Harowo.com

Ha I Furin! By Axmed Ismaaciil Maxamuud

Waa habeen badh hurdana haba sheegin. Laabtu way hugmaysaa. Maanku way ducanayaa. Afku way hud hudayaa. Qallinkuna qoraal diid ee haddaba maxaan sameeyaa? Horta dhacdooyinka murugta leh maxaa igu weegaaray aniga? Sidii ay dhiillo ii timid maxaan dhabanada la haystaa? Maxaa ii diiday inaan ooridayda Aniisa si habsami ah isaga ag seexdo? Ma garan karo, laakiin sheekadan intii itaalkay qoraalkeeda waan ka meermeeray, inay igu koobnaatana waan isku dayay. Hase yeeshee, waan ka gam’i waayay oo waxay igu noqotay waran wadnaha igaga likaysan iyo waajib tunka iga saaran. Taasaa u sabab ah inaan kuu soo bandhigo ee bal illa dhugo.

Ku sinnaan dhawr iyo siddeetameeyadii qarnigii tegay, dabayl wadaadnimo oo ka soo dhacaysa lama degaanka Rubcu-khaali (Sucuudiga) ayaa dalka ku baahaysa.Tusbixii dheeraa gabbal baa u sii dhacaya. Wankii badhida waynaa waabaa u soo baryaya. Hablihii bilicda lahaana boob baa ku socda. Waana xilligii aan ka faraqabsaday ooridayda aannu hadda wada joogno ee aan caawa ka mashquulsanahay.

Xilligaa ayay Xaliimo iyo xurma daranaha ay hadda ku baryayso “Ha I furin” is guursadeen. Waxaan ogaa inuu oori kale lahaa oo uu iyada ku minyaraystay. Waxa kale oo aan ogaa inaanay jamaal iyo joog lagu majeerto lahayn, ayse lahayd jidh cuddoon oo camcaminta ku wanaagsan. Waxa kale oo aan daah iga saarnayn inay jibbo wadaadnimo soo haysay isaga oo uu kornaylnimada ka jeclaa sheekhnimo. Sababta ay ku raacdayna malahayga waxay ahayd diin jacayl, oo waxay is lahayd inta aad ifka wada joogtaan ku dulmiyimaayo, ku dayrin maayo; ku dagaali maayo, kua deedafayn maayo; ku silcin maayo, kuna saxariirin maayo. Aakhiro marka aad wada tagtaanna waxaydin wada durduuran Fardawsa, oo haddii Jano-ku-gal lagu waydiiyo waxaad odhan:“Waxaan ahay xaaskii Sh. Hebel”.

Ooridiisii waynayd inkasta oo ay ka masayrtay guurkiisa cusub, haddana hinaasaheedu ma gaadhin heer ay ku dalbato furniin. Haddii uu gaadhi lahaana wuu siin lahaa sida aan sheeko ku maqlay. Waayo jamaalkeedii iyo jimidhkeediiba wuu laastay oo waxay ahayd wayd weheshata ubadkeeda. Sidaa darteed waxay door bidday samir iyo inay hanbada minyarada iska leef leefto, ubadkeedana iska dhex joogto. Arrintaa ay ku talaabsatay aad baannu ugu faraxnay uguna ducaynnay, isagana si hoose ayaannu u xamannay berigaa.

Dhawr bilood ka dib, inkasta oo ay kala xiisa dhaceen oo hammuuntii ay isu qabeen baaba’day, haddana, Xaliimo waxay ogayd, kuna uursamayd inuu iyada niyadda ka jecel yahay, maadaama ay ka da’ yarayd. Iyada oo taa og, haddana habeenka uu ka maqan yahay ee uu minwaynada jiro aad bay u tebijirtay oo waxay u ahayd galgalad iyo gedgeddoon. Sariirta ayaa ku ballaadhan jirtay, habeenkuna waa ku dheeraan jiray, hammuuntuna waa ku badan jirtay. Iyadaoo cadhaysanna waxay marar badan niyadda iska odhan jirtay: “uf, islaantii jidhka xumayd ayuu hadda hoosta kaga jiraa”! Habeenka danbe marka uu u yimaadna dhididka shaqo ee ka soo uraya jidhkiisa waxay u malayn jirtay inuu kii islaanta yahay.

Haddaba, waxay wada galeen nolol la mid ah tii dadkuba ku noolaa xilligaa. Wixii uu mushahar helo jaad kagama cuni jirin, sigaarna kagama cabi jirin, sadaqana kama bixin jirin ee wuxuu u qaybin jiray labadiisa reer. Marka ay iska biya biyaystaan bisinkana u qabtaan waa isaga fillayd. Caawimo aan badnayn oo uu Carabta ka heli jirayna waxay u ahayd kaabe dhaqaale oo uu marba ku gufeeyo wixii la soo gudboonaada. Sidaas bay laba wiil iyo gabadhi ugu dhasheen.

Intay carruurtu u dhalanayeen dalku wuu sii qasmayay, oo waxa ka dhacayay dagaaladii lagu ridayay dawladdii jirtay, isaguna wuxuu u sii xuubsiibanayay wadaadnimo. Waxa kale oo ku abuurmay xilligaa dareen qooq. Kaas oo ah in uu xaas saddexaad guursado. Dareenkan waxa ku dhaliyay asxaabtiisa oo ay agtooda ceebba ka tahay inuu ninku naag kaliya ku koobnaado. Iyaga oo arrintaa kala hadlayana waxay ku yidhaahdeen: “Adiga oo hoggaamiyeyaasha xarakada ugu waaweyn ka mid ah inaad laba islaamood dul fadhido waa laga habboon yahay! Miyaanad arkayn ubaxan soo kacay? Midda kale miyaanad ogayn in Sheekh Cumar afar sii marinayo? Waa niman hoosta ka waashay dheh!

Markan ay hablaha ku fikirayaan waxay ahayd xilligii dalka laga fikiri lahaa, xilligan ay ooryaha ku tartamayaana waxay ahayd markii loo baratami lahaa badbaadinta dalka iyo dadkaba. Adiga ayaase sheegaya, inta uu hanqalka la soo kacay, nin hurdayna isu arkay ayuu hoosta ka xariiqay inuu inan yar guursado. Billaba ku maqaadan ee siddeed iyo toban jir hadda uun jidhkeedu bislaaday oo aannu seed ku celisa lahayn ayuu bogga ka galay oo uu isku ceshaday. Islaamihiisu ha masayraan, haddana kumay talaabsan wax keeni kara furniin. Waayo, waxay aaminsan yihiin inuu xaq u leeyahay guursashada afar dumar ah. Si indho la’aana ayay odhaahdiisa iyo eraygiisaba u fuliyaan iyaga oo malahayga kala tag ka baqaya, marna janno ka raadinaya. Ficilladiisa sax iyo qaladba leh way ku taageeraan oo haddii uu ummad dulminayo waxay huwiyaan shaadh-diineed. Maxaan iyaga kula yaabayaa dadka kaleba saw kuwa taageerada indha la’aanta ah la garab taagan.

Hadda, aniga afadaydu waa igu buuqdaa, igu wayraxdaa, iguna galgalataa markay doonto oo habeenno aanan firiq ka siin baa badan oo ay geeska i galiso marka aan xaggeeda u daqaqamo. Malaha haddii aan la guursado sidan way dhaami lahayd? Mooyi.

Haddaba, iyaba waa yaabe, dhawr sanaba iyada oo aanay ka soo wareegin ayuu haddana u mici listay mid afraad oo uu meermeer bilaabay. Waa sheekh, waa mujaahid, waa hoggaamiye, waxna lagama sheegi karo oo hilibkiisu waa sumaysan yahay, qabiil waynna wuu ka dhashay. Sidaa darteed miridho kuma qaadan xaqiijinta rabitaankiisa jinsi ee uu heeganka u yahay. Maalmo yar ka dib, wuxuu la aqal galay inan dheeh iyo dhabanba leh. Wuxuuna halkaa ku soo afmeeray intii kitaabka Eebbe u ogolaa.

Habeenkii haddii ay ooriyihiisu hammuun ku seexdaan, isagu dhereg jinsiyeed buu ku jiifsadaa. Haddii ay werwer la galgashaan isagu farxad buu la gam’aa. Haddii ay murug la il-daran yihiin, isagu riyaaq buu la ilwaadsan yahay. Haddii ay gocasho la reemayaan, isagu waa gabaara gurdaynayaa. Haddii ay ciil dabinta la ruugayaan, isagu calooshiisa ayuu la ciyaarayaa. Haddii ay dulmi tirsanayaan, isagu deganaan buu dareemayaa.

Haddaba, iyaba waa anfariir iyo af kala qaade, isaga oo afar dumara qaba haddana kuma uursama ee wuxuu ka fikirayaa sidii uu u guursan lahaa mid shanaad. Wuxuuse garan la’yahay dariiqii uu u mari lahaa. Waxaannu isku qoomamaynayaa maxaad usoo gaadhi wayday xilligii adoonta, si aad habeen walba gabadh u bikir jabiso. Ka sii darane wuxuu ku hadaaqaa mar walba dumarku agtayada waa: “Jawharad dahaadhan”, run ahaantiina dameer waa kala hooseeyaan oo waa caqli gaabyo loogu talo galay in lagu baashaalo oo qudha. Iga dhaaf oo carruurta ay labada dumara ee hore u dhaleen hablo iyo wiilalba qaar ka midi waa guursadeen, qaar ka midina carruuro ayayba leeyihiin. Isna waa kaa uga fikiraya dumarka si aan qaan gaadhkuba foodlayda uga fikirin. Waase mujaahid dalka xoraynaya oo diinta ku xukumaya, hadhaw sida uu sheego, dad badanina aaminsan yihiin !!

Maadaama uu dalka xoraynayo xaasaskiisa wuxuu dejiyay waddamada Carabta. Bilba mid baa u tagta oo la soo joogta illayn isagu habeenna ma qatanaan karo’e. Iyaga se cidiba isma waydiiso illayn waa addoomo loogu talo galay in lagu raaxaysto, marna qashinka la isaga qubo’e.

Haddaba, isaga oo ku jira xaalladaa ayaa looga sheekeeyay gabadh si walba u cajab galisay. Xiise uu qabo darteed ayuuu habeenno la gam’i waayay, Islaantii markaa la joogtayna danba wuu ka gali waayay. Laba habeen haddii ay qadoodi iyo qarracan ku ag seexatay, habeenkii saddexaad ayay isku af-rogtay aaladda ragga lagu legdo (Cadar), iyada oo dareenkiisa kicinaysa, adaase sheegaya! Shaw Cadduur dhaw dhawdu uma dhacsana. Cabbaar haddii ay ciddida isku dishay iyada oo quudaranaysa inuu bogga ka soo galo, ayaa markii uu xageeda soo hollin waayay ay ku tidhi: Xaaji caawa maxaad ka fikiraysaa soo seexo dee? Iyada oo shafkiisa dhogorta leh salaaxaysa.

Markaay su’aashan waydiinaysay wuxuu la sii aqal galayay gabadhaa maankiisa xadday ee xadku kaga gudban yahay. Intase uu soo hanbabaray ayuu ku yidhi: “xaallada dadka muslinku ku sugan yahay ayaa xanuun igu haysa oo naftayda xaradhaaminaysa.” Miyaanad Fogaan aragga (Telifishinka) ka daawan sida Falastiin Yuhuuddu u silcinayso, Ciraaqna Maraykanku u bahdilayo. Miyaanad la socon xaaladda dadka muslinka ahi ku jiraan maanta? Run ahaantii dadka muslinka waligii uma damqan, Soomaalidana uma diir nixin, waayo hadday dhab ka tahay wuxuu ka dayn lahaa dagaalka iyo dullaynta joogtada ah ee uu ku hayo.

Haddaba fikir gaaban ka dib, si aanay qalanjadan caawa maankiisa ku miranaysaa u dhaafin wuxuu is tusay in xalka ugu habbooni yahay inuu furo ooridiisii Xaliimo ee uu sideetamaadkii guursaday, haddana carruurteedu ubadkaba leeyihiin. Waxaanu go’aansaday inuu xaalad abuuro ka dibna uu halkaa ka helo fursad uu ugu qiil banaysto qorshihiisan cusub ee guureed.

Fiid jimceed oo ay suuqa ku maqan tahay ayuun bay ahayd markii uu tilifoonka ka soo hadlayee lagu war galiyay inaanay joogin. Laba jeer haddii uu ku soo celiyay oo loosheegay inaanay weli iman hoosta ayuu ka farxay. Waxaanu u arkay fursad dahabiya. Naftiisana wuxuu kula shawray: “diiniyan gabadhu inay gurigeeda ka baxdo, iyada oo aanu ninkeedu ogayn waa mamnuuc, iyaduna habeen baabay baxday, warqaddeedu waa xagga hore. Tii yaraydna caawa laga bilaabo waa ooridaada oo ninkale tafteeda qaban maayo maansha Allah.”

Haddii diinta uu Rabbi u soo dejiyay in lagu samaado, lagu sinnaado, lagu sareedoobo, xaajigani dadka uun buu ku xujeeyaa, ku xagxagtaa, kuna xalaalaystaa hadba wixii uu rabo.

Habeenkii danbe ayuu la soo hadlay xaaskiisa isaga oo dhiigga isku kicinaya, dirir iyo dagaal haddii uu ku bilaabay, markii ay is tidhi: U jawaab oo sida ay wax u jireen u sheeg, inta uu iska sii xanaajiyay isaga oo iska dhigaya nin ay diintu gubayso ayuu cod sare ku yidhi: “Anti daaliqa (Waad furan tahay).” Inta ay naxdin daraaddeed telefeenakii ay gacanta ku haysay uu ka dhacay, rumaysanna wayday waxa dhegaheedu maqlayaan ayay tidhi: Yaa, waxaanu ugu jawaabay: Waad iga furan tahay maanta laga bilaabo.

Naxdin waynaa, amakaag badanaa! Markii ay hubsatay odhaahdiisa, ogaatayna inay ka dhab tahay ayay iyada oo uurka iyo afkaba ka ooyaysa ku baryootantay: “Walaal ha I furin, walaal ha I furin, miyaanad ogayn inaan soddoh ahay; miyaanad ogayn inaan soddon sano wax ku dhaw is qabnay. Ceebtaada Alle ha asturee ka noqo hadalkaaga oo shaydaanka iska naar, waanan qaldamee I cafi Rabbi ha ku cafiyee.” Inta uu cabbaar aamusnaa ayuu yidhi: Maya, waa go’aan aan gaadhay ee nabad gelyo. Iyada oo illintu labada dhaban ka qubanayso hadlina kari la’ ayay ku celisay: ” Waar yaa i guursanaya haddii aad maanta i furto islaan dhalmodaysay baan … Iyada oo aan hadalkadhammaysan ayuu tilifoonka ku dhigay.”

Habeen baas oo murug badan bay u ahayd iyada. Ceeb ka baq iyo ciil bay la gam’i wayday. Caloolyow iyo calaacal bay la ledi wayday. Umal iyo taah bay la jiifsan wayday. Illin uurka ka soo go’aysay oo xinjiro u eg ayaa dhabanadeeda ka qubanaysay. Isnahabeen farxad badan bay u ahayd oo wuxuu la sheekaysanayay cawadiisa iyoayaankiisa. Wuxuu raagsanayay riyadiisa dhawr bari ka dib runta noqonaysa.Asxaabtiisa ayuu ku war galiyay inay gabadhii doonideeda hore kala galaan. Wuxuuka fikirayay sida uu ugu raaxaysan doono jidhkeeda cuddoon.

Haddaba arrintu inta aanay faraha ka bixin subaxdii hore waxay wacday walaaladii iyo ehelkiisa, waxaanay ka dal batay bal in ay arrinta wax kala qabtaan oo ay Sheekha soo maslaxaan. Aroornimadii haddii ay walaaladii la soo hadleen, arrintana wax ka waydiiyeen wuxuu u sheegay sidii ay ugu warrantay iyaduba, wuxuuse ku yidhi: Go’aanka intaanan gaadhin waan istikhaaraystay, haddana ka noqosho ma leh arrintaasi ee iska illooba. Waxay isku dayeen inay dhawr dhan ka tusaan arrinta laakiin adigaaba sheegaya.

Laba toddobaad ka diba wuxuu guursaday tii yarayd ee uu cindiga ku hayay. Ooridiisii uu furayna maalintii kun jeer bay murug daraadeed u dhimataa, habeenkiina in ka badan bay ciil la ilmaysaa. Way asqaysan tahay oo si is dhaaf ah bay u hadashaa. Waanay amkaagsan tahay oo waa indho sidaa uun kuu soo eegaya. Hadal majiro oo waxay kaga dhegtay: “Walaal ha Ifurin, Ha I furin.”

Haddaba Illaahay dumarka ma wuxuu u abuuray in lagu raaxaysto oo marka ay duqoobaana laga dal doorsado? Miyaanay cuqubo ahayn gabadhaa waxa ku dhacay, gabdho kale oo badanna haystaa? Miyaanay damiir la’aan iyo dadnimo ka bax ahayn sida ay u fikiraan rag badan oo wadaaddo isku sheeg ahi? Sheekadani wax la qarsan karo miyaanay ka xanuun badnayn? Diinta Rabbi se in lagu gabbado oo dano gaar ahaaneed lagu fushadaa miyaanay qiyaame ahayn? Xilligan aan joognose haddii qofka Eebbe adduun siiyay, garashana u dhaliyay inuu shan dumara guursado miyaanay ka habboonayn inuu dhawr dhallinyaro ah oo xaaraan isugu tagta markii ay guur awoodi waayeen isku xalaaleeyo? Bal adba!

Allaa Mahad Leh

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq) waa qoraa wax ka barta dalka Masar oo si joogta qormooyinkiisa ugu soo bandhiga WardheerNews. Waxa aad kala xidhiidhi kartaan:

Email: awliyo177@hotmail.com


This post has been viewed 4075 times.

camud

Leave a Reply

Log in | onlined by SRH