Harowo.com

Siyaasiga Reer Sool Cali Sandulle oo sheegay in Isaaq Iyo Gadabuursi laynayaan ,Caalamkuna uga soo gurmado

Cali sandulle waa caadul-qaate tolkii shilimaad ka raacay, qadiyada Dhulbahantana ma aaminsana, kuwa Gadabuursi ee uu sheegayaana waa iimaan laawayaal isaga oo kale ah oo  Siilaanyo ka amarqaata 
Cali sandulle

“Inta Aynu Somalia Ka Hadlayno Somaliland Ayaa Heshiisiin U Baahan, Aduunkana Waxaanu U Sheegaynaa Inay Somaliland Soo Dhex Galaan ” Cali Sandulle

‘laba reer ayaa dantoodii fushaday”

Hargeysa (Harowo)–Guddoomiye ku xigeenka Urur Siyaasadeedkii Hadhay ee Xaqsoor Cali Maxamed (Cali Sandulle), ayaa ka hadlay mawqifka Urur Siyaasadeedka Xaqsoor uu ka taagan yahay natiijadii Doorashadi dalka ka dhacday, isaga oo mar kale ku celiyey in Ururka Xaqsoor uu sii jiri doono, waxaanuu sidoo kale ka hadlay xaaladda uu hadda dalku ku suganyahay.

Cali Sandulle oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay aqoonsiga ay dawladda maraykanku siisay Somalia, isaga oo sheegay in Somaliland u baahan tahay dib u heshiisiin, waxaanuu Beesha Caalamka ugu baaqay inay soo dhex galaan Somaliland inta aan Somalia la gaadhin, waxaanuu sidoo kale sheegay in Somaliland marayso meel aan fiicnayn.

Guddoomiye ku xigeenka Xaqsoor Cali Sandulle oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Ururka Xaqsoor waxa uu u taaganyahay sidii loo aasaasay meel uu ku biirayaana ma jirto, waxa uu ahaa Urur doonayey inuu Somaliland mideeyo bari ilaa galbeed tii ayuu ilaa hadda xaqsoor u taaganyahay, waxa ay ahayd arrinka yagu in la hubiyo ujeedada laga leeyahay haday Xukuumadda tahay iyo haddi ay shacabka tahayba in la ogaado wax qaybsiga Somaliland in la wada leeyahay in kale, muddadii ay Somaliland jirtay cid ayaa xukunka isku haysatay tiina wax aka muuqatay, waxa aynu arkayno oo ah wax aan loo diyaar sanayn, Mowqifka Ururkuna uu jirayaa, waad ogtihiin Saylac dhibaato ayaa dhacday oo gurigoodii ayaa la hungureeyey, taasina waa xaaraan ayaan leeyahay Somaliland-na kuma waxa joogayso ee Ciise ha loo daayo, Bariga Somaliland mashqicii Siyaasaded ee Guddoomiyaha Xaqsoor Miiska soo dhigay in lagu guul daraystay iyo Somaliland inteeda kale oo aan fahmin, waxaana halkaas ka soo baxday inaanay Somaliland waxba wada lahayn oo cid gaar ahi danaysanayso oo Isaaq iyo Gadabuursi dalka haysteen welina doonayaan inay haystaan”

Cali Maxamed  waxa uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii watay “Inta aynu Somalia ka hadlayno Somaliland ayaa heshiisiin u baahan, inta  aanay Somaliland  heshiininna  cidna ma wada hadli karno, cidna waxaba kama dhexayn karaa, haddii Somaliland ay xayndaabkeeda Dawladda ku soo noqon waydana cid waliba waxay noqonaysaa reero, waxaanu Aduunka u sheegaynaa inaad Somaliland soo dhex gashaan oo aad sida aad Somalia isugu kab kabteen aad Somaliland-na isugu keentaan inta aydaan Somali weyn u gudbin, haddi ay doonan iyaga oo reero ah ayey la hadli doonaan Somalia”

Guddoomiye ku xigeenka Xaqsoor Cali Sandulle waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda dalka iyo intii ay xukuumaddu talada haysay sida ay wax u dheceen, waxaanuu yidhi“Inta dad la dilay labadii sanno ee ay Xukuumaddu xilka haysay waxay gaadhayaan ilaa afar boqol oo qof, waa nasiib darro ilaa xilligii Cigaal ilaa tii Rayaale marka la isku geeyo dadka dhintay ma gaadhayaan boqol qof, waxa jira Gobol dadka habeen kasta lagu laayo oo la yidhaahdo jinbaa dilay, Xukuumadda waxaan leeyahay gobol walba falka lagu sameeyo in ciddii ku samaynso lagu baadho, waxaan u arkaa inay tahay xil qarsi dadka la soo qaadayaa, ninkii la soo qaaday ee dhacdadii ugu dambaysay ee Laascaanood in dib loo celiyo weeyaan”

Cali Sandulle waxa uu ugu dambayntii ka hadlay mawqifka Ururkooda Xaqsoor waxaanuu yidhi “Annagu weli uma aragno in nalaga adkaaday urrada kale ee hadhayna waxaan leeyahay waxaad noqoteen fardo laga degay oo rarkii laga dhigay, Somaliland-na maanta laba reer ayaa dantii ay lahaayeen fushaday oo ah Isaaq iyo Samaroon”

Maaha markii koowaad ee siyaasi reer sool ahi weerarro iyo afxumo ula badheedho  Samarroonka .Hore ayaa  xildhibeenla yidhaa indho indho ,kana tirsan baarlamaanka soomaaliland jawaab afxumo ah u geystay xildhibeenno isugu jiray reer awdal iyo Ciisaha maanta  looga taag laayahay Saylac ,kuwaasoo xukuumadda Siilaanyo u jeediyey cabasho ,isagoo indho indho oo difaacayey Siilaanyo xildhibeenada ku tilmaamay kuwa  qalad ku cabanaya ,sidaad  darteedna ay iska aamusaan .

markaad isbarbardhigto hadalada kasoo yeedhaya reer sool siyaasiyiintooda iyo sida reer awdal qadiyaddooda iyo khaatumo state u taageeraan ayaa ah kaaf iyo kala dheeri

Harowonews


This post has been viewed 2461 times.

camud

4 Comments for “Siyaasiga Reer Sool Cali Sandulle oo sheegay in Isaaq Iyo Gadabuursi laynayaan ,Caalamkuna uga soo gurmado”

  1. waxa layabay dhulbahante iyo samaroon walalo ku naqoodeen e isaaq shiisheye kuyahay haday ciidi walalo naqoonaso waxa walalo ah samaroon iyo isaaq

  2. aliya

    cali sandule dhulbahante ma ah waa horgale waxaa walaalo ah samaroonka xalaasha ah iyo dhulbahanta xalaashah oo isku mowqif ah inta awdal state taageersan ha noolaato inta khaatumo state taageer san ha noolaato

  3. cali sandule kuma hadlayo magaca dhulmahante waa biiriqaate snm ta hargaysa u naageeye raganimana male
    beesha samaroona waxkama qaadikaro samaroon waa dad runtii an walaalo nahay taariikh dheer naga dhaxayso dhulmahantana wuu ogyahay ku darso oo darood ismacil dhamaan wuu ogyahay halka samaroon joogoin an looga soo dhacayn wanaan garabtaaganahay samaroon.

  4. waxa ayaan darro ah nin u shaqeeya jabhada snm oo ka soo hor jeeda khaatumo rabana inuu iska horkeeno labada beelood ee samaroon iyo dhulbahante in halkii cali sandule harowonews wax odhanlahayd oo u sheegi lahayd inuu yahay caasi dhulkiisii lacag ka doortay oo biidhiqaate horgal ah oo aan sharaf lahayn yahay inay yidhaadan sidii cali sandule iyo khaatumo wanaag ka dhexeeyo khaatumaanu garabtaaganahay waxaan u arkaa waa arin lagu degdegay waxan hadalkay ga ku soo ururinayaa khatumo state horgalada dhulbahante waxaa naga xiga samaroon inta aanu isku qadiyada nahay scw

Leave a Reply

Log in | onlined by SRH