Harowo.com

Hambalyo Loo Dirayo Hogaamiyaha Ruuxiga ah Ee Reer Awdal

abgaal

Waxa shabakada Harowo soo gaadhay hambalyooyin badan oo ku socda mudane Maxamed Jaamac Abgaal oo bulshada reer Awdal u aqoonsadeen hogaamiyaha ruuxiga ah ee reer Awdal.

Hambalyooyinkan ayaa dabo socda hadal uu dhawaan Abgaal warbaahinta mariyay oo uu kaga hadlayay qaddiyada Saylac, wakhti aad loogu baahnaa badheedhaha masuuliyinta reer Sh. Samaroon ee ka mid ah xukuumada Siilaanyo iyo kuwa labada goleba, balse la waayay masuul arinkaa ka hadla, halka masuuliyiinta xukuumada Siilanyo kaga jira beesha Ciise iyo xildhibaanka kaliya ee kaga jira golaha baarlamankuba ay waxbadan ka hadleen arimaha saylac.

Isagoo xildhibaanka Ciise tiraba afar jeer TV-ga soo horfadhiistay oo siduu doono u hadlay, Dadka soomaaliyeedna beentii uu sheegayay ay run u qaateen. Soomaaliduna waxay tiraa ” Nin kaa hadal badani Dhaxalka aabahaa buu ku seejiyaa”

Hadaba waxa loo baahnaa in kuwii dhigiisa ahaa ee ay baarlamaanka kuwada jireeni ka jawaabaan beenta iyo faanka uu TV-yada la hor-fadhiyo cali aareeye, nasiib darro wax yiraahda waa beentaa waa la waayay.

Ilaa imika waxay beesha ciise dal iyo dibadba wadaa barobagaando, rag iyo dumarba waxay ka hadlayaan Saylac, meel ay ku taalana ma yaqaanaan,  jabuutiba way ilaaween.

Waxa kale oo la sheegayaa inuu wiilkii yaraa ee  dhawaan adhiga laga soo reebay uu yiri saylac waa halkii la igu caleemo saaray, odayadii u faalinayayna waxa la leeyahay waxay kusoo jeedaan Saylac, odayadii Samaroon-na Boorama iyo Hargeysa ayay ku qayilayaan, karti inta ay israacaan ay Saylac ku tegaana ma hayaan,  si ay ugaaskoodii ugu yeedhaanna way garan la’yihiin

Hadaba wakhti ay dadwaynaha gudaha iyo kuwa dibaduba naawilayaan, Masuul ama Siyaasi u  jawaaba masuuliyiinta beesha Ciise, arinka Saylacna qeexa, ayuu Abgaal si farshaxan-nimo leh ugu jawaabay, qadiyada Saylacna uga qanciyay nimankii qaylinayay. Dadka soomaliyeed-na u iftiimiyay in sheekada Cali aareeye iyo xulufadiisu tahay i arkaay iyo maqlaay iyo ku qabso ku qadi mayside.

Sidaas darteed waxa dad faro-badan naga soo gaadhay hambalyooyin ku socda mudane Abgaal, marka aan dulucdii hadalkooda iyo dareenkooda soo koobnay waxan ku cabbirnay Afarrey(maanso) gaaban.

 

Marka dhuuni la sheego

dhabcaal baa soo cararaaya

Markay dhiidhiga joogtana

Dhulkuu hoos u galaayoo

Cadow kaa dhicin maayee

Abgaaloow dhawaqaagu

Dhaxantii naga duuli.

 

Nimankii barigii

baarlamaanka ku biiray

Bildhaantooda la waa

Ma buktaanbaa ku bariisatay

oo waa la baananayaa

Ma wadankay ka baxeen

oo baadi baan ku qornaa

Mise waa Baqlo aan wax soo biira jeclayn

oo ka bakheylaya guusha

 

Nimankaa ilmo dhawrto

iyo kuwaa soo dhako weyn

Ee dharqanaaya qabaalka

Ha dhageysan dhammoow,

Ilaahay ha ku dhawree dhinacaaga adkee

 

 


This post has been viewed 3201 times.

camud

4 Comments for “Hambalyo Loo Dirayo Hogaamiyaha Ruuxiga ah Ee Reer Awdal”

  1. Danyaqaan

    ALAYLEHE WAAN KU DIIRSANAA MARKUU hadlo Cadawgii-jab SIYAASI SARE ABGAAAAAAAAAAL

  2. Geesi

    Geesi dharab kuma jiro, waar ninkan uunbaa ina meteli kara,
    waxa inna laayay ee qayrkeen inaga reebay waa aamuska iyo xishood doqoniimo

    Abgaal iyo Axmedyaasiin oo baarlamanka isku hela way is weheshan lahaayeen.

    Nasiib daaro Afweyne, xamaal, mahdi coon ama mahdi gees, gaagale maxamed madar, qawdhan iyo wax aan dhaamin ayaan codkeenii ku khassarinnay

  3. Cabdi

    Aleylehe wuu u qalmaa intaa iyo in ka badan.
    Waxan islahaa hambalyadii aad soo dirtay Harowo ma hoostay dhigtay laakiin sidii aan usoo qoray si ka qurux badan ayaabad u dhigteen.

    Geesigu ha guulayso
    imika uun maaha ee mar walba oo arin adagi jirto wuu hadlaa, taasina waa calaamadaha geesiga

    anigu ninkan iyo suldaan saleebaanba waan jecelahay

  4. Aad iyo aad ayan ula dhacsanahay Maxamad Abgal wan ogahay in uu yahay ninka kaliya ee ku jira siyaasiyiintena. Manta oo kaliyana maha ee marwalba oo lobahan yahay wuu kahadla wixii dhibaato ku ah dalkena iyo danta guud ee beel waynta samaroon.

    lakin nasiibwanag waxa lawayey afar kale oo sidiisaa u hadla. oo siyasihiinteni waxay noqdeen kuwo tantodayar ee dhowrka cisho ku eg ay ku ilawan dalkoogii, adkodii sodortay iyo mustaqbalkodi ubadkoga. kuwan imika siyasisiinta isku shegaya kaligood maha ee wa wax ay waligeedba siyaasiyiinta samaroonka caado unoqotay oo kolba kii mesha fadhiyaa uu noqdo in uu wax sokordhiyo iska daaye wax uunka siirida. marka anuu waxan is waydiyaa ma siyaasiyiinta somalida ee dadkoda, dalkoda, iyo sharaftodaba uhadlaya ee ilalinya ayeyna lamid ahayn mawaxay is lehihiin arsaqdanbe helimaysan hadii aad dhicsatiin waxa aad xaqa uleedihin mise wayna iskukalsonayn. ilahow nadil oo hana dorin balaguducaystaa. shacabka samaroon ee nabada hecel ee ixtiraamka badan ilahayow caawi ceelna uma qodna cidina uma maqnee.

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH