Harowo.com

Awdal Ilbaxnimo Taariikh Dheer Bay ku Abtirsataa, Cidina Iskuma Diri Karto

Muddo dheer dad yar oo wax magrad ah iyo maamulka naf la caaridka ah ee Harageisa aya isku dir ka wada dadka reer Awdal. Geed sare iyo geed hooseba way fuuleen sidii dagaal looga aloosi lahaa dadkaa Ilbaxa iyo garaadka ku abtirsday.

Hawshan waxa ku mashquulsan inta yar ee dhuuni raaca ee Hargeisa jeebabka wax yar loogu shubo iyo qaar ka mid ah oday dhaqameed ku-sheeg. Dadkaa yari waxay meel iska dhigeen xishood, garaad iyo dadnimo. Hungurigooda ayay u noolyihiin.

Waxgaradka dadkani way arkaan waxa lagu murmaa inaanay waxba ahayn. Waxana fiicnayd inay ka hadlaan. Waxa inta badan waxgarad Awdal ka orod badan inta yar ee dhibta wadda. Waa la wada ogyahay in wax walba lagala wareegay Awdal.

Wax ay ku murmaan looma reebin. Intaa caruur, dumar, oday iyo qofkii kasta ee aqli lihi wuu ogyahay. Dadka reer Awdal waxay dhaqan hore u lahaayeen oo lagu yaqaannaa:

- Su’aalo badan intaanay tallaabo qaadin

- Run raadin, xilkasnimo iyo xaq soor

- Ka hortagga seef la boodka waallan

- Isqabasho iyo is dhegaysi

- Aqoon iyo Talo laga fiirsaday.

Reer Awdal taariikhdooda waa mid Somaalida inta waxgaradka ihi ogtahay. Waxaad fiirisaan taaiikhda iyo waxa ka jiray waddanka sida buugga uu qoray ninka qoraaga ah Musa Ali, The Untold History of Norhern Somalia.

Reer Awdal mar walba hoggaan masuula ah bay ka ahaayeen dawlad kasta oo Somaliyeed. Talo iyo maamulba meel fiican bay kaga jireen. Aragti dheer iyo ilbaxnimana waa tilmaantooda.

Wax ma garadka dhex wareegaya reer Awdal waxan leeyahay ha ku daalina. Waan idin aragnaa inaad tuur leedihiin, xumaanna waddaan. Taariikhdana meel xun baad ka gasheen. Noloshuna maanta uun maaha.

Aakhiradiina iyo ifkiinaba waad seegteen. Reer Awdal way ogyihiin inaanay meesha ool wax ay isku qabsadaan. Waxba ma haystaane maxay isku qabsan?

Hana Ahmed

Email: hana_ja@hotmail.ca


This post has been viewed 180 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH