January 27, 2012

Reer Kulmiye Ma Mucaaradnimada Ayay Ku Wanaagsanaayeen?

Boorama (Harowo) - Sida la ogyahay sideed ama sagaal sanokudhawaad kaddib waxa dalka ka dhacay isbeddel ku yimi tartan iyo loollan adag oo muddo dheer u dhexeeyey saddex xisbi oo loo yaqaannay inay ahaayeen ama yihiin xisbviyada Qaranka, kuwaasoo kala ahaa UDUB ,UCID iyo Kulmiye.

Isbeddelkan ayaa sidoo kale ku yimi galaalgal,aftahannimo, dhaqaale, waddaninimo iyo ballanqaadyo run iyo been midkaty doonaanba ha ahaadeene la dhegeysan jiray waagii ololaha siyaasadeed oo ka socday dalka .

Cid kastoo dalka joogtay waxay ogtahay sida xisbulxaakimka eegga ee KuLMIYE uu xisbiyadaa kale ugaga hormarayey dhinacyada kicinta dadweynaha, beelaha, madaxdhaqameedyada iyo siyaasiyiintii waagaa xitaa haddii ay ahaayeen kuwii dalka xukumayey.

Sidoo kale ayaa cid kasta dalka joogtay waagaasi la socotay heesihii, suugaantii, gabayadii, buraanburkii iyo ereyadii kasoo baxayey taageerayaashii iyo masuulyiintii xisbiga KuLMIYE ,si ay u hantaan quluubta dadkii dhibaatada ka sheegan jiray maamulkii UDUB iyo kuwii danaha gaarka ah lahaa ee xisbiyadaasi kula socday wejiyada kala duwan.

Xisbulxaakimka eegga ayaa marmarka qaarkood si wadanninimo ku dheehantahay shacbiga ugu dhaqaajin jiray xukuumaddii rayaale, isagoo adeeggsanayey magaca SNM,magaca qaybo ka amid ah dadweynaha oo dulmi tirsan jiray iyo xitaa magaca waddaniyiinta soomaaliland isagoo ka duulayey arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha nabadgelyada, xidhiidhka debedda iyo xuquuqda aadamaha,madaxbannaanida saxaafadda, shaqo la’aantii iyo arrimo kale oo dadkii waagaa dalka ku noolaa ka kasbaday inay codkooda siiyaan xisbulxaakimka eegga.

Waxa loo mudaaharaaday arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen dastuurka oo lagu
gfay, golayaasha oo weerar lagu qaaday, shuruucda dalka oo lagu gefey, qarannimada oo meel lagaga dhacay, ammaanka oo la hanan waayey iyo shakhsiyadda guddoomiyihii waagaa ee xisbiga KuLMIYE ,maantana ah madaxweynaha dalka oo lagu gefey marwadiisa, amnigiisa siyaasiyiintiisa iyo taageerayaashiisaba.

Haddaba, markaad eegto sida uu u socday ololihgii xisbiga Kulmiye ku qabsaday hogaanka dalka isla markaana dadweynaha soomaaliland badankoodu ku siiyeen codkoodii qaaliga ahaa, ayaa cid kastaa ka marag kacaysay in ololaha kulmiye ahaa mid ay ku dheehnayd waddaninimo laga filayey inuu wax ka beddelo nidaamkii waagaa jiray ee uu kala wareegay xukunka dalka.

Guud ahaan arrimaha an kasoao sheegnay mucaaradmnimadii xisbiga KuLMIYE ayaa lagu sifeyn karayey, mid heer caalami ah isla markaana uu ku ilaalin jiray xuquuqdiisa ,dastuurka dalka, xuquuqda muwaaadiniinta, taageerayaashsii cid kastaana iska aamintay in Kulmiyehaddii uu xukunka dalka qabto kaga dhaayn doono ballanqaadyadiisii waagaasi.

Maxaa ka dambeeyey ,18 bilood kaddib uu xukunka dalka la wareegay xisbul xaakimka wakhtigani, waxa markiiba kala furtay xisbigaasi, oo raggii ugu sarsareeyeyn qaarkood albaabka laga saaray, kuwa an la ogeyn meel ay ku maqnaayeenna lagu darsaday liiska golihii wasiirada ee ugu horreeyey ee madaxweyne siilaanyo magacaabay, taasina waxay keentay in markiiba xisbigaasi dhexdiisa ka abuuray mucaarad iyo muxaafid.

Waxa soo baxay maamul ku salaysan mucaradnacayb,saxaafad nacayb, gobol nacayb, siyaasi nacayb kuwaasoo dhammaantood sababay tafaraaruq ku yimaadda siyaasiyiintii, taageerayaashii iyo baayacmushtarkii usoo wada halgantay guusha xisbigaasi ilaa maantana xaalka hoggaankaasi marayo inay iska horyimaaddaan madaxweynihii dalka iyo madaxweyne kuxigeenksii, taasoon an abid ka dhicin dalka hoggaankiisa.

Waxa soo baxay rag an waayo aragnimo maamul u lahayn dalka oo candadawlaya beelihii, xafiisyadii, wasaaradadihii iyo meel kasta oo loogu dhawaan karayo kursiga madaxtooyada.

Waxa maalin walba laga hadlaa siyaasaddii debedda, ammaankii gudaha,  dhaqaalihii dadka u dhexeeyey ee la wada masaariifaysanayey,dagaal saxaafadeed oo maalin walba jooga iyo qaylodhaan abaareed iyo mid kaleba oo an wax caynkaas ah lagaga helin caalamka.

Waxa soao baxay dad an waxba loo diran jirin oo xilal laga safay, meeshana laga saaray maskaxdii dalkan iyo dadkan hore ugasii wadi lahayd halkii ay joogeen 18 bilood ka hor. Mashaariicda imika la sheegtaa waa kuwii ay ka shaqaysay dawladdii hore badankoodii wakhtigii xilka xisbiga UDUBna ka dhacay.

Iskusoo wada duuboo cid kasta oo reer soomaaliland ahi waay garanaysaa in xisbigii Kulmiye ku fashilmay dawladnimadii, balse uu weli ku wanaagsanyahay mucaaradnimadii, sabatoo ah waamarmarka qaarkood u qaaddanaysaa inaan xisbigani weli aaminsanayn inuu yahay xisbulxaakimkii dalka, mucaarad iyo muxaafidna xuquuqdooda xil ka saaranyahay.

Maxamed Cumar  -  Hyena

Harowo.com, Boorama

Login