December 31, 2011

Shabakadda Cusub ee SubulahaNews oo Durba Bilawday Tuuganimo

Kawnkan aynu ku Noolnahay Allaah (SW) Markii uu Abuuray, Waxkasta  oo ku dhex nool wuxuu illaahay Baray sidii uu u noolaan lahaa, Tusaale ahaan Xayawaanku marka uu dhasho isla markaaba wuxuu gartaa Naaska Hooyadii oo aan Cidi u tilmaanin, Aadanuhuna wuxuu ka mid yahay Xayawaankaas aan soo sheegayno waliba Bani’aadamka waxaa u dheer Caqli uu wax ku gart.

Ilaahay (SW) Ayaa ka doortay dhammaan Khalqiga kale, Goortii Illaahay Abuuray Nabi Aadam (CS), wuxuu baray Dhammaan Magacyadda sida ay Timaamayso Aayada (31aad, Suuradda Al-Baqra). Halkaas waxaad ka garanaysaa in Illaahay (SW)  aannu Kawnkan (Universe) iska Abuurin ee loo sameeyay shuruucdiisii iyo Qawaaniintiisii, Taasoo Dhammaanteed ku Jirta Kitaabka Qur’aanka ah.

Hadaba Banii’aadamku Isagoo ka Faa’iidaysanaya Garashadaas Illaahay (SW) ku Mannaystay, ayaa waxaynu Innagu nahay Dadka Aduunyada u Fadliga Badan Maadaama aynu nahay Dad Muslim ah, Waxkastana wuxuu inoo leeyahay laba waji, waji Fiican iyo waji xun, Sida Janno iyo Naar,Xaq iyo Xaqdarro, Been iyo Run…iwm. Iyadoo ay taasi Jirto ayaynu haddana waxaynu samaysannay Xeerar ina kala haga oo sii Bayaamiya Arrimaha aynu isku Qabano, Akhriste waxba yaanay Arartu ila durkine bal aan u daadago Ujeedada Maqaalkayga.

Waayadan waxaa ku soo batay Indhaheenna Mareego (websites)  cusub oo laga leeyahay Gobolkan Awdal, Kuwaas oo Qeybtood iska noqdaan meel uu Qofkastaaba wuxuu doono iska soo galiyo Isagoo aan Hubin warkaas Amaba waxaa uu ka soo Minguurinayaa Mareeg kale oo aan u Fasixin isagoo waliba magaca ka badalaya.

Saxaafaddu Gabi ahaan waxay leedahay Mabaadi’ (Principles) ay ku shaqayso, Haddii lagu dhaqmi waayana waxaa dhacaysa in wax kastaba Jaantaa rogan noqdaan. Waayadan waxay Mareegihii (websites) noqdeen Maqiixiyo ay wiilal yaryar iska Furtaan oo waliba wxay doonaan soo galayaan, iyagoo aan eegayn warkani ma runbaa mise waa been? yaa iska leh warkan Xuquuqdiisa? Haddii qof ama mareeg kale ku saxeexanyahay ma lagu xusay?.

Waxaynu in badan maqli jirnay Budhcad Badeed, Budhcad waddo, Balse waxaa imika soo baxday Mareeg cusub oo noqotay BUDHCAD SAXAAFADEED, Mareegtaas oo la yidhaahdo SUBULAHANEWS, waxay ku Caanbaxday Xatooyada wararka aanay lahayn,waxay u badheedhtay in ay iska qaataan Qoraallo,Muuqaallo(Videos), iyo Sawirro aanay lahayn, waxaa laga yaabaa warkaas qoraalkiisa ama sawirkaas qaaditaankiisa in uu qofkii iska lahaa kala kulmay dhibaato ayba dhici karto in uu Naftiisa Qaaliga ah Khatar u galiyay sidii uu Bulshada ugu soo bandhigi lahaa.

Budhcaddan Cusubina intay iska qaataan ayay waliba indha adaygooda ku soo dhajinayaan warkii oo laga badalay magacii qofka ama kii mareegta, waa Jariimo wayn (Big Crime) oo ay galayaan wiilashaas yar yare ee qalin ku dirirka ah, Intay Adduunyada  joogaan Haddii aanay Illaahay uga toobad keenin, waxaa  u danbysaa Maalinta Aakhiro, waayo waxaad tahay tuug, Tuuguna ma aha kan lacag ama Allaab xada oo kaliya ee waa kan xada wax qofkii lahaa aannu ogayn xataa may ahaato may ahaato XABBED HADHUUDH AH.

Hadaba, Akhristaw Qeybta 2aad ee Maqaalkeenna waxaan ku soo qaadan doonaa  inta Jeer ee ay wax ka soo xadeen Mareego kale ee waliba aanay siin Xuquuqdiisii (Copyright), Dhawaan filo Ujeedooyinka iyo  siro badan iyo waliba Shakhsiyaadka Mareegtan Daaha dabadiisa iyo Xagga horeba soo fadhiya.

Sulaymaan Baasha

Email: shawa999@hotmail.com

Login