January 25, 2012

Faallo: Masuuliinta Iyo Shaqaalaha Xukuumada Siilaanyo Kaga Jira Beelaha JIbriil Yoonis, oo Noqday Kuwo Loo Adeegsado, Basaasnimo Iyo Cadaadiska Beelaha ay Ka Soo jeedaan.

Boorama (Harowo) - Waxan dhawr jeer kasoo hadallay dhibaatooyinka, cadaadiska iyo aargoosiga beelaha taageeri jiray xisbiga Kulmiye, haatanna haysta xukunka dalku ku hayaan dadkii ama shacbigii taageeri jiray xisbiga UDUB ee xukunka dalka lagaga wareegay.

Waxan horey u sheegnay oo kale in 18kii bilood ee xukunka dalka  ay haysteen beelaha taageera xukuumadda Siilaanyo oo kala ah beelaha Maxamed Case iyo H/cafaan isku dayeen inay beelaha J/yoonis ama Makaahiil aamusiiyaan, isla markaana ka sifeeyaan hay’adaha dawladda ee ay mushaarka hoose ka qaadan jireen, waxayna beelahaasi ku guuleysteen inay meel kasta oo ay is leeyihiin danbaa idiinku jirta ka saaraan beelahaasi, kuna guuleysteen inay gacanta ku dhigaan jeelasha, maxkamadaha iyo maamulka ciidamada kala duwan ee ka hawlgala magaalada, iyagoo dhinaca kalena xukuumadda sare ku martigeliyey ama xilal ka siiyey cid kastoo ay isleeyihiin way ka qayb qaadan karaan ololaha lagu cabudhinayo beelaha uu kasoo jeeday madaxweynihii hore.

Hase yeeshee, markaad eegto sida hawsha lagaga aargudanayo beelahaasoo u socoto, ayaad mooddaa in dadka loo tirinayo xukunka dalku anay dhab ahaan ka qayb qaadana tallaabooyinka fooshaxun ee lagula kaco dadka kasoo horjeeda nidaamka Saylci iyo Siilaanyo, inta badanna loo maro xubnaha beelaha makaahiil ama J/yoonis kaga jira  maamaulka dalka.

Tusaale ahaan 18kii bilood ee xukunka dalku gacanta ugu jiray beelahaasi  waxay ku tababarteen sida loo adeegsado xubnaha maamulkii hore ee dalka kaga jira maamulka eegga, hadday yihiin masuulyiin sarsare, hadday yihiin waashmaanno, hadday ciidamada kala duwan yihiin iyo haddii ay yihiin shaqaale caadi ah oo qaarkood anu mushaarkoodu ka badnayn 20 doolar bishii.

Inkastoo anu maanta jirin nin ka tirsan beelihii loo tirinayey xukunka dalka oo meel fiican kaga jira ciidamada dalka ee lagu cabudhiyo dadka kasoo horjeeda taliska maanta, marka laga reebo nin Hargeysa jooga oo xukuma gaadiika dawladdu u adeegsato qabqabshada dadka, ayaad mooddaa in
shaqaalaha, masuulyiinta iyo ciidamada kaga jira xukuumaddu u egyihiin kuwa  mansabka ay haystaan raalli ku ah, una haysta inay kaga badbaadayaan belaayo
kasta oo kaga iman karta xukuumadda, isla markaana aaminsan inay shaqooyinkaasi daciifka waayayaan haddii ay dhibaatayn waayaan dadkii ama beelihii ay ka tirsanaayeen.

Wejiyada kal duwan ee ay ku shaqaystaan ayaa waxa ka mid ah in mar kasta oo taliska Booliska looga yeedho cid ka tirsan beelaha J/yoonis loo diro cid iyaga ka mid ah, halka kuwa soo diraya ee ka  sarreeyaayi ay daaha dabadiisa ku jiraan.

Waxa shakhsiyaadkaasi iyagoo shicib ah loo diraa hawlo basaasnimo oo ay
ku dabageli karaan qaraabadooda gar iyo gardaraba laga doonayo meelaha dadka lagu xidho, waxa iyagoo sita direyska ciidamada taraafikada la shaqeeyaan  laamaha kala duwan ee ciidamada sida C.I.Dda, dabagalka, nabadsugidda, cashuur qaadista, cashuur bixinta, qaadhaanka iwm, inta  badanna tilmaama meelaha laga heli karo nin kasta oo J/yoonis ah oo ay isqabtaan maamulka gobolka, degmada iyo xukuumadda sareba.

Waxay ciidamada beelaha kale kaga horreeyaan ama kaga dhiirran yihiin sidii ay maamulka jira ugusoo gacangelin lahaayeen cid kastoo ka tirsan beelaha xukunka haysta ee ay isqabtaan xubno ka tirsan beelihii reer Awdal ee loo tirinayey xukuumaddii hore, iyagoo aaminsan in haddii ay sidaa samayn waayaan anu taliska maantu arki karayn daacadnimadooda iyo daacadnimo la’aanta  dawladda, iyagoo an inta badanna falalkaasi ku helin wax abaalmarin ah ama dalacaad ah, balse ay ka tahay uun damiir xumo, cabsi iyo iyagoo an aaminsanayn in Ilaahay arsaaqi karo haddii ay ka tegaan shaqooyinka hoose ee ay u hayaan maamulka maanta.

Mansabyada inta badan ay dadkaasi Boorama ka hayaan, ayaa u badan kuxigeenno iyo maamulayaasha meelo an nafci caynkaas ah u lahayn noloshooda.

Ugu dambayntiina beelaha xukunka haysta dhibaatadooda waxa ka xun dhibaatada xubnaha beelaha J/yoonis kaga jira xukuumadda Siilaanyo, sidaa darteedna u baahan in loo sheego inaan la joogin wakhtigii basaasnimada reerkaaga guulo lagu gaadhayey, loona baahanyahay in inta goori goor tahay ka tanaasulaan shaqooyinka xunxun ee shakhsiyaadka anay ku daafacayn magaca beelaha ay kasoo jeedaan, balse ku dhibaataynayaan, loona sheego in taarrikhdu sheegi doonto haybtooda iyo waxay geysteen.

Maxamed Cumar  -  Hyena

Harowo.com, Boorama

Login