Harowo.com

Madaxweynaha Somaaliya OoSheegay In Somalia Ay Taagan Tahay Halkii Yurub Taagnayd 1945-kii

Brussels(Harowo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Caasimadda dalka Belgium-ka isla markaana ah Xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo la qaatay madaxda Midowga Yurub. Madaxweyne Xassan ayaa ugu horeyn la kulmey Madaxweynaha Golaha MidowgaYurub Herman van Rompuy, kuwaas oo ka wada hadlay Dib u soo nooleynta dhaqaalaha Soomaaliya, Dib u heshiisiinta beelaha, iyo waxa Dowladda ay dadka Somalia ka faa’iidayaan: adeega bulshada, Amni macne leh iyo xornimo qof ahaaneed. Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku joogo Midowga Yurub ayaa ah kii u horeeyey, ayaa la saxeexday Midowga Yurub xidhiidh cusub taariikhi ah kaas oo u badan hormarinta Soomaaliya, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Mr. Herman ayaa sheegay in ay fulinayaan heshiiska cusub ee ay Soomaaliya la saxeexdeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dalku u baahan yaay in uu hore u socdo kana soo kabsado dhibaatooyinkii gaadhay, “Soomaaliya maanta waxay taagan tahay halkii Yurub taagneys 1945 markii uu dhamaadey dagaalkii labaad ee Aduunkunku, waxkasta Soomaaliya waxay ka taagan tahay ZERO, keligaya awood uma lihin in aan wax qabano, waxaan u baahanahay waa taageero caalami ah oo Midowga Yurub u horeeyo ayuu yiri Madaxweyne Xassan. “Waxaan u baahanahay qorshe la mid ah Marshall Plan kaas oo Maraykanku dib ugu dhisey dalal badan oo Midowga Yurub ka mid ah dagaalkii labaad kadib”.


This post has been viewed 923 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH