January 27, 2012

Wararka ka Imanaya JIIDDA HORE Dagaalka ee Qori-Lugud

Sida laga dheehan karo shabakadaha wararka ee Horufadhi, AllSSC, SSCNEWS, MidnimadaSSC, Widhwidh online iyo qaar kaloo badan, wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee sooljoogto oo Buuhoodle u jirta ilaa 25 Km ayaa sheegaya in sadex (3) gaadhi oo tikniko ah iyo gaadhi weyn oo sida saanad ciidan laga qabsaday ciidamadii gardaroda ku soo doontay ciidamada xaq u dirirka ah ee khaatumo state of somaliya.

warku wuxuu intaa ku datrayaa in la jebiyey ciidamaii SNM aan laga hadhin lana daba socdo ilaa laga safeeyo xuduudaha khaatumi state. Hadda waxay sii gelayaan ciidamada xaq u dirirka ah ee khaatumo state magaalada qorulugud oo laga soo abaabulo duulaanka.

Dagaalka ayaa ku bilawday kaddib markii ay malleeshiyaadka SNM soo qaadeen weerar ay damacsanaayeen inay ku carqaladeeyaan wafdi heer qaran ah oo ka kooban madaxda sare ee Khaatumo State of Somalia oo soo gaadhay magaalada Buuhoodle oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Dagaalkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaare faro badan oo isugu jira naf iyo maalba, waxaana lagaga qabtay jabhadda beesha duullaanka ah gaadiid dagaal iyo mid xammuul iyo weliba tiro maxaabiis ah oo la sheegayo inay ku jiraan laba sarkaal oo u dhashay beelaha Togdheer iyo waqooyi Galbeed.

Halkan hoose riix si aad u daawato gaadhi weyn oo saanad sida laga qabsaday beesha soo duushay ee SNM kaasoo ka mid gaadiidka maanta January 26. 2012 lagu qabsaday jiidda dagaalka.

Login