Harowo.com

Samaroonka reer Jabuuti oo la sheegayo inay ololaha siyaasadda ee doorashooyinka ugu hiilinayaan ururada mucaaradka dalkaasi

 

Jabuuti (Harowo)- Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegeya in siyaasiyiinta beelahas Samarroon ee dalkaasi haatan isku dayayaan inay ololaha siyaasadda is xulufaystaan  mucaaradka dalkaasi  ,kuwaasoo ay horeba kuraas dhinaca  golayaasha degaanka ee degmooyinkaasi ay kuraas badan ku guuleysteen .

Sida warku sheegeyo isbahaysigan  ayaa la sheegeyaa inay taageero xoog leh siiyaan ninka la yidhaa ganacsadaha Ina Boorre  oo anay beryahaaba isku wanaagsanayn beelaha Isaaqa ee dalkaasi awoodda ku yeeshay  intii Ismaaciil cumar geelle dalkaasi xukumayey ,waxana haatan socda fadhiyo an caadi ahayn oo qaybo ka mid ah beelaha ciise odayaashoodu usoo bandhigeen beelaha samarroon ,si looga hortego olole kasta oo awood siin kara beelaha mamaasan ee uu kasoo jeedo madaxweynaha dalkaasi .

Wararkan oo an ilaa imika siyaasi reer jabuuti ahi shaaca ka qaadin ,ayaa dhinaca kale la sheegeya oo kale in beelaha uu kasoo jeedo ganacsade ina Boorre ay ballanqaadeen shuruudo badan inay oofinayaan hadday ku guuleystaan doorashada golaha baarlamaanka dalkaasi ee dhici doonta bisha soo socota ,iyadoo weli la sheegeyo in madaxweyne geelle ku dedaalayo sidii uu iskugu keeni lahaa beesha Ciise dhammaanteedba oo uu ku mideeyo siyaasadda taasoo aan marnaba suurtagal u ahayn sida muuqata .

Xisbiga mucaaradka ah ee lagu magacaabo isbahaysiga mucaaradka USC, balse laba xisbi oo an ku jirin isbahaysiga ayaan loo oggolayn inay ka qayb qaataan doorashadaasi kuwaasoo kala ah xisbiga la yidhaa Model iyo RADD  oo waagii horena si musuqmaasuq ah la sheegay in lagaga helay dooarshooyinkii kursiga keenay ismaaciil Cumar geelle

Harowo


This post has been viewed 1717 times.

camud

3 Comments for “Samaroonka reer Jabuuti oo la sheegayo inay ololaha siyaasadda ee doorashooyinka ugu hiilinayaan ururada mucaaradka dalkaasi”

  1. Asalaamu Calykum, Horta Waxaan Salamayaa Maxamed Jaamac Abgaal (Sagaaro) Waxaan Ugu Hambalyaynaya Sidii Fiicnayd Ee U Hadlalay Arrinta Saylac, Waxaanan Leeyahay Noolow Illahay Ha Ku Garab Galo Waxaan Is Waydiiyaa Haddii Aan Heli Lahaan Dhawr Nin Oo Maxamed Oo Kale Ah Gaar Ahaan Kuwa Noogu Jira Dawlad Ku Sheega Hargaysa.Walaal Sagaara Waxaan Ku Adeecayaa Sida Geesi Rooble Ama Suldaan Cumar Maanta Laga Bilaabo Geesigii Awdal Salal Iyo Gabiley Inshaa Allah Waan Is Arkayna Waligayna Qalbigaga Waad Ku Jiri ,Nolow Nolow.

  2. Ciise Ciise u Dhaaf Oo Col Shisheeye Ku Duul Aniga Waa Ila Cajaaib ina Boore Maxaa Naga Galay ilayn isaguba Waa Ciisee.

    Samaroonka Djibouti Hasoo Sharaxaan Xisbi Ay Ka Yihiin Gudoomiye Hadii Kale Ha Qaadacaan Doorashada Golaha Parlamanka Ee Djibouti Hana Mudaharaadaan.

  3. Makala jecli, muxafid iyo mucarad.
    Manta laga bilabo suldankeygu wa
    saleeban,siyassiyeyguna wa inti
    mawqifka umada samaroon uu kacdey.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH