Harowo.com

TOBANNAAN DUKAAN OO SOOMAALI LEEDAHAY OO LAGU BOOBAY K/AFRIKA

 

Port elizabeth,s/africa jaan 31=– (Harowo)-Boqolaal Qof Oo Careeysan Ayaa Maanta Cagta Mariyay Oo Boobay Ugu Yaraan 17 Dukaama Ganacsi Ah Oo Ay Soomaali Lahayeen Oo Ku Yaalay Tuulada korombushle Ee Duleedka Magalada Port Elizabeth Gobolka Western Cape Ee Dalka Koofur Afrika

Boobka Dukamahan Ayaa Yimid Kadib Markii Ciidamad Police-ka Koofur Afrika Ay Halkaasi Ka Bilaabeen Howlgal Ka Dhan Ah Dukaamaha Sharci La,aanta Ah Iyaga Oo Milkilayasha Dukamaha Weydinaya Warqadaha Aqoonsiga Ganacsiga In Uu Sharci Yahay Ee Lecense busines Waxana Police-ka Ay Dukamaha La Bobay Ka Wadeen Dhamaan Milkiilayaashi Iyo Shaqalahii Waxana Taasi Ay Fursad U Noqotay Dadka Tuulada korombushle Oo Ku Qamaya Dukamaha Markii Ay Ka War Heleen In Cidna Aysan Joogin Oo Dadkii Laha Policeka Ay Kaxeysteen

Qaar Kamid Ganacsatada Tuulada korombushle Oo Suxufiyiinta La Hadlay Ayaa Shagay In Boobka Dukamaha Ay Sabab U Yihiib Police-ka Degaankaasi Oo Ay Ku Eedeynayaan In Dukamaha Uu Kasoo Waday Dadkii Ka Shaqeynayay Ismarkane Ay Keentay In La Boobo”

Xaalada Tuulada korombushle Oo Ay Dukaamaha La Boobay Ku Yaalan Ayaa Wali Kacsan Iyadoo Dukaama Kale Oo Hor Leh Laga Cabsi Qaba Inay Sameeysya Arintan Dhibatada Leh Ee Boobka Hantida Soomaaliyeed Waxana La Xiray Qaar Kamid Ah Dukaamaha Gnacsiga Ee Boobka Ka Bad Baday

Si Kastaba Bishan Oo Kali Ayaa Tirada Dukaamaha Ganacsiga Soomaalida Ay Leeyihiin Ee La Boobaya Waxay Kor U Dhafayaan 100 Dukaan Kuwaa Oo Badankood Lagu Boobay Gobolka Free State Horaantii Bishan Kadib Rabshada Halkaasi Ka Dhacay Oo Ay Waxyeela Ba an Soomaalida Kaso Gaaratay

Dowlada Koofur Afrika Caadiyan Wax War Ah Kama Soo Saarta Dhibaatoyinka Lagu Hayo Soomaalida Kumanaanka Gaareysa Ee Ganacsiyada Kala Duwan Ku Leh Dalka Sameyn Xoogane Ku Leh Dhaqalaha Dalka Koofur Afrika

 

 


This post has been viewed 651 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH