Harowo.com

Reer Awdal Gabilay iyo Salalaw balaayo saacadeed joogta Sabti Nabada ha u riixina


mustafe 2 Reer Awdal Gabilow iyo Salalaw Balaayo Saacadeed Joogta Sabti Nabada ha u Riixina
 
Waxan marka hore salaan sharaf badan u dirayaa shacabka qiimaha badan ee ilahay aqoonta ku manaystay ee ka soo jeeda gobalada awdal salal iyo gabilay iyo saxaafada ka hawlgasha dhaamaan somaliland gaar ahaan gobolada kor ku xusan. hadii aan u gudbo mawduuca uu xan baar san yahay ciwaanka maqalku, waxa aynu ka wada dharag sanahay waxa ka taagan magaalada saylac ee gobalka salal. taas oo ah mid aan la iska indho tiri karin waxa ay xambaarsan tahay u jeedada ka dan baysa iyo danaha laga leeyahay. nin ragii waa garan doqona looba sheegi maayo.
hadaba waxa is waydiin mudan siday uga iibsamayso ama uga suura galayso damacan yar e riqiiska ah ee dhulka lagu doonayo,hadaba reerkan maanta qaylyaya ee aanu qurumo dhan isniqiin inay reer dega jabuuti yihiin. in aan maanta saxiixno inay saylac degaan waxay noogu muuqataa riwaayad cusub oo khiyaali ah oo aanu allifayno balse hadaba hadii uu xaalku sidaa yahay oo uu xalkii maanta magaaladii taariikhiga ahayd laga doonay jabuuuti waxay noqonaysaa balaayo saacadeed joogta sabti nabada ha u riixin maxaayeelay ninkii dhulkaaga sheeganayay halkii uu ka soo jeeday ee laga soo maleegayay shirqoolada hadii xal looga raadiyo taasi macnaheedu waa yaan la isa seegin kamana maar samayso in dhig faraha lagaliyo waana mid ka wada go,an yar iyo wayn bulshadan maanta dhulkoodii lagu damcay hadaba ninkii sheegayay ee lahaayaw ciise waa qaran anagu waxaanu u naqaanaa qabiil qabaa ilka soomaalida ka mid ahe bal waxa aad hayso soo daa hana ku riyoon inta nin samaroonii nool yahay in saylac danbe aad maayor ka noqotid.
waxaan leeyahay maamulka soomaliland hadii ayna waxba idinka gu,in oo aad ka tanaasusheen maamulkii iyo qaranimadii soomaliland oo mushkiladihiinana jabuuti lagu soo xalinayo waxi aad umadan u balan qaaden wad ku fashilanteen ee dib iskugu noqda oo sumcada iyo maamuuska qaranimo dhawra hadii aad damiir lahaan lahaydeen wad is casili lahaydeene balse idinka ma muuqato damiirkaasiye hana u horseedina qarankan yar ee curdinka ah burbur uuna ka soo waqsan hana ku kalifina dadkii shalay iyagu aas aasay e dhidibada u taagay ee calanka sameeyay hestana u saaray ee hantidoodiina ku maqan tahay oo naftdooduna u dheer tahay in ay maanta gacan tooda ku bur buriyaan. waa hadii sharciga la dhawri waayo cadaaladana la eegi waayo waa lagu kala dareeriye ogaada.
Alaa Mahad Leh
W/Q .Mustafe Xasan Maydhane 

This post has been viewed 2734 times.


camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH