July 30, 2010

Waxa Aan La Dafiri Karin in Siilaanyo Sameeyey Qabyaalad Cad oo Foolxun!

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaanba saxaafada xorta ah ee dadweynaha fakirkooda soo bandhigta gaar ahaan website yada internet ka ah ee aduunka laga akhristo. Ka dib waxaan doonayaa in aan fakirkeyga ka dhiibto dowlada uu dhawaan ku dhawaaqey madaxweynaha cusub ee la doortey waa axmed maxamuud siilaanyo, anigu runtii dadka magacyadooda ma aqoon badi marka laga tago shaqsiyaad kooban, …..

More

Dawladnimo sidee lagu gaadhaa?

Dawladnimadu maaha wax la iska sheegto, maaha ciidan iyo golayaal la samaysto. Xeer aan shacabka lagala tashan, oo aan miisaan iyo cilmi ku fadhiyinna laguma gaadho dawladnimo. Dawladnimaduse waxa ay ka bilaabantaa wax la isla oggol yahay oo lagu heshiiyey.

More

Dawlada Cusub ee S/Land oo La Kowsatay Laangadhayn.

Hadaynu qaada dhigno sida dawlada cusubi ay ula kowsatay magacaabisteeda ka gole wasiir ahaan oo in mudo ahba laga soo shaqaynayey. Aniga iyo fekerkayga gaarka ah ayaa wuxuu tilmaamaya sida dawladu ugu dhalatay iyadoo laangadhe ah,sida aynu wada ogsoonahay laangadhaha waa lagu dhasha waana la noqdaa adigoo iskaba weyn.

More

July 29, 2010

Hoos Ka Dhegeyso Weriye Daahir Axmed Jirde oo Soo Koobaya Dareenka Cadhoda Leh ee ay Reer Awdal Ka Bixiyeen Qaabka Soo Dhisay Xubnaha ay Ka Kooban Tahay Xukuumadda Axmed Siilaanyo.

Get Flash to see this player.

Dr. Bashiir Good Oo Wax Laga Waydiiyay Aragtidiisa Is Badalka Somaliland Iyo Wixii uu Ka Yidhi.

Harowo (Dubai) - Laanta af-soomaliga ee Idaacadda VOA, ayaa waraysi ay la yeelatay Qoraaga Wayn ee Dr. Bashiir Sh. Cumar Good kaga waraysatay aragtiidiisa ku aadan, is badalka Somaliland, Sidii uu u dhacay, Dawladda Siilaanyo Ku dhawaaqay iyo arimo kale oo ku saabsan Somaliland iyo xidhiidhkeeda Somaliya Mustaqbalka, hadaba hoos ka dhegayso, waraysigaas oo dhan.

Get Flash to see this player.

Badheedhaha Harowo: Axmed Siilaanyo oo Soo Dhisay Dawlad u Eg Tii SNM ee 1991-kii. Fariina Cadna u Diraya Beelaha Darafyada, Kuna Talo Galay Aargoosi.

Hargeysa (Harowo) - Madaxweynaha Dhawaan la doortay ee Somaliland Axmed  Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo balan qaaday markii la doortay in uu samayn doono dawlad kooban isla markaana uu dad aqoon leh u xulayo, ayaa maanta ku dhawaaqay dawladiisa, hasa yeeshee waxay dowladaasi noqotay mid dadka intiisa badan ka yaabisay.

Hadaba hadii aynu eegno dawladii ugu horaysay ee uu ku dhawaaqay Axmed Siilaanyo waxay noqotay mid ka kooban labaatan wasiir, taas oo ka badan intii loo soo jeediyay iyo intii laga filayay, waxa muuqata in sidii balan qaadku ahaa isla markaana beelaha Somaliland ku wada qanci lahaayeen uu ka talaabsaday, oo uu ka door biday inuu doorto ama xusho dawlad, ka badan talooyinkii la siiyay iyo wixii uu balan qaaday.

More

KHIYAMADI SAYLICI IYO SILYAANYO IYO SAFARTIDII CEEBLA CALI DAUD

SILAANYO IYO SAYLICI WAY NA KHIYAAMEEYEN ILAHAY HA KHIYAAMEEYE WAXAN U SOO TOOSAY 3 HABEENIMO MAGALADA BORAMA O WADA HURUDA SI AAN UGU CODEEYO XISBIGA KULMIYE.  WAXAN KA SOO KALAHAY UBADKAYGII IYO NINKAYGII SI AAN CODKAYGA WAX WANAGSAN DADKAYGA IYO DALKAYGA UGU KEENO.ISBEDEL  SIYAASADEED OO WANAGSAN AYAY NO BAALAN QADEN, WANAAG IYO WALAL TINIMO AYAY NO BALAN QADEN, JIDKA BORAMA IYO DILA OOY DHISAN BAY NO BALAANQADEN, IN DAWLAD TAYO LEH OO TII RAYALE DHANTA LA DHISO AYAY NO BALAN QADEN. LAKINSE MANTA WAXA CADAATAY INAY KHIYAAMO QARAN IYO MID BANI ADAM NIMO NAGU SAMEEYEEN.ABAALKAYAGU MU AHAYN SIDAN MANAN FILAYNIN INAAN DHABAR JABIN INTANI LEEG LANAGU SAMAYN DOONO.LAKIN WA CASHAR LA BARTAY LAGANA KABAN KARO.

More

July 28, 2010

Liiska Golaha Wasiirada Xukuumadda Madaaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo/

Hargeysa (Harowo) - Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, ayaa maanta soo saaray xubnaha uu ka koobnaan doono Golihiisa Wasiiraddu, kuwaas oo ka kooban 20 wasiir iyo 6 kale oo lagu sheegay Wasiiro ku xigeeno.

Hadaba liiska Golihiisa Wasiiraddu waxay yihiin kuwan:

1.      Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar

2.      Wasiirka Arrimaha Gudaha: Dr Maxamed Cabdi Gaboose

3.      Wasaaradda Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi More

Somaliland: A Peaceful Transfer Of Power - Ahmed Kheyre

Somaliland has peacefully inaugurated its 4th President, and the second directly elected President since the restoration of sovereignty in 1991. After a free and fair election on the 26th of June, 50 years after Somaliland independence from the United Kingdom, Somaliland has once again successfully transferred power from one elected President Dahir Riyale Kahin to another President Ahmed Mohamed Mohamud. More

Halkan Ka Dhegayso Khudbadihii Madaxweyne Rayaale Iyo Madaxweyne Siilaanyo Ee Xil-wareejintii Madaxtooyadda Maanta.

Hargeysa (Harowo) - Waxa maanta magaaladda Hargeysa ka qabsoontay xaflad balaadhan oo ay xilka kula kala wareegayeen, Madaxweynaha La Doortay iyo Madaxweynihii hore Ee Somaliland Md. Axmed MAxamed MAxamuud (Siilaanyo) iyo Md. Daahir Rayaale Kaahin, xafladan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka kala socday dalalka Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo Marti Sharaf kala duwan.

Hadaba markii la dhaariyay Madaxweynaha Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Cusub Waxa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Madaxweynaha xilka Wareejiyay Mudane Daahir Rayaale Kaahin, sidoo kale waxa isna hadal mahadnaq u badan isna jeediyay madaxweynaha Xilka La wareegay Md. Axmed Maxmed Maxmuud (Siilaanyo) Hadaba hoos ka dhegayso hadaladii labada madaxweyne oo ahaa kuwo qiiro, dardaaran, mahadnaq iyo hogo tusaalayn isugu jiray.

Get Flash to see this player.

July 27, 2010

Guddidii Ilaalinta Hantida Qaranka Oo Ka Baaqday Inay Soo Bandhigaan Warbixintii Laga Sugayay Kaddib Markii Xubno Ka Mid Ah Lagu Eedeeyey Musuq Maasuq

promises Hargeysa (Haatuf) - Guddidii ilaalinta hantida qaranka xiliga kala guurka ee madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu bishan horaanteedii magacaabay ayaa ka baaqsaday inay maalintii shalay soo bandhigaan warbixintii laga sugayay siday hore u balan qaadeen.

More

Dhanxiir iyo Wefitga Jabuuti

Maansha Allaah; reer Jabuuti way isgalaaleen; kalhadii ay wefti qiimo leh u soo direen xaflada xilwareejinta labada madaxweyne oo waliba wasiirkoodii hoggaaminayey Hargeysa kaga dhex dhawaaqay in doorashadii Somaliland cashar u tahay Afrika iyo caalamkaba, isaga oo yidhi; ‘Yaakhii habeen iyo dharaarba waan idiin soo jeednay xiligii doorashada.’

More

Wafdigii Ka Socday Dalka Djibouti Oo la Kulmay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Iyo Wixii Lagu Wada Hadlay

Hargeysa (Harowo) - Wafdigii ka socday Dalka Djibouti ee uu hogaaminayay Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka ee dalkaasi ayaa maanta kulan xarunta madaxtooyada kula yeeshay madaxweynaha xilka wareejinaya ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin. Kulankaas oo madaxa wafdigu ka sheegay waxyaabo badan oo uu kaga hadlayo arimaha Somaliland gaar ahaan guulaha ay gaadhay iyo horumarka uu Madaxweyne Rayaale intii xilka uu hayay uu gaadhsiiyay, isagoo sheegay in Md. Rayaale waligii ahaan doono madaxweyne aan dhicin, oo sumcad iyo qadarin ku leh, Somaliland iyo inta jecel dumuqraadiyada ee dunidda ku dhaqan, hoos ka dhegayso, guud ahaan kulankaas, hadaladii wasiirka reer Jabuuti iyo madaxweyne Rayaale.

Get Flash to see this player.

Madaxweynaha La Doortay Md. Siilaanyo oo La Kulmay Wafdigii Ka Socday Dalka Djibouti

Hargeysa (Harowo) - Wafdigii ka socday dalka Jabuuti ee u yimi inay ka qayb galaan xaflada xil wareejinta labadda Madaxweyne ee Somaliland ayaa maanta kulan aqalkiisa kula yeeshay Madaxweynaha dhawaan Somaliland loo doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hadaba hoos ka dhegayso wixii kulankaa lagaga wada hadlay.

Get Flash to see this player.

July 26, 2010

Hoos Ka Dhegeyso Warbixin Ku Saabsan Siyaasiin, Waxgarad, Salaadiin Iyo Shakhsiyaad Ganacsato ah oo dhamaantood Ka Soo Jeeda Beelihii Aadka U Taageeri Jiray Madaxweyne Rayaale Iyo Xukuumadiisa oo Hadda Qarka U Saaran Inay Si Buuxda Ugu Biiraan Xukuumadda Cusub Iyo Xisbiga Kulmiye - By Weriye Maxamed Cumar Hyena

Get Flash to see this player.

Africa’s Year of Elections: Africa is in the throes of election fever. But more voting does not necessarily mean more democracy. In fact, African dictators are getting better at rigging elections.

BURUNDI has just had one, as has Guinea. That came hot on the heels of the semi-autonomous region of Somaliland’s, which followed Ethiopia’s. Rwanda is bracing itself for one at the beginning of next month, and after that Tanzania, Chad and several others are due to follow. By the end of December a score of sub-Saharan Africa’s 48 countries should have gone to the polls for an assortment of local, regional and national elections. Kenya is also holding a vital constitutional referendum on August 4th. This is a big year for African voters. The electoral calendar has never been so crowded.

More

u_2d_2009-4-29-1241018944 Hargeysa, (Harowo) - Wafdi balaadhan oo uu hor kacayo wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka ee jamhuuriyadda Djibouti ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaana si diiran madaarka magaaladda Hargeysa ugu soo dhaweeyay, wasiirka arimaha dibadda Md. C/laahi Maxamed Ducaale iyo masuuliyiin uu hor kacayo, salaadiin, aqoon yahano, iyo masuuliyiin axsaabta qaranka ka socda. Hadaba wafdigaas, socdaalkooda, xubnaha ay ka kooban yihiin iyo hadaladii soo dhawaynta ee masuuliyiinta labada dal hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

Warbixintoodii, Guddidii Xilwareejinta oo Kala Yaacday iyo Guddidii Ka Talo-bixinta Xukuumadda Cusub oo Laga Dayrinayo Taladoodii.

Hargeysa (Waaheen) Guddiyadii uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Axmed Siilaanyo ayaa la sheegayaa inay hawlahoodii istaageen kadib markii ay cabashooyin ka yimaadeen hawlgaladoodii, qaarna ay garanwaayeen waxay qabtaan, halka qaarna laga dayrinayo in la qaadanayo talooyinkodii. Sida ay wararku sheegayaan Axmed Siilaanyo ayaa joojiyey hawlgaladii iyo warbixintii ay soo saari lahaayeen gudida Illaalinta Hantida ee uu hore u magacaabay, kadib markii loo doortay madaxtinimada.

More

“Waxaan Ugu Baaqaynaa Shacbiga, Ganacsata, Qurba-jooga Inay Si Mug Leh uga Qayb Qaataan Wajiga Labaad Ee Dhismaha Wadada Camuud/Dilla ilaa Boorama” Maxamed Cali Cismaan.

Boorama (Harowo) - Xoghayaha Guud ee Hay’adda horumarinta wadooyinka Awdal Iyo Selel, (ASARDA) Maxamed Cali Cismaan ayaa warsaxaafadeed uu maalintii shalay ka soo saaray magaaladda Boorama kaga hadlay, dhamaystirka wajigii koowaad ee jidka isku xidha Camuud/Dilla ilaa Boorama, kaas oo sida uu sheegay ahaa mid tijaabo ah, laguna muujinayay sida loo hir galin karo, mashruucan iyo kuwo kale oo ka balaadhan.

More

Login