January 25, 2012

Shimbir Cawradeed Ka Qariso Iyo Qudhaanjo Iska Dhawr, Qeybtii 2aad.

suldaan-small1 Abwaan Xasan Sheekh Muumin AUN waxa uu ahaa shakhsi aragti fog oo marka aad la kulanto kaaga sheekeynaya taariikho waa weyn oo dadyowga dunidan ku nool iyo ummadda soomaaliyeedba soo marey, waxaana hubaal ah haddii aad shan daqiiqo la fadhiisato inaad ka faa,iideyso wax fara badan oo fahanka noloshaada ka dhimman, sidaas darteed baa abwaanku intii aan afar geeb oo shaaha afka ku hayney nagu maaweelinayey murti iyo madadaalo macaan oo marba jiho gaara milicsaneysa.

Sidii ay dhagaha maqalku u macaansanayeen haasaawaha abwaanka ayaa albaabka makhaayada waxa ka soo galey nin soomaali ah, salaan gaaban ka dib waxa uu soo kor joogsadey miiskii afartayada isla socotey fadhidey wuxuuna abwaanka ku yidhi “Xasanow adeer waxaan garaadeystey adigoo hees iyo haasaawe ruwaayadeed ku dhex jiree maxaa kuu diidey in aad u jeedsato dhanka uu jiro digriga Rabbi?”.

Inkasta oo abwaanku ninkan la hadlaya aqoon soomaalinimada dhaafsan u lahayn hadana sheekadan gaaban ayaa abwaanka iyo ninkii dhex martey, taas oo bilowgeedu bar tilmaamsadey abwaanka oo gacanta galiyey jeebad ballaadhan oo ku taaley koodh weyn oo uu ka sitey qabow dhacaya, dabadeedna waxa uu abwaanku soo saarey Kitaab Musxaf ah oo midabka galkiisa sare uu yahay buluug, ka dibna ninkii su,aasha weydiiyey ayuu ku yidhi “Adeer kani waa maxey?”.

Ninkii: Waa kitaab Quraana.

Abwaan Xasan: Adeer horta barasho wanaagsan, sidda maankaagu garanayo misana magaca aabahey ka muuqata waxaa i dhaley Sheekh Muumin oo Ilaahey naxariistii jano ha ka waraabiyee yaraanteydii si wanaagsan iigu soo barbaariyey barashada diinta Islaamka, waadigaa indhahaaga ku arkaya kitaabka quraanka ee aan wehelnimo diineed iyo digri Rabbi u sito, wuxuuna abwaanku intaas ku darey dee adeer anigu wakhtigaan haleelaba kitaabkan quraanka ah baan akhriyaaye adigu bal waxaad igu dhaanto dhinaca barashada diinta Islaamka soo daa!!!

Ninkii: Adeer iga raali ahow waan kaftamayee.

Abwaan Xasan: Adeer magacaa?

Ninkii: Farxaan.

Abwaan Xasan: Ayaa kuu bixiyey?

Ninkii: Hooyadey Macaan.

Abwaan Xasan: Adeer hooyadaa meel bey kaaga dhacdee waxey aheyd in ay kuu bixiso Faarax.

Ninkii oo yaaban: “Oo waayo adeer”?.

Abwaan Xasan: Adeer iga raali ahow aniguna waan kula kaftamayaaye.

Ninkii: Inta uu qosol ku dhuftey ayuu u dhaqaaqey dhinaca makhalka lacagta iyo daaqada dalabka cuntada ee makhaayada.

Arrintani waxey abwaan Xasan Sheekh Muumin AUN dib u xusuusisey sheeko uu wakhti hore curiyey oo la xidhiidha su,aasha uu ninkaasi abwaanka weydiiyey subaxaas, hadaba abwaanka oo sheekadaas nooga mudaakaroonaya waxa uu saddexdayadii la socotey ku yidhi “Horaantii sagaashameeyadii ee aan gacanta ku hayey kooxdii Awdal Band ayaa wakhti salaadii duhur aan ka soo baxey oo aan fadhiyo barxada makhaayad ku taaley maxkamada degmada Borama horteeda ayaa nin wadaad ah inta uu makarafoonka masjid Harawo qabsadey ku khudbadeeyey Xasan Sheekh Muumin waa murtad magaalada heeso iyo ruwaayado ku fasahaadinaya.

Sheekadaasi markii ay i soo gaadhey waxa aan wareystey dadkii dhageysanayey khudbada wadaadka si aan u ogaado in uu sheekhu ka mid yahay culumaa,udiinka waa weyn ee reer Awdal iyo in uu ka mid yahay kuwan dambe ee iyaga oo aan xadiis arbiciinka dhaafin isku dirqinaya in ay ka jawaabaan afarta mad-habood ee diinta Islaamka.

Markii aan ogaadey in uu wadaadka i radiyey ka mid yahay culumada dambe ee xarakada Itixaad la baxdey isla markaana aan soo xaqiijiyey in uu ka mid ahaa rag shifto ah oo dumarka ku dhici jirey inta u dhaxeysa degaanada Sheed dheer, Xasaadin, Subulaha iyo Awbare kuwaasi oo immika inta ay gadh weyn la baxeen surwaalkana gaabsadey ayaa waxaan habeenimadii curiyey sheekada caan baxdey ee la yidhaahdo Shimbir cawradeed ka qariso iyo Qudhaanjo iska dhawr.

Hadaba abwaanka oo sheekadaas nooga waramaya waxa uu ku bilaabey “Nin cilmi dhagoodka caalim ku ahaa ayaa guursadey gabadh uu dunteeda ku tuhmayey diin dhameystiran, dadnimo wanaagsan iyo dabeecad fiican, ninkii iyo naagtii markii ay guri galeen..?

suldaan

La soco qeybta saddexaad…..

Abdirisaaq Mohamed Barkhad

Email: rasiiqi07@hotmail.com

Login