Harowo.com

Xog: Wasiirada Arimaha Dibadda oo laga xaday boorsadii ay ku jireen heshiisyadii lala galay Yurub iyo Mareykan

Burussels (Harowo)- Wasiirka arrimaha dibada Somalia ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Brussels ayaa laga xaday boorso nooca garabka lagu qaato ee xarakada ah isla markaana lagu xafido documentiyada iyo alaabaha yaryar.

Lama oga cida sida rasmiga ah u xaday, laakiin Security-ga hotelka ayaa ku guul dareystay in ay helaan boorsada iyo ciddii xaday in la helo, iyadoo Kaamirooyinka Hotelka baaris lagu sameeyay laga arki waayay cidda qaadatay boorsada.

fow

Wasiiradda ayaa Warfaafiye u sheegtay in boorsada ay ugu jireen documenty muhiim ah iyo sharcigeeda dhalashada dalka Britain, taasoo keentay in ciidamada Booliska ay soo farageliyaan maadaama ay ka mid tahay wafdiga Madaxweynaha oo la filayo in ay booqdaan Londan, lana siiyay documenty muujinaya in sharcigeeda uu ugu dhumay hotelka ay ka deganeyd Brussels.fowsiya-yusuf

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in boorsada ka luntay Wasiirad Fowziyo ay ugu jireen documentiyo muhiim ah oo muujinayay ujeedada socdaalka iyo heshiisyo ay wada galeen midowga yurub, laakiin wasiiradda ma aysan sheegin arintaasi.

Jahawareer ay ka qaatay Wasiirada boorasada ka luntay ayaa keentay in ay ka qeybgeli weydo xaflad ballaaran oo Jaaliyadda Soomaalida ee ka kala yimid Biljamka iyo Holland Madaxweynaha kula hadlayay.


This post has been viewed 1484 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH