Harowo.com

Wasiirka Khaarajiga oo ka hadashay shirka London ka dhici doona sheegtayna inaanay jirin dhawr dawladood oo Soomaliya ka jiraa

Addis Ababa (Harowo)- Wasiirka arrimaha dibadda dawlada federaalka Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka qeybgashay kulan wadamada Urur Goboleedka IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia halkaasoo ay sidoo kale kula kulantay wasiirka dawlada Ingiriiska u qaabilsan Afrika.fowsiyo y. xaaji a

Fawsiyo Yuusuf X.aadan oo si wadajir ah ay u qabteen shir jaraa’id iyada iyo wasiirka ka socday Ingiriiska ayaa waxay sheegtay in dawlada ku bahoobay IGAD ay si weyn u soo dhoweeyeen dadaalka dawlada Soomaaliya ka gaartay soo celinta xiriirkii diblomaasi ee Mareykanka iyo wadamada Galbeedka.

Waxay sidoo kale sheegtay in wadamada ku jira bahwadaagta IGAD inay aad u taageereen qorshaha dawlada Federaalka Soomaaliya ay u dejisay soo celinta nidaamkii dawladnimo ee dalka kaasoo ka koobnaa lix qodob oo waaweyn oo amnigu ugu horeeyo, sida ay tiri.

“Wadamada IGAD shirkoodii halkan waxay aad u soo dhoweeyeen dadaalada iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay gaadhay dawlada federaalka Soomaaliyeed, waxayna noo sheegeen inay diyaar u yihiin inay taageeraan ummadda Soomaaliyeed.” ayey tiri Fawsiyo oo ka hadleysay Addis Ababa.

Shirka London

Labada wasiir waxay shirkooda jaraa’id kaga hadleen shir lagu wado in bisha May 2013 uu ka dhaco magaalada London, kaasoo ay si wadajir ah u gudoomin doonaan raysul wasaaraha Ingiriiska David Cameroon iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji ayaa sheegtay in shirka London uu yahay shir looga hadlayo Soomaaliya, uuna goobjoog ka yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh. Waxayna sheegtay in dawlada federaalka ay tahay tan metesha ummadda Soomaaliyeed.

Mar la weydiiyey in shirkani uu la mid noqon doono kii bishii Febraayo ee sanadkii hore ka dhacay London ee ay ka soo qeybgaleen maamul goboleedyada iyo dawladii ku-meelgaarka ahayd ayay sheegtay inuu ka duwan yahay shirkani, isla markaana aaney jirin dhowr dawladood oo Soomaaliya ka jira.

“Waan uga mahadcelineynaa dawlada Britain dadaalkeeda iyo dadaalka guud ahaan beesha caalamka eedib u dhiska ciidamada qaranka Soomaaliyeed.” ayey sii raacisay marwo Fawsiyo hadalkeeda.

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds oo isaguna hadlay ayaa yiri,

“Dawlada UK waxay ku faraxsan tahay martigelinta shirkan ka dhacaya London kaasoo ay wada gudoomin doonaan Raysul wasaare Cameroon iyo madaxweyne Xasan Sheekh. Shirkani waxaa uu ka dhashay ka dib markii dawlada Soomaaliya ay soo bandhigtay waxyaabaha muhimada u leh, shirkani waxaa uu qeyb ka yahay dadaalka beesha caalamka ee lagu caawinayo Soomaaliya.”.

Simmonds ayaa hadalkiisa sii raaciyey;

“Dadaalka xoogan ee beesha caalamka oo la isku xiro ayaa waxay naga caawineysaa inaan ku gaarno waqtiga ugu gaaban ee ugu maqcuulsan saameynta ugu sareysa si loo horumariyo amaanka isla markaana loo xoojiyo awooda dawladnimo ee dadka Soomaaliyeed.”

 


This post has been viewed 254 times.

camud

2 Comments for “Wasiirka Khaarajiga oo ka hadashay shirka London ka dhici doona sheegtayna inaanay jirin dhawr dawladood oo Soomaliya ka jiraa”

  1. runsheeg xaaji

    waa war wanaagsan.

  2. runsheeg xaaji

    Dowladnimadu xoog badanaa, waa taas durbadiiba lo dhacay nidamka runta ah ee ah in dunidu aqoonsantahay hal diwlad soomaaliyeed. Halki jilib ee isxaaq ahaa maxaa u baxay. kol haddii ay gudahooda isu caqli celin waayeen, oo ay caadifaddu ka xoog badisey. armad weli ka gaartaan inta aydaan caanaha liinta isaga daadin, dowladda iyo dhammaan shacabku waa idiin hanweyn yahay, ee soo dhowaada, iskana tiiriya puntland, oo laantiin ismoodda iyadu in ay cirka gacanteed kor ugu hayso. intaasi waa aragtideyda.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH