Harowo.com

SILICA SIYAASADA S/LAND+SUL​UX SI U GALINTA SAYLAC=SAQ​IIRKA S/LAND

Marka ugu horaysa waxan salaamayaa dhamaan shacbi waynaha muslimiinta gaar ahaan shacabka s/land waxan si gaara usii salamayaa dadkayga gobolada galbeedka s/land dhamaantoodna waxan ku salamayaa salaanta islaamka asalaamucalaykum wa raxmatullaahi tacaalaa wabarakaatuhu intaa dabadeed haddii aan u gundo dago gundhiga hadalkayga ama qoraalkayga.
Dhawaanahan waxa dhagaheena aad ugu soo noqnoqanayay ama a
an idhaheena ku arkayn waftibaa saylac loo diray wasiiro ka kooban,siilaanyo ayaa ka hadlay arinka saylac oo ismaaciil kala shiray, salaadiinbaa ka hadashay shacabaa ka gadooday, dadbaa lagu dhaawacay xildhibaano ayaa ka hadlay, waxba yaanan sii gudo galine waxaas oo hadala ama muuqaala nin daawada iyo nin dhagaysta intaba waa la lahaa waxan jeclaysay maanta inaan is yara dul taago qodobadaa iyaga ah intii garashadayda ah ama sida aan wax u arko fikriyan.
Horta saylac waa magaalo taariikhiya dad badan ayaana ka sheekeeyay lakin waxan is yara dul taagi hadda waxa dhacaya marka ugu horaysa waxan aad ula yaabay wasiir duur oo leh markii aan maqlay 100 qof ayaan u shaqaalaysiinaynay beesha ciise ku xigeenkiina beeshii wax bursatay way ogolaadeen inay celiyaan horta waa nasiib daro inteeda le,eg ayaan qabaa maanta oo taariikhdu tahay 2013 in shacab ka mid ah shacabkii la maamulayay lagu dajiyo shaqaale badan ayaan idiin siinaynaa waxaban qabaa bartaa iyada ah chance muhiima ayaaba kasoo baxay maadaama beeshii qaylida uun wax la siinayo duur wuxu maanta si cad u dabaqay maahmaahdii somaleed ee ahayd nimaan hadlan habartii qadisay waa nasiib daro in beel qas iyo arbushaad wada la yidhaahdo waxan idin siinaynaa 100 shaqaale ah taas waa dariiq aw duur furay tusbaxa sidaa aw u furay isaga ayaa gucundhida si fican uga dhax guri doonaa
hadalka kale ee in la xuso mudan waxa weeyi beeshii sad bursatay ayuu hadalkisa ku daray duuraw anaga oo xilka aad hayso kugu ixtiraamayna sad numa aan bursane saylac sidaa ay tahay xaqa beesha samaroon waa ku maqanyahay doorasho ayaad dadka u dhigteen haddii saylac xaqedii beesha maxad case ka bursatay beesha ciise adigana taa macnahedu waxay noqonaysaa burco habar yonis habar jeclo way ka bursatay saw maaha sidaa hadalkuu sidaa ayuu u dhacayaa jawaabta waxan u dhaafayaa akhristayaasha sharafta leh
waxanan wasir duur kugula dardaarmayaa taasi siyaasayad ma ,aha mana noqonayso waxa loo baahanyahay siyaasad xalaal oo aqooni ku dheehantahay (politics lawful and the equaitance in) maantana waxad duuraw u quus goysay xisbi xaakimka kulimiye oo marka horeba quus laga joogay ayaad xabaasha sii dul gaysay waxan sugnaaba waa tacsidiisa reer kulmiye haddii ay siyaasadoodii sidaa noqotay in beeshii wax tabata 100 shaqaale ah la siiyo
waa nasiib daro siyaasada noca dhadhankeedu yahay ma noqon karto siyaasad somaliland horu u dhaqaajin karta walibana adiga oo wasiira ayaad shaashadaha caalamka lasoo fadhiisatay waa nasiib daro waanan kaaga tacsiyadaynaa hadalkaa kasoo yeedhay nin wayn oo uu hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday walibana adiga oo xil haya ayaad waxa ku dhawaaqday waa nasiib daro ayaan ku leehay intaa haddii aan hadalka duur kaga baxo waxan aad ula yaabay xildhibaanada saylac la doortay ee yidhi ku xigeenkii ayaan hanaynay
waxan qabaa in kasta oo aad dadkaygii tihiin oo aan jeclayn inaan warbaahinta si buuxda ugu soo bandhigo maanta ma aha maalintii aan ciise wax u hanayn lahayn lama joogo waqtigii abti iyo ab la isku jeclaa waxan idinkula talin lahaa mar walba waqtiga sida uu yahay inaad la tacaamushaan waligiina isku daya inaad ahaantiin rag go,aanka ay isla gaadheen gaadha oo ay himiladooda badalin wasiiro hargaysa wax loogu soo yeedhiyay .
Samaroon dhamaantiina waxan idinkula talin lahaa salaadiin aqoon yahan culima awdiin dhalin yar dumar iyo siyaasiyiin inaad dantiina u midawdiin oo wixii laf jab inigu ah inaad damiirka fayaw ku diidiin aanad si buxda uga dhiidhidiin taas ayaa mar walba iyo meel walba oo aad joogtiin idin anfaci doontee waxa xusid mudan oo aan halkan inaan hambalyo uga diro mudan labada siyaasi ee maxamed jaamac abgaal iyo muse carab dugsiiye oo ay labaduba si hufnaani ku dheehantahay qadiyadan uga hadleen
laakiin hambalyada ka dib waxan tacsi u dirayaa siyaasiyiinta samaroon ee hargaysa u jooga bulshadan ay matalaan waxan idin leehay waxa idiin fiicnaan lahayd idinka oo xilkii la idiin igmaday haddii aad gudan waydeen si buuxda isku casila umadana runta u sheega waan idiin tacsiydaydnayaa idinkana dhamaantiin aniga oo aan kala reebayn siyaasiyiinta kasoo jeda gobolada galbeedka s/land ee ku jirta xukumada silanyo waxan idin leehay innaalilaahi wa inna illayhi raajicuun samir iyo iimaan samaroonow.
guntii iyo gabagabadii markii aan waxaas oo dhan isku soo xoorino xaalku waxa uu noqonaya ee aan waliba si fican uu dheegano silica siyasada s/land +sulux si u galinta saylac=saqiirka s/land.
waxa inoo ballana
Dareen isku mid ah
Danteena iyo damac fog

Wabillaahi tawfiiq.
Mohamed Mahamoud Shirdon.

This post has been viewed 6328 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH