December 31, 2011

Cali khaliif oo ay Ilaalinayaan Ciidamo Itoobiyaan ah, oo Lagu Soo Dhaweeyay Taleex

cali-khaliif Waaheen - Waxa shalay soo gaadhay magaaladda Taleex ee shirka Khaatumo2 ka furmayo maanta ilaa bari shan siyaasi oo uu hogaaminayo Cali Khaliif Galaydh oo ka soo kala jeeda Gobolada Sool iyo Buuhoodle kuwaasoo ay ilaalinayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo kaxeeyay gudaha Dalka Itoobiya, kana soo talaabiyay magaaladda War-dheer ee Kililka shanaad ee Itoobiya.

Siyaasiyiintan oo kala ah Cali Khaliif Galaydh, Wasiirkii hore ee warfaafinta Dawladda Sh shariif, C/kariin Cali Cumar, Cali Ciise Cabdi sarkaal ka tirsanaa Hay’adda IOM, Maxamed Buraale Faarax, Saleebaan Cabdi Ducaale ilaa hada Ujeedada Socdaalkooda iyo Qorshaha ay la maagan yihiin inay shirkaasi ka soo saaraan ma cada maadaama laga ilaaliyay Siyaasiyiinta Xilalka ka haya Somaliland iyo Puntland ee Beeshooda ka soo jeeda, kuwaasoo aanay ilaa hada cidi ka tagin shirkaasi.

Wararka aanu ka helayno Xukuumadda Somaliland ayaa sheegaya inaanay ilaa hada wax talaabo ah ka qaadin shirkaasi iyo kooxda wada hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan in uu Madaxweyne Siilaanyo shalay magacaabay Guddi ka soo talisa talaabada ay shirkaasi ka qaadan karto, inkastoo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu wax uga weydiino hadana noomay suurtogelin Telefoonada oo ay qaban waayeen.

Hase yeeshee su’aasha ugu weyn ee la isweydiinayaa waxay tahay xidhiidhka ka dhaxeeya Dawladda Itoobiya ooh awl fududayn iyo marinba u noqotay hawlaha iyo qaban qaabada Shirkaasi taasoo la hadal hayo xataa Ciidamo ay leedahay inay Ilaalinayaan Siyaasiyiinta Dalkeeda soo dhex maray ee shirkaasi ka qayb galaya.

Sidoo kale Dawladda Itoobiya ayaa kooxda 15-G ee waday qaban qaabada shirka Khaatumo2 kulan ugu qabatay magaaladda Addis ababa kaasoo lagu soo qorsheeyay qabsoomida shirkan iyo Nidaamka loo marayo, kuwaasoo markii danbe ka soo talaabay dhinaca Itoobiya Olole balaadhan oo shirkan loogu Gogol xaadhayana ka sameeyay jiida ay degto beesha Dhulbahante.

Talaabooyinkan isdaba jooga ah ee ka socda Taleex ee Somaliland kaga socda dhinaca Itoobiya ayaan la garanayn mawqifka ay Xukuumadda Somaliland ka taagan tahay, inkastoo shirkan oo wajigiisii koowaad lagu qabtay London la sheegay inay Dawladda Ingiriisku ku Lug lahayd isla markaana ay u soo wakiilatay dhamaystirkiisa Dawladda Itoobiya.

Waxa kale oo la hadal hayaa shirkan qaban qaabadiisa inay Lug weyn ku leeyihiin shirarka kale ee ay beesha Caalamku wado ee ay ku doonayso Somaliya inay ugu samayso Maamulo Beeleedyo lagu qayb qaybinayo Beelaha dega Somaliya si ay ugu samayso Maamul goboleedyo hoos yimaada Dawladda ku meel gaadhka ah ee ay Taageeraan kaasoo midhihiisa la geyn doono shirka ay Dawladda Ingiriisku horaanta sanadkan u qabanayso kooxaha Somaliya.

Arrintan oo ah dhacdadii ugu horeysay ee shisheeye ka fuliyo Gudaha Xuduuda Somaliland isla markaana lagu faragalinayo Qaranimada Dalkeeda oo ku soo beegantay xili uu talada Dalka hayo Siyaasi Ruug cadaa ah ayaa loo baahan yahay in uu mawqifkiisa ku aadan shirkan Ummadda u soo bandhigo. Si dareenka iyo Su’aalaha shirkan ka taagani meesha uga baxaan.

Source: Waaheen.com

Login