Harowo.com

Kulmiyow Ninkaagii Nacasnimo Maxaa Baday?

Waxaan xalkan u qaadaa dhigeyna xusbigii loo han weyna iyo dowladiisii oo runtii ku noqotey, qodax cunaha mari kari weydey. Waxaan Hargeisa ama Somaliland joogey May ilaa jult 2010, waxaan arkey ummad u waalan inuu Xusbiga kulmiye uu gacanta ku dhigo doorashadda isagoo ummadda ugu balan qaadey wax la yidhaa DHALAAN HA BAABISO oo aan jirin. Waxyaalaha dummarka iyo caruurta loo dhiibey waxay ahayeen: HADDUU KA BANAAYANA KULMIYAAN NAHAY HADDUU KOOFUR NA GEEYANA KULMIYAAN NAHAY

Koley wax walba oo kursiga lagu fuulayaa waa been,ee waxaa aan hore loo arag oo xun ayay dowladdii dhalatey ee Siraanyo jeebka kala soo baxdey wax ummadda ku cusub oo rintii xiligii Siyaad bare inoogu danbeysey:

CAGA JUGLEYN,QABYAALAD iyo QARAABA KIIL,XADHIG,CAR JUUQDHE,DABAGAL, AFLAGAADO iyo WASIIRO KA ARADAN AQOON IYO WAAYO ARAGNIMO OO XILIGII QARIN QIIRKA UUN OG IYO NIMAN LA MOODO KUREY OO AAN AQLI LAHAYN.

Waxaabu xukunkii gacanta u galey niman saraawiil gaaban oo gadh weyn, lana moodo ALSHABAAB SAWAABAN oo ahaa nimankii nac baa halgankii SNM kolkii ay dulcad joogen.

* Maanta Somalilnd waxay mareysaa in hantidda iyo khayraadka ummadda dad gaara loo xidho.

* Maanta Somaliland waxay mareysa in Ururka la doono la soo saaro Tusaale sidee u soo baxaan NASIYE,DALSAN IYO WADANI dhamaan waa farac kulmiye.

* Maanta sidii Siyaad bare ayay rag ku xidhan yahiin AFLAGAADO MADAX WEYNE.

* Xoolahii caawimadda Cumaan 7 nin ee cuney waa reerka Hersi yurub iyo Burco ayay joogan rag kalena waa loo xidhey.

* Xamar ayay fureen in lala hadlo maanta ayey yaaban yihiin nin walba waa tagayaa.

* Khaatumo State ayaa ay samayeen oo igu raashinka iyo jaadka ay taleex geyn jireen.

* Hersi nin la yidhaa oo reer miyi ah ayaa wadanka u taliya oo wax aqoona ummadda iyo dalka u lahayn kuudoonana eryaya,kuu doonana xidhaya.

* Contaraadda waxaa la siiya reerka uu ka soo jeedo Hersi iyo Siraanyo.

* Xitaa dadkii ayaa la qancin kari la yahay oo hadal loo ogoleyn.

* Madaxdii soo halgentey SNM ayaa dhulka la jiidaya.

Maanta Somalilnd halis bey ku jirtaa odeygan Siiraanyo ayaa inuu baabiyo ugu tala galey isagana
ka masuula waa nacas waa abaalawe waa asaasaqey ee wadanka gacanta ha lagu dhigo inta goorigoor tahay.waxaanan leeyahay RAGANIMOOY NINKAAGII NACASNIMO MAXAA BADEY?

Ilaahay wadanka haynoo hagaajiyo

Cabdi Jamac Cawale – London

Email: cjcawale@gmail.com


This post has been viewed 563 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH