

    Ha iscaayina bilaa caleyk magac qofkalana ha adeegsanina. Sharafteena guudna ilaaliya ninka shabakada leh commentska ha naga xidho.

    Waxa laga yaabaa in maqaalada iyo faalooyinkan yar yar la inoo dhex raaciyo oo madaxa la isku keen galinayo.

    mushkilada maxamedcasaa wada jyonis iyo habarcafaan iyagaa isku dira. waa ilma cige biliq iyo ina yuusuf canwar iyo cilmi montaralo iyo mahdi gaandhi oo holand jooga. walaahi inayna cid kale ahayn waxan maqaalada harowo usoo diraa. waa iyaga waxa habarcafaan wax ka sheegayaa, kan harowo gacanta ku haya ee nasakha ahi wuu iska soo galiyaa uun.

    lacagbuu ka raadiyaa waxan, abtiyal seediyaal ina abti baaska la idiin dhigayo iska garta, waar u aamusa cidlo ha inna moodaane.

    walaahi waa iga talo, waayo anigu waxbadan baan ogahay. waar waa qorshe la inoogu talo galay oo caruurteena lagu kala fogeynayo.

    jibriir yonis iyo habarcafaan xagey kala tegayaan waa madax iyo timo iska baxay, waar meel aan kala leenahay ma jirto, waxan nahay walaalo. Dadka siyaasada isku eryanaya iyo bulshada wada dhalatay kala saara.

    Wiilbaa wiilkale oo ay isku xanaaqsanyihiin magaciisa adeegsanaya, kadibna ku kale oon hubsan ayaa iska caayaya. WAAR WAXAAASI WAA CEEB IYO CAQLI XUMO.

    SOMALI OO DHANBAA WAXAN AKHRIYAYSA WAXAN NAHAY DAD LIITA

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH