Harowo.com

Hay’addaha Xuquuqal iinsaanka Adduunka Oo Dawladda Somaliya Ugu Baaqay In La Siidaayo Wariye Ka Waramay Haweenay Muqdisho Lagu Kufsaday

 

Nairobi  (Harowo)-Hay’addaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International, Human Rights Watch iyo ururka Caalamiga ah ee CPJ ayaa si wada jir ah dawladda Somaliya ugu baaqay in la siidaayo Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim (Koronto) oo loo xidhay baahinta warka haweenay la sheegay inay kufsadeen ciidamada booliska Somaliya.

War-bixin ay si wada jir ah u soo saareen saddexda hay’adood ayaa dawladda Somaliya loogu baaqay in la sii daayo Wariye Koronto iyo saddex qof oo kale oo lagu xidhiidhiyey war-bixinta haweenayda la kufsaday oo uu baahiyey telefiishanka caalamiga ah ee Al-jaziira.

Daniel Bekele oo ah Madaxa hay’adda Human Rights Watch ee Afrika ayaa sheegay in dawladda Somaliya sheegtay in saxaafadu xor tahay, balse xadhiga dadkani muujinayo tilmaan taasi ka soo horjeeda “Xadhiga Wariyaha iyo dadka kale ee ka war-bixiyay kufsiga waxay diraysaa fariin lid ku ah xoriyada dawladdu sheegayso” ayuu yidhi Mr Daniel Bekele

Sidoo kale, Amnesty oo qayb ka ah war-bixintan ayaa sheegtay in dambiga loo haysto Cabdicasiis Koronto uu yahay mid waxba Kama Jiraan ah isla-markaana wariyuhu uu wareysan Karo dadka wax tabanaya.

Hay’addahan ayaa dawladda Somaliya ugu baaqay in la siidaayo Wariyaha isla-markaana halka ay Wariyaha ka xidheen la baadho kufsiga Wariyuhu ka waramay, lana soo helo ciidamada booliska ee kiiskan lagu xidhiidhinayo.


This post has been viewed 686 times.

camud

Comments are closed

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH