Harowo.com

Somaliland oo ka maseyrtay aqoonsigii Mareyskanku siiyay dawlada Somaliya Iyo Qaraxii Madaxtooyada Somaliya oo looga shakisanyahay + Ninka isqarxiyay qabiilkiisa iyo Magaciisa

Sawirka ninkii isku qarxiyay Villa Soomaaliya

ninkii isqarxiyay
Muqdisho(Harowo)–Hay’ada Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigey magaca iyo sawirka Ninkii shaly 29-01-2013 naftiisa ku qarxiyey banaanka hore ee Villa somaliya kasoo diley Askari ka tirsanaa illaalada Villada.  Hay’ada nabadsugigada ayaa sheegtay Ninka ismiidaamiyey inuu ahaa nin horey u sheegtey inuu kasoo goostey Al-shabaab laguna magacaabo Cali Cabdi Xareed OO u dhashey Habarjeclo – Isaaq.

Hay’ada Nabadsugidu waxay intaa raaciyeen iney ka warhayeen ninkaan oo baaritaan ku socdey lakiin Wax tafaasiil ah kama aysan bixin baaritaanka noociisa iyo inta uu le’ekaa shakiga ay ka qabeen ninkaan.

Waxaa iminka Muqdisho ku sugan oo laga warqabaa kumayaal kasoo goostey Al-shabaab mana ahan markii u horeysey ee qof sheegtey inuu kasoo goostey Al-shabaab uu qarax noocaan oo akle ah geysto, dabayaaqadii sanadkii hore ayaa baar lagu qaxweyeyo ay isku qarxiyeen laba qof oo Al-shabaab horey uga tirsanaan jirey:

Waxa laga shakisanyahay In ninkan is qarxiyay uu ka dambeeyay maamulka Hargeysa oo ka cadhooday aqoonsigii Mareykanku siiyay Dawlada Soomaaliya.

 


This post has been viewed 3149 times.

camud

2 Comments for “Somaliland oo ka maseyrtay aqoonsigii Mareyskanku siiyay dawlada Somaliya Iyo Qaraxii Madaxtooyada Somaliya oo looga shakisanyahay + Ninka isqarxiyay qabiilkiisa iyo Magaciisa”

  1. calasow

    dowladnimo isaaq saas ku heli maayo ee dadkiis soomaaliyeed dhinac ha ka raaco
    waxaan ahay nin reer muqdisho ah mana jecli dood laakiin hal baan weeydiin isaaq dadka la yiraahdo waxaay ku doodan in la caburiyey oo magaalooyinkood la burburiyey ok maant ayaga maxaay u caburinayaan ama burburinayaan guriyaha dhulbahanto ama ciise ama gudburis

  2. war ninkani uuba u egyahay HABER JECLO

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH