January 25, 2012
Labo Nin oo Aqoonyahan ah, Kana Mid ah Qurbajooga Awdal, oo Lagu Dili Gaadhay Kantrool Ku Yaal Bariga Magaalada Gebilay
Boorama (Harowo) - Laba xubnood oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada qurbajoogga Reer Awdal, ayaa dhawaanta dirqi ka badbaaday dil loogu geysan lahaa bar kaantarool oo dawladdu Somaliland ku leedahay bariga magaalada Gebilay. Labada Nin, ayaa ciidankii kantaroolka Joogay katiinad ku xidheen, in mudo ahna geed hoostii lagu ilaalinayay iyaga oo la rabay markuu habeenku galo in la khaarijiyo sidii kuwii hore.
laba xubnood oo ka mid ah qurbajoogga Reer Awdal, magacoodana la kala yidhaa Cilmi Mamuud Nuur iyo nin kale oo la yidhaahdo Ina Aamin Aare, oo jimcihii horena u safrayey mgaalada Hargeysa, ayaa lagu joojiyey kaantaroolka Bari ee Gebilay, waxayna labada nin askartii dawladda ee Halkaa joogtay u sheegeen inay hawl ku degdegayaan, Hargeysa u socdaan.
Askartii kantroolka joogtay, ayaa labadii nin horey u fasixi waayay, kaddibna markii laga furi waayey isbaaradii ayay hadallo isweydaarsadeen askartii dawladda ee halkaa joogtay, hase yeeshee waxa markiiba cadhooday ciidankii meeshaa isbaaradu u taallay, waxayna labadaa aqoonyahanba ku amreen inay kasoo degaan gaadhigooda, iyadoo loogu hanjabay hadii ay is dhaqaajiyaan ama gaadhigooda dhaqaajiyaan in la toogan doono.
Dad goobjoog ka ahaa dhacdadan, kunasoo socday Boorama, ayaa ii sheegay in labadaa nin markiiba lagu xidhay katiinado, lana fadhiisyey geed hoostii ilaa gabbalkii ka dhacayey.
Aakhirataankiina wasiirka qorsheynta soomaaliland, kanasoo jeeda gobolka sanaag, oo ay kala shaqaynayeen mashaariicda wasaaraddaasi wado, ayaa dirqi kaga furfuray gacantii ciidankii halkaa ku haystay.
Cilmi Maxamuud Nuur, kanasoo jeeda beelaha J/yoonis (Reer Axamad), ayaa ka tirsan masuulyiinta urursiyaasadeedka Horyaal. Ninka kale, ayaa isaguna sida la sheegay ka soo jeeda beesha Reer Maxamuud Nuur. Laba nin oo in mudo ahba ku sugnaa magaalada Hargeysa, ayaa waxay dhibaatada loo geystay dad badan soo xusuusisay ragii lagu laayay Kalabaydhka iyo dilkii Saameel oo weli Reer Awdal qaybo ka tirsani sii xuuusanyihiin foolxumadiisii.
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama
