Harowo.com

Maamulka cusub ee degmada saylac oo shaqadiisii iska bilowday iyo khilaaf arrintan kusoo kala dhexgalay taliyaha booliska g/selel iyo taliyaha saldhiga magaalada saylac.

 

Saylac (Harowo)– Masuulyiinta cusub ee G/degaanka Saylac ayaa shaqadii loo doortay bilaabay wakhti ay halkaa ka maqanyihiin wafdi ka socady xukuumadda soomaaliland oo jabuuti safar ku tegey.

Maayerka Saylac Xuseen iidle iyo Kuxigeenkisa Sacad Cige iyo xildhibaanad aqlabiyada ah ayaa maanta kulan ku yeeshay xafiiska Maayerka iyagoo ka wada hadlay gudagalka arimaha horumarinta degmada Saylac.

Badhsaabkuxigeenka  gobolka Selel Cali Alaale iyo taliyaha Booliska gobolkaasi oo la yidhaa Araweelo ayaan xildhibeenada xafiisyada iska furtay an waxba odhan balse taliye  reer Hargeysa ah ,ayna isku haybyihiin guddoomiyaha ururusiyaasadeedkii  xaqsoor ee ku hadhay doorashooyinkii golayaasha degaanka ee dalka ka dhacday ayaa  la sheegeyaa inuu isku dayey inuu xildhibeenada ka xanibo xafiiska.Balse taliyaha Booliska gobolka selel uu arrintasi ku qabsaday taliyaha saldhigga una sheegay inuusan faragelin arrimaha golahaasi .

Sida warku sheegeyo hadallo kulul oo ay isweydaarsadeen taliyaha saldhiiga iyo taliyaha bileyska gobolka ayaa sababay in taliyaha saldhigga saylac lagu  wargeliyey inuu ka fadhiisto shaqada wax hawl ahna anu ka qaban magaalada ,taasoo taliyaha saldhiggu ka gaabiyey inuu fuliyo amarka taliyaha qaybta ,balse  anu la hadal xildhdibeenadii meesha fadhiistay .

Lama oga ilaa imika warka rasmiga ah ee ku saabsan arrintaasi labada taliye.

Isha ku hay Harowo oo kuu soo gudbin doonta wixii kasoo kordha


This post has been viewed 989 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH