Harowo.com

Madaxda Jabuuti oo qaabili weyday waftigii ka socday Somaliland ka socday ee jabuuti u tegay arimaha Saylac

 

Borama (Harowo)– Madaxda Dalka Jabuuti ayaanay afar maalmood kaddib aanay is  arag wafdgii ka socday soomaaliland e jabuuti u tegey arrimaha maamulka Saylac .Wararka aan ka helayno Jabuuti ayaa sheegaya In  sababaha lagu qaabili waayey waftigu ay ahayd socdaalkooda oo kusoo beegmay wakhtiyo an laga shaqaynin Jabuuti  oo fasax lagu jiray isla markaana uu ugu soogalay xuska dhalashada nebigeenna CSW oo jimcihii iyo khamiistiiba fasax looga ahaa dalkaasi.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegeya in arrintu sida ka duwantahay isla markaana maamulayasha Jabuuti aanay wax niyad ah u haynin madaxda soomaaliland ee halkaa tegtay maadaama sida lagasoao xigtay warar la isla dhexmarayey sheegeen inay madaxda Jabuuti oo uu madaxweynuhu ku jraayi ka cadhaysanyihiin sida xildhibeenada golaha degaanka Saylac looga khasbi lahaa inay ka tanaasulaan mansabka guddoomiyenimada maamul ee degmadaasi .

Warar kale ayaa sheegeya in wafdiga soomaaliland isku dayey inay iskagasoo laabtaan Hargeysa balse ay joojiyeen xubno ka tirsan dawladda jabuuti iyo odayaal kasoo jeeda beesha Ciise gaar ahaanna kuwa uu kasoao jeedo madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cmar Geelle .

Wafdiga ayaan sidoo kale la filaynin inay berri kusoo laabtaan Saylac  maadaama anay weli sida la sheegeyo farriin ay ka sideen madaxweynaha soomaalilan anaya weli gaadhsiinin ismaaciil cumar geelle .

Harowo

 

 


This post has been viewed 2255 times.

camud

1 Comment for “Madaxda Jabuuti oo qaabili weyday waftigii ka socday Somaliland ka socday ee jabuuti u tegay arimaha Saylac”

  1. ali

    anigu inkastoon ahay nin kasoo jeeda beesha sacad muuse hadana waxaan leeyahay degmada saylac hadii runta la isku sheego waa degmo samaroon leeyahay. laakiin beesha ciise ayaa hargeysa inoogu timi oo ina wareerisay.

    anagu dan kama lihid cida ay golaha deegaanka awdali doortaan.

    waanu ognahay saylac waxa degan samaroon iyo ciise geelley ah.

    kolkaa anagu kol hadaanu taayada haysano samaroona tiisa haysto dee dan ka gali mayno waxa ciise inaga doonayo. anaga dan ayaa inoogu jirta samaroon sababtoo ah haduu ciise isku kala balaadhiyo saylac waxaa inoo muuqda in jabuuti ay raadinayso fursad ay saylac ugala hoos baxdo somaliland taasina waxaa ka hor taagan dowlada britain jamhuuriyada somaliland iyo beesha samaroon oo ah beel walaalaheen ah.

    hore ayuu ismaaciil cumar geele isugu dayay waagii riyaale inuu sheekh shariif u sharciyeeyo in jabuuti yeelato saylac laakiin taasi waxaa hor istaagay ingiriiska oo xin kala dhaxeeyaan faransiiska sidoo kale dowlada somaliland iyo shacabka degaanka ee saylac oo ah reer sheekh maxamuud samaroon. samaroon naga tagi maayo oo waanu isku hubnaa laakiin ciise jabuuti buu isleeyahay u dus. samaroon meel aan somaliland ahayn ma aadi doonaan laakiin ciise dan kale ayuu leeyahay.

    dan baa inoogu jirta samaroon inuu isagu lahaado saylac isagaaana waligiis degenaa. inaga isaaqna nabad baanu already idinkula nool nahay saylac. anagu saylac inaan leenahay ma sheegano se ciise waa ku doodayaa siuu jabuuti uga mid noqdo oo uu ugu duso.

    waan ognahay qorshaha ismaaciil cumar geele waxa uu isleeyahay xasan culusow hadhow haku siiyo saylac si hadhow kolkay afti u timaado ciise u yidhaahdo jabuuti baanu rabnaa. deegaanka samaroon laga qaadi maayo anagu samaroon baanu garab taaganahay. se odaydan iyo maamulka jabuuti ayaa qaxarkooda inaga dayn la. oo some how kuwan bariga degan ee dhulbahante fikirkan way la qabaan ciise in jabuuti ula baxsado saylac.

    kolkaa waxaan leeyahay reer sheekh maxamuud samaroonow idinkaanu idin fadilaynaa oonu idinla rabnaa guusha ee idinkuna dee inoo fududeeya.

    ciise waxyaabaha uu inoogu hanjabaa waxaa kamid ah inay khaatumo seeg kooxda la yidhaahdo hubayn doonaan. kolkaa aanu ka wada tashano sidaanu duulka ciise ee saylac sheeganaya iyo kuwan somaliland ka go a isleh ee dhulbahante sheegta inaan meel uga soo wada jeedsano.
    .

    viva somaliland republic

Leave a Reply

Log in | onlined by SRH