Harowo.com

Maxaa Keenay In Gedabuursi oo Kliya Loo Diido Meesha ay Somali Wax Ku Qaybsanayso???

Ka Caawi Shabakada Dhinaca Dhaqaalaha: Fadlan Har Mar Fur Xayaysiisyada Ku Yaal Boogaga Harowo

Sida la ogsoonyahay hada dhaqdhaqaaq siyaasadeed ayaa ka socda Muqdisho. Sida uu sheegayo distoorka qabyada ah ee Soomaaliya loo dhisayo, waxa loogu tala galay in odey dhaqmeedyada iyo salaadiinta beel walba shir iskugu timaado. Taas oo la rabo iney suurta galiso in beel walba soo magacowdo dad wixii howsha dib u dhiska uga qeyb galaya iyo golayaasha la dhisi doonaba

Odayada iyo salaadiinta beelaha Soomaaliyeed ayaa baryhanba ku qulqulayay Muqdisho si ay u masilaan dadkooda goob joogna uga ahaadaan sidii awooda loo qeybsani lahaa. Beel wal oo Soomaali ahba Muqdisho inta madax banaani ee mustaqbalka dadkooda iyo dalkoodaba usoo jeedaa wey tageen. Beelaha u daneynaya mustaqbalka caruurtooda iyo wanaaga dhalintooduba wey ka dageen Muqdisho.

Dowlad beeleedka Somaliland ayaad moodaa iney si jaah wareer ah kubada siyaasadeed u ciyaarayaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku adkaatay iney fahmaan tabta Siiraanyo u socdo iyo muraadkiisaba. Dib u habeynta baaxada siyaasadeed ee Soomaali ayaa ku xidhan habka qabiil in la adeegsado si loo helo awood qeybsi daacad ah yada oonan beelna laga tagin amma xaqeeda la duufsan.

Woqooyiga Soomaaliya beelaha dagan oo la yaqaano ayaa yagana laga rabaa iney odayaashooda iyo suldaanadoodaba soo dirsadaan. Waxase muuqata ineyna madaxbanaani jirin oo SNM-ta Siiraanyo ka talineyso xoogna ku maamuleysa cida tageysa iyo cidaan tagi karin. Waxana cadaan ah iney SNM ka adkaatey beesha Gadabuursi. Siyaasada jaah wareersan ee laga qarinayo dadka dowlad beedka Somaliland ayaad moodaa sidii siilaanyada iney dhan walba u socoto. Mar arinta Siiraanyo waa Somali baanu ku biiri. Mar waa madoonee kaligey baan dowlad ahaan. Markalana waa anigaa meesha ka diigee sidaan doono ayaan sameyn.

Guji Halkan Si Aad U Aragtid Sawiro Naxdinle

Beesha Gadabuursi oo qudha ayaa loo diidey iney Xamar Tagaan;

Tii oo jaah wareerkaasi jiro ayuu Siiraanyo odey boqor uu doortey oo kasoo jeeda beeshiisa iyo odey dhaqmeedyo u direy Muqdisho si ay goob joog ugu ahaadaan awood qeybsiga masilaana masiirka beesha dhexe. Halkan lug halkaana lug meel walba waan joogaa weeyi arinta Siiraanyo. Waxa nasiib daro ah iney dowlad beeleedka SNM-ta Siiraanyo u diidey iney odey dhaqmeedyada reer Awdal ka qeyb galaan shirarkaa Muqdisho si ay u masilaan dadkooda goob joogna u ahaadaan awood qeybiska Soomaali oo dhan ka dhaxeysa ee lagu casumey. Caga jugleyn iyo cabudhis ayaa lagu hayaa dadka reer Awdal iyo odey dhaqmeedyadoodaba si aaney uga qeyb qaadan tagniinka Muqdisho.

Woqooyiga Soomaaliya beelaha dagan oo dhani wey tageen Muqdisho. Reer Khaatumo yagu wey is xoreeyeen oo Siilaanyo ma xakumo ikhtiyaarkoodeyna ku tageen. Warsan Gali dhag umma dhigin oo way ka dageen Muqdisho. Waa nasiib daro beelaha Soomaali oo dhan oo ka qeyb galeysa Soomali-dhiska iyo awood qeybsiga in Gadabuursi uuni ka maqnaado. Siiraanyana intuu direy boqorkiisa iyo odey dhaqmeedyo ayuu ku amrey inan yar oo duurka uu ka keeney oo uu ugu magac darey wasiir Duur inuu faraha u lulo una hanjabo odayaasha reer Awdal. Duur laga keene Duur ayaa cagajugleyn dheeraada ku haya odayaasha Gadabuursi.

Sidey ku dhacdey in meesha qabiil walba joogo loo diido Gadabursi?

Waxa hubaal ah in SNM-ta dowladoodu ka adkaataey Beel weynta Gadabuursi. Walee waxey ina badeen waxa ka daran dadxumida ay inagu beereen iyo damiirkii iyo damqashadii oo ay inaga baabiiyeen. Maxaa aamus keeney? Xasuuqii loo geystay Gadabursi iyo dilmadii gaadka aheyd iyo gaajada iyo surmiga lagu eegayo ilaa maanta ma waxay ogolaadeen in xitaa loo diido iney tagaan halkey Somali oo dhani tagtey. Walee waa cajiib !!! Gadabuursi ceeb u daan adgaaaa !!!

Cawaaqib xumida ay arintaasi keeni talow yaa ka masuul ah? Godobta Gadabuursi ka galay caruurtooda Allahayow ka badbaadi. Godobta Gadabuursi ka galay dhalintooda Allahayow ka badbaadi. Godobta Gadabuursi ka galay carradooda Allahayow ka badbaadi. Godobta Gadabuursi ka galay naftooda Allahayow ka badbaadi.

Suleyman Dugsiiye

Awdal State of Somalia


This post has been viewed 1768 times.

camud

1 Comment for “Maxaa Keenay In Gedabuursi oo Kliya Loo Diido Meesha ay Somali Wax Ku Qaybsanayso???”

  1. shukri maxamed warsame

    WAXASII SULEYMAN DUGSIIYOW CALOOL XANUUN BAN KA GADEEY!!!DAD BILA DAMIIR AAH OO BILA FICIL GADABURSI MOYAANE MA JIROO..ODEYAAL FULAA AAH OO RICIYAADNIMOO OGOLADEEY GADABURSI MOYAANE CIID KALEY MA JIROO…TOLOOW!!MAGACAA GADABURSI MIYAANE ISKA MASAXAA……

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH