Harowo.com

Reer Khaatumoow aan midowno oo aan iskaashano waxna yaynaan isu ogolaan waa arimo aan is qaban!!!.

Reer Khaatumoow aan midowno, oo aan iskaashano, waxna yaynaan isu ogolaan, waa arimo aan is qaban!!!.Khaatumo flag

Soomaalidu waxay wax ku qaybsataa nidaamka loo bixiyay 4.5, markii la waydiiyay ragii inoo keenay nidaamkaa xaaraamta ah, oo la yidhi war waxanu waa nidaam xaaraam ah, oo aan lagu dhisi Karin Islaamnimo, Soomaalinimo iyo Qaranima toona, waxay ku jawaabeen, haayoo, waa xaaraam, hase yeeshee, waa xal, ummadaan wax waliba iskaga dhex qasmeen, lagu

Furdaaminaayo, nidaam dhaama camal ahaan, oo lagu dhaqi karo Soomaalida waqtigana waa la waayay!! Waxa sidaas oo kale, wax qaybsi isna cadaalad daro iyo xaaraam ah, wax ku qaybsata beesha Dhulbahante, ee Khaatumo state, wax qaybsigaas oo lagu magcaabo saddex meelood, taas oo simaysa xaga wax qaybsiga, jifooyin iyo ardaayo aad u balaadhan, oo u tira badan, iyo

Kuwa kale, oo aad iyo aad uga yar, jifooyin iyo ardaayo dega dhul baaxadiisu isu jirto 400km, iyo ka badan iyo kuwa kale, oo dega dhul baaxadiisu ka yar tahay 30km ilaa iyo 40km. markii iyana la waydiiyay wax qaybsigan, cadaalad darada iyo xaaraamta ah, waxay ku jawaabeen, haayoo, waa cadaalad daro iyo xaaraam wax-qaybsiganu, hase yeeshee waxaanu door bidnay, in

Uu xal u noqdo, isku duubaanta beesha iyo midnimadeedaba!!! Waxaan leeyahay arintaan iyo taa horeba, oo faraqa u dhexeeyaa uu yahay xaga waqtiga, waayo tan Soomaalida guud ahaan ee 4.5, waxaa lagu xidhay waqti ah, inta wadanka laga hirgelinaayo dowlad wada hanata, oo hirgelisa doorashooyin xor iyo xalaal ah, laakiin tan beesha Dhulbahante, waa mid abadi ah, oo

Aan lahayn waqti cayiman, oo lagaga baxaayo!!! Waxaan leeyahay,waxaa ka qafilan Soomaalida dhamaantood, inaan cadaalad daro iyo xaaraam, marnaba lagu dhisi Karin wanaag iyo horumar, waxay dhamaan wada yaqaanaan, lagana yaabo in midkood waliba, maalin kasta adeegsado murtida Soomaaliyeed ee ah: “hal booli ahi,  nirig xalaal ah ma dhasho”!, Soomalidu

Been waa sheegtaa, laakiin been ma maah-maahdo, waa hadal run ah, waxaan aasaaskiisu xalaal ahayn, laguma dhisi karo, wax xalaal ah, murti kale ayaa iyana ah “heshiiska xumi, wuxuu keenaa khilaaf daba dheeraada”, labadan arimood oo aan soo xusnayba, waxaa si fiican uga muuqda, oo ku sifoobay labadaa murtiyood, ee aan hada soo sheegnay, hase yeeshee tan hore ee

Ku-meel gaadhka ah, waxa laga yaabaa, hadii dowladan cusub ama tan ka dambaysaa hagaagto, waa arin laga baxaayo, oo dhamaad ku dhow, hase yeeshee tan abadiga ah, ee aan waqtiga cayiman lahayn, baa ah halka aan u socdo, oo aan qoraalkan daradeed u qoro, laakiin intaanan u gonada degin mowduuca, waxaan ka afeefanayaa, aniga oo aan jeclayn in qoraalada noocan ah

Lagu baahiyo warbaahinta, qoraal horena aan arintaa ka qoray, oo aan aad uga soo horjeedo, baa hadana waxa igu kalifay qoraalkan, qoraalo iyo hadalo soo noqnoqday, oo warbaahinta qaarkeed lagu qoray, bal in qoraalkanu qancis iyo waano u noqdo, tusona xaqiiqooyin murugsan oo beesha ka dhex jira, hadaba inta aanan dulucda qoraalkayga u gelin, waxaan leeyahay Dhulbahante guud

Ahaan, jifo ama ardaa ay toban kun, oo nin ka ciidamin karto iyo jifo ama ardaa aanay kun nin ka ciidamin iyo mid boqol nin ka ciidamin karto, cadaalad maaha, in ay si siman wax u qaybsadaan, jifo ama ardaa dega dhul ka balaadhan 400km, iyo jifo ama ardaa dega dhul ka yar 100km, iyo mid kale oo degta 40km ama ka yar, cadaalad iyo caqli gal toona maaha in ay si

Siman wax u qaybsadaan iwm, waana taa dhibaatada haysata beesha Dhulbahante, ee wax badani ugu hagaagi waayaan, waayo heshiis xumi, wuxuu keenaa khilaaf daba dheeraada, sidaas darteed beesha waxa la gudboon, in ay si cadaalad iyo xalaal ah, wax u qaybsato, haday doonayso, horumar iyo midnimo lagu guulaysto, waa inaan wax isugu quudhnaa, sida loo kala

Mudan yahay, waxa jira wax-qaybsi kale, oo isna saddex meelood ah, oo ka haboon, kan hada aynu wax ku qaybsano, arimaha qaarkoodna aynuba ku qaybsano, kaas oo ka haboon cadaaladana uga dhow, kaan hada wax ku qaybsano, waana wax-qaybsiga saddexda gobol, ee Sool, Sanaag iyo Cayn, wax-qaybsigan oo ah kan ugu caqli galsan, oo ugu haboon in ay beeshu

Wax ku qaybsato, maadaama uu hadaba jiro, oo arimaha qaarkood lagu qaybsadoba, ayaan waxaan filaayay, shirkii magaalada taariikhiga ah ee Taleex, ee maamulka Khaatumo lagu aasaasay, in is bedel wax-qaybsiga beesha lagu samaynaayo, oo la qaadanaayo, wax-qaybsiga saddexda gobol, hase yeeshee, waxaa ah, wax aad looga xumaado, in la baal maray wax-qayigaa

Caqli galka iyo cadaaladaba ah, sidaas darteed baa maamulkii halkaa lagu dhisay ee Khaatumo state, waxoogaa daldaloola ah uga soo baxeen, oo ay taas adeegsadeen kuwii diidanaa maamul ay beeshu yeelato, ee rabay in ay dumiyaan wixii halkaa lagu dhisay, in kasta oo aanay waxba uga suuragelin ilaa hada, hadana waa god daloolooyin weli jira, oo hagaajin iyo sixitaan u

Baahan, tusaale ahaan waxa la samayay gole madaxtooyo, oo saddex xubnood ah, oo labo ka soo jeedo gobolka Sool, kan kalena gobolka Cayn, weliba maamulka intiisii kale oo dhana, waxay ka soo wada jeedaan labadaa gobol, ee Sool iyo Cayn!! Golaha fulintu isna xubnihiisu waxay ka soo wada jeedaan labadaa gobol, marka laga reebo Saleebaan iyo Guray, oo iyagu asal ahaan

Gobolka Sanaag ka soo jeeda, hase yeeshee aan midkoodna wax xidhiidh ah, la lahayn gobolka waqtigan, iyadoo weliba jifo ahaan Guray la xisaabin karo nin reer Sool ah. Halkaa waxaa inooga muuqanaysa, in aan beesha Khaatumo, ee Sanaag, haba yaraatee aanay cidi kaga jirin maamulka Khaatumo, taas

Waxaa sababay wax-qaybsiga xaaraamta ah, ee saddex meeloodka, ee ay hada beesha Dhulbahante, wax ku qaybsato, shacabka Khaatumo ee Sanaag, arimahaa wax dacwad ah kama keenin, si aanay caqabad ugu noqon horumarka iyo midnimada shacabka Khaatumo, in kasta oo ay arintanu noqotay god dalool ka muuqata maamulka Khaatumo, oo ficil ahaan ay si fudud u

Adeegsadeen cadawga Khaatumo marar badan, hadaba aan dulucda qoraal u soo daadegee, waxa ii muuqtay in aan wax yar ka idhaahdo, qoraalo iyo hadalo dhowaan warbaahinta ku soo noqnoqotay, oo sheegaaya in beesha Naalaye Axmed ee Dhulbahante, ku muransantahay xubin baarlamaanka federaalka ah, oo uu dhowaan baneeyay Siyaad Maxamuud Shire, oo ay dowladu

U magcawday qunsulka Soomaaliya, ee Nayroobi Kenya, sida warbaahinta lagu sheegayna waxaa kursigaa isku haysta Naalaye Nugaaleed iyo Naalaye Sanaag! Yacni Sool iyo Sanaag, iyo weliba Puntland, oo ku hawlan in ay hesho xubintaas, oo ka mid ahayd xubnihii Khaatumo, ee baarlamaank federaalka, hadaba beesha Naalaye Axmed, oo ah beesha Dhulbahante ugu

Balaadhan tira ahaan iyo dhul ahaanba, waxay kala degtaa labada gobol ee Sool iyo Sanaag, iyada oo aan dhulkooda wax xuduud ahi u dhexayn, hadaba xaga wax-qaybsiga, in kasta oo Dhulbahante wax ku qaybsado, saddex meeloodkii xaaraamta ahaa ee aan soo xusnay, hadana qaaciidad walba, oo aaduunka ka jirtaa, waxyaabo laga reebo bay leedahay, oo aanay suuragal

Noqonayn in lagu daro, marka tan aan ka hadlayno waxaad dhamaan ogtihiin marka ay timaado, wax qaybsiga dowlada dhexe sida baarlamaanka, wax-qaybsigu wuxuu ku salaysan yahay gobolada dalka ka jira, marka arintan aan hada ka hadlayno, maaha arin cilaaqo la leh wax-qaybsiga Dhulbahante, ee waa arin ku xidhan gobolada, oo gobol waliba wuxuu ku

Leeyahay baarlamaanka federaalka kuraas cayiman, kuwaas oo u kala qaybsan beelaha dega gobolkaa, sidaas darteed kursiganu wuxuu ka mid yahay kuraasta gobolka Sanaag, oo ay beelo badani wada degaan, waana kursiga ay beesha Khaatumo Sanaag ku leedahay gobolka Sanaag, beesha Khaatumo Sanaagna ma wada aha Naalaye Axmed, haba ahaadeen kuwo ugu badan ee,

Kursiganu waa mid aad loo yaqaano, waana xubin Khaatumo Sanaag ku lahayd baarlamaanka Soomaaliyeed ilaa lixdankii, curashadii dowladnimada Soomaaliya, laakiin se waxaa dhiiri geliyay, dadkan aan reer Sanaag ahayn, ee hada u xusul duubaya xubintan, waa wax-qaybsiga xaaraamta ah, ee uu Dhulbahante wax ku qaybsado, markaa waxaan leeyahay Naalaye

Nugaaleedow, waxaad tihiin reer Sool, shakina kuma jiro in xaqiinii yaalo Sool, ee Allaah haydin garadsiiyo, kurigan agoonka ah, ee reer Sanaag, oo aad idinku xuquuqdoodii dayacdeena, u dhaafa reer Sanaaga iska leh, iyaga ayaanuba ku filnayn ee, reer Sool oo uu garaad Saleebaan horkacaayo, iyaga ayaa lumiyay, ugu yaraan aan idhaahdo xaqii Ugaadhyahan, hadaanayba

Ahayn tii Dhulbahante oo dhanba! Waayo labaatankaa sano, waxaa shirarkii dibu-heshiisiinta, ee Soomaaliyi wax ku qaybsanaysay, oo dhan ka qayb gelaayay kooxa reer Sool ah, oo uu horkacaayo garaad Saleebaan, shaabada garaad Saleebaan baana wax walba lagu socodsiinaayay, hadaba iyada, oo baarlamaankii Soomaaliya laga kordhiyay xubnihiisa, intii ay ahaan jireen

Lixdameeyadii, beel walba oo Soomaaliyeed, ama gobol kastana xubno u kordheen, uga qayb gala baarlamaankaa, idina waydinkan dib ugu soo noqday, ee hunguraynaaya kursigaa agoonka ah ee ay reer Ceerigaabo weligood iska lahaayeen, waayo Dhulbahante ayaan sida beelaha kale, ee Soomaaliyeed waxba u kordhin, waana boob iyo sedbursi ka dhacay, wax-qaybsiga Harti, waa

Hagardaamooyinka laga dhaxlay Puntland, waana dayac iyo tagrifal xaqii reer Khaatumo, oo ay sababeen intii ku xeerayd garaad Saleebaan, ee shir walba ka qayb geli jirtay, oo aan wax la siiyo maahee, aan ku xisaabtami jirin xuquuqda beesha, tusaale beesha reer Maakhir ee walaaleheen ah, oo iyana reer Sanaag ah, iyaga iyo Khaatumo Sanaagba, waxay dowladihii hore kuraasta

Baarlamaanka Soomaaliya, ku lahaan jireen min hal kursi, maanta reer Maakhir waxay baarlamaanka federaalka ku leeyihiin shan xubnood, halka Khaatumo Sanaagna ay weli taagan yihiin halkii kursi, ee agoonka ahaa, ee ay weligoodba ku lahaayeen, oo weliba sidaad aragtaan

Reer Sool ku haysto, bal iska daayoo Dhulbahante oo dhan, baan wax u kordhay jirin, maxay ku dhacday? waa lays boobay, kuwii Dhulbahante shirarka uga qayb geli jirayna, hadba wixii loo soo tuuro, bay iska qaadan jireen dood la’aan, waana hagardaamooyinkii laga dhaxlay ku biiristii beesha ee Puntland, waxaan rajaynayaa in hadalkanu qanciyo, qolyaha reer Sool ee kursigan

Xusul duubka ugu jira. Reer Sanaagna waxaan leeyahay, arintu waxay ku haboonayd, in loo daayo qoladii doorkan loo gartay, oo aan dee kursigiiba weli ku fadhiisan, iyadoo ninkii ay u doorteen dowladu shaqa kale u dirsatay, haday se iyagu hadli waayeen, waxa la yidhi: nimaan hadlin hooyadiina qadisay ee, ma xuma xaqna waa u leeyahay in C/Rashiid Dhabayaco kursigaa

Loo garto, in kasta oo aan anigu C/Rashiid, oo ah nin da’ yar, oo aad u firfircoon, aan xaga abaabulka Khaatumo kala jeclaa, kursigaasuna u baahan yahay nin aqoonyahan ah, oo siyaasad khibrad iyo xirfad u leh, hadana hadii loo garatay, waa mudan yahay, hase yeeshee sidaan maqlay, waxaa iyana doonaysa kursigaas eedadeen Deeqa, oo mudo dheerna hore u haysay,

Yeelkeedee haday sidaasu jirto, waxaan odhan lahaa C/Rashiid, adna eedadaa ku maamuus, oo hakula tartamin, dee hada waa hadii ay eedo Deeqo Khaatumaysan tahay, oo aanay meel kale waxba u wadin, waxaan sidaa u leeyahay eedo siyaasada kama muuqan, sanadihii ina dhaafay oo dhan, oo lama maqloba, si kasta ha ahaatee haday eedo khaatumaysan tahay, waxan mar labaad leeyahay ha loo daayo, ilaa inta ay inooga soo celinayso.

 

Wabillaahi atowfiiq

Ciise Maxamuud Aadam

almutawaadic@yahoo.com


This post has been viewed 2132 times.

camud

Leave a Reply

WARARKII HORE EE KU DHAAFAY HALKAN KA RAADI
Log in | onlined by SRH