Harowo.com

In Ka Badan Boqol Neef oo Lo’ ah, oo Galbeedka Boorama Ugu Dhintay Xanuuno Aan la Garanayn

Boorama (Harowo) - In ka badan boqol neef oo lo” ah ayaa dhintay tiro kalena way u liitaan kaddib markii ay ku dhaceen xanuunno an la garanayn oo la socday roobabka guga ee ay xoolahaasi ka cabbayeen wiigaggii innasooa dhaafay.

Xoolahan oo ku dhintay degaanada galbeed ee magaalada Boorama, ayaa saaka waxa tegey xildhibeenada Golaha degaanka Boorama qaar kood, kuwaasoao uu horkacayey ninka dhawaan golahaasi u doorteen inuu si ku meel gaadh ah u sii hayo xilka maayarnimada magaalada, Muumin Gadiid Cumar, isuduwaha wasaaradda xoolaha ee G/awdal iyo xubno ka tirsan dadka degaankaasi .

Degaanada ay xoolahani ku dhinteen oo kala ah Abu qays, degmolaqas, shabeelay Dababuur iyo Aasha caddo oo qiyaasytii shan kiiloomittir gaalbeedk ka xiga magaalada, ayaa sidoo kale waxa halkaa yaalla tiro kale oo xoolahaasi oo u jiifa xanuunadaasi.

Masuulyiinta iyo xildhibeenada halkaa tegey ayaa waxay dadka xoioladhaqatada ah iyo beerlayeydaba ah ee degaankaasi u sheegeen in xanuunkani yahay mid anay hore u arag isla markaana neefka lo’da ahi maka uu xanuunkaasi ku dhaco uu markaaba dhulka ku dhacayo kaddibna anu kiciba karayn ilaa uu ka dhinta ,sidaa darteedna aya dadkii xoolahaasi lahaa isku dayayeen inay xoolahaasi mar uun ka kiciyaan xanuunkaasi iyagoo adeegsanbayey dab iyo geedo kale.

Kusimaha maamulka degaanka Boorama Muumin Gadiid iyo isuduwaha xoolaha gg /awdal, oo la hadlay dadkaasi ay u sheegay inaanu haynin wax gurmad oo loogu talogalay xanuunkan xoolaha ku dhacay sidaa darteedna ay qaylodhaan gaadhsiin doonaan hay’adaha iyo dawladda si loogusoo diro bal ugu horreyn si loo ogaado waxa sababay xanuunkani,iyagoo dhinaca kalena dadka xoolahaasi ka baxeen xukuumadda iyo hay’adaha kaleba u weydiin doonaan gargaar cunto maadaama noloshoodu ku xidhnayd xoolahgan xanuunku ku dhacay iyo beeeraha.

Dadkii xoolahani xanuunku kaga dhacay ayaa qaarkood aaminsayeen in xooluhu ku sumoobeen waxyaalo ama qashin lagu aasay degaankaasi oo sun ah ,balse dad kale ayaa iyaguna sheegay in xoolahan xanuunsaday oo ay birta la gaadheen ay hiulibkoodii cuneen wax xanuun ahina anu kasooa gaadhin.

Waa markii ugu horreysay ee tiro intaa le’eg oo xoolo ahi mar keliya u dhintaan xanuunno an la aqoonsan weli, waana dhibaato weyn oo soo gaadhay dadka degaankaasi ee noloshoodu ku xidhnayd xoolahaasi u badan lo’da.

Harowo Desk, Boorama


This post has been viewed 202 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH