January 25, 2012
Faallo: Maxaa Lagu Sifayn Karaa Xukuumada Siilaanyo Iyo Xisgigeeda Kulmiye ee Cadaawad Siyaasadeed Darteed Shaqo Ugu Diiday Haweenay Reer Awdal?
Boorama (Harowo) - Wax badan ayaa wakhtigii ololaha siyaasadeed la odhan jiray kolleyba Kulmiye wuu ka darraan doonaa xukuumadda UDUB, wax badan ayaa la alahaa Kulmiye, ayaa “caddaalad keeni, maayee wax kale ayuu keeni doonaa hadii uu ku guuleysto doorashooyinkii dhacay”. Wax badan ayaa la odhan jiray kulmiye iyo dawladdiisuba dalkan waxay ka bilaabi doonaan qabyaald gobolaysi, caddaaladxumo iyo diktaytarnimo hadii uu ku guuleysto
doorashooyinkii dhacay ee keenay kursiga.
Talooyinkaasi iyo waanooyinkaasi waxay nasiibdarro ku dhacayeen dhegaha dad an ogeyn ama an aqoon u lahayn siyaasadda kulmiye, waxana soo baxay wixii waagaa laga dardaarmay oo maanta ciddii loo sheegay codkana siisay anay ka
calaacali karin.
Sidaasoo kale ayaa waagaa loo calaacalay ama laga mudaaharaaday dulmi lagu sameeyery marwadiisa oo loogu diiday shaqo hay’adeed oo ay xaq u lahayd dulmigaasoo qayb ka noqqday ololihii siyaasadeed ee kursiga ka tuuray dawladdii UDUB. Wax kastaba soo dhaaf, waxa maanta socda qarankii soomaaliland oo loo welwelsanyahay iyo arrimo an ku wanaagsanayn dhaqanka soomaaliyeed iyo dawladnimada an sheeganaynno.
Taasoo tusaale loosoo qaadan karo haweenay kasoo jeedda gobolka awdal oo dawladdii iyo xisbigii Kumiyeba ku ballameen inay dagaal siyaasadeed iyo takoorid kala hortegaan, lana duudsiyo xuquuq kasta oo ay dalka ku lahayd markaana laga duudsiyo wax kasta oo xuquuq ah oo ay dalka ku leedahay.
Bil ku dhawaad ka hor, ayaa qoraal kasoo baxay aqalka madaxtooyada shaqa xisaabiye loogu magacaabay haweenay dhalasho ahaan kasooa jeedda G/Awdal, balse degaan ahaan reer Hargeysa ah magaceedana la yidhaa Ismahaan Yuusuf Cali ,oo ahaan jirtay madaxa Xafiiska siyaasadda xisbiga UDUB ee xukuumaddii hore, horena uga tirsanaan jirtay shaqaalaha wasaaradaha kala duwan ee soomaaliland.
Afar casho kaddib ayaa mar kale qoraal kasoo baxay madaxtooyada shaqadaasi ama xilkaasi xisaabiye ee wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada shaqadaasi laga mastaafuriyey markii haweenaydaasi olole xoog lihi kaga yimi siyaasiyiinta Kulmiye oo rag iyo dumar, xildhibeenno iyo taageerayaal beeleysan oo kasoo jeeda haweenaydii xilkaasi hore uga haysan jirtay wasaaradda ciyaaraha, iyagoo siday haweenaydaasi warbaahinta qaarkood u sheegtay loogu itaal sheegtay xafiiskaasi, laguna sifeeyey” faqash “.
Waxa la is lahaa malaha xukuumaddu way qaldantaye way sixi doontaa oo haweenaydaasi xuquuqdeeda way soo celin doontaa, hase yeeshee bil kaddib haweenqaydaasi looma oggolaan inay ka ag wareegto wasaaradda ay horeba u shaqayn jirtay.
Waxay I*smahaan haysataa 12 carruur ah oo reer Hargeysa ah, mana haysato shaqo iyo dhaqaale ay kaga maaranto xafiiskan laga tukhaantukhiyey, sidaa darteed waxa arrintani noqotay aargoosigii dhinaca siyaasadda ee ugu adkaa ee xukuumadda silaanyo la beegsato dadkii hore uga tirsanaa xisbulxaakimkii hore , kanasoo jeeday gobolka Awdal.
Hadalhaynta arrintan weli taagan, aya dadweynaha magaaladu badi ku sifeeyeen mid ku salaysan cadaawad siyaasadeed, qabyaalad, gobolaysi iyo waxyaalo qarsoon.
Qaybo ka tirsan dadweynaha gobolka ama degaanka Boorama oo ay awalba isla ildarraayeen xukuumadda maanta, ayaa beryahan dambe dulmiga haweenaydaasi kaga yimi xukuumadda siilaanyo iyo kulmioyeba uga faaiideysta ololaha ka dhanka ah soomaaliland ee laga hadalhayo debedaha laga dhigtay sallaan loo fuulo awdalstate.
Ololaha qaar ka mid ah qurbajoogga reer Awdal ka wadaan debedaha, ayaa arrintan haweenaydani ka noqotay qayb iyo marmarsiiyo mucaaradka iyo caalamka lagu tuso sida xukuumadda soomaaliland ula macaamisho beelaha darifyada, shaqojoojinta haweenaydaasina ku tilmaamay sharci u yaalla xukumadda siilaanyo oo lagu sheegay inaan qof reer Awdal xil looga qaadi karin cid ka tirsan beelaha dhexe.
Si kastaba ha ahaatee arrinta haweenaydaasi ayaa mar kale kusoo noqonoqonaysa magaalada , isla markaana sii kicinaysa dareenada qaybo ka amid ah dadweynaha gobolka ,qurbajoogga iyo dad kale oo cadow ku ah soomaaliland, sidaa darteedna loo baahnaa in wakhti hore arrintan xukuumaddu iskasoo afjarto.
Inkastoo magacaabisteedu ahayd mid u wasiirka ciyaaruhu ku filaa, loona baahnayn in xil hoose madaxtooyada lagasoo magacaabo, waxa laga yaabaa in wararka xidhiidhaa arrinta haweenaydaasi sii xoojiso xidhiidhka an wanaagsanayn ee awalba u dhexeeyey dawladda siilaanyo iyo reer awdal, iskana horkeento masuulyiinta sarsare ee gobolkan kaga
jira xukuumadda Kulmiye.
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama
