Harowo.com

Kulankii Jaaliyada ASG ee Jarmalka

           Marka hore waxan salaamayaa bahda warbahinta ilaahayna waan u mahadnaqayaa.
 Waxa dhawaan Kulan telefoon isugu yimid jaaliyada gobolada ASG ee ku dhaqan Jarmalka, kulankaa oo lagaga hadlay arinta ka taagan  degmada Saylac iyo magalaada taariikhiga ah.
Shirkan oo gogol xaadh u ahaa shir bisha labaad horaanteeda  lagu qabanyo magalada Frankfurt ee dalka Germany waxa lagu xusay  dhalintii ku dhimatay mudaharadki borama iyo lughaya iyo inti dhawacantay.
Waxa loo tacsiyeeyay waalidkii iyo qaraabadii ay ka baxeen, inta dhaawacanna waa loo duceeyay. Dhamaan masuuliyiintii shirkaa ka hadashay waxay waxay hoosta ka xariiqeen In sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo jaaliyad baladhan oo kulmisa dhaman jaaliyada gobolada ASG ee ku dhaqan Jarmalka.
Dadkii kulankaa ka hadlay waxa ka mid ahaa  DR abdirahman abdilahi oo degan dalkan  Jarmalka, isagoo kasoo qeybgalayaasha shirka ku booriyay in horumarka goboladan laga shaqeeyo.
Intaa kadib waxa loo hanblayeey 10 xildhiibaan ee ah cashara muba shiriin ta saylac iyo mayer ka masuulka xilkasnimada inta ba isu darsaday iyo dhalinyarta cusub iyo dhiigga cusub ee goboladan u kacay.
 Waxa aad looga xumaaday aamuska aqoon yahahanka Samroon ee ku nool qurbaha Ee NUU iyo NAA midna laga haynin, Marka  degaanada kale ee soomaalida ay wax ka dhacaanna BBC-da Iyo VOA-da soo raadsada ee sida roobka u da’a, ta dadkoodana ka xishooda.

This post has been viewed 654 times.


camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH