Harowo.com

Waftigii Xukuumada SL Ee Arinta Saylac u tegay Jabuuti oo maanta dib ugu soo laabtay Magaaladaasi

 

Saylac (Harowo)- Saddex xubnood oo ka tirsan g/wasiirada xukuumada soomaaliland una xilsaarraa arrimaha maamul eemagaalada Saylac,ayaa maanta dib ugusoo laabgay magaaladaasi kaddib  safar  ay afar maalmood ugu maqanaayeen dalka deriska ee Jabuuti .

Wafdigan oo ka kooban wasiiada daakhliga mud.Duur ,wasiirka gaashaandhigga ,cadami iyo wasirka warfaafinta abiib diiroye ayaa maanta gelinkii cabbaare 12ki duhurn ima kasoo gudbay soohdinta labada  dal soona gaadhay magaalada Saylac.Ma wax  war war ah oo ku saabsan  socdaalkooda Jabuuti ,iyo cidda ay magaaladaasi kula kulmeen ama kusoo dhaweysaba intii ay joogeeen halkaasi ,hase yeeshee warar ku dhawdhaw ayaa sheegeya in wafdigaasi markii ay tegeen Jabuuti lmaaxweyne Geelle usoo diray shaqaale katiran aqalka madaxtooyada Jabuuti ,kaasoo sida lasheegeyo ay  wasiiradu u dhiibeen farriin ay uga sideen madaxweynaha soomaaliland axmed siilaanyo ,fariintaasoo an la ogeyn tafaashiiseeda,balse warar ku dhaw dhaw wafdigaasi  sheegeen inay la xidhiidho ammaanka soohdinta labada dal ,arrimaha maamul ee magaalada Saylac ,iyo xidhiidhka labada dal .

Wafdigan oo markii ay yimaaddeen saylac dib u degey guriga martida ee magaaladaasi ,ayaa la filayaa inay maanta mar kale dib u bilaabaan wadahadallo dhinacyo badan leh oo la yeelan doonaan maamulka cusub ee  golahaasi dhawaanta doortay ,iyo madaxda maamulka dawladda ee halkaasi iyo ciidamada ammaanka iyo kuwa miltariga ah ee dhawaanta lagusoo xoojiyey halkaasi .

Harowo


This post has been viewed 856 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH