December 30, 2011
Oday Garbis: Bal ii Kala Sheega Maakhado Iyo Maxaa La Yidhi?
Waa Yaabe Horta Qolyahan Habar Cafaan Ma Waxay Noqdeen Gabrooyinkii la Odhan Jiray Dadka Ayay Galaan, Sowkuwan Reerkii Maxaad Case Uun Ka Dhex Qaylyaya!
Waayadanba Waxa dhegahayga Ka Batay Labo Magac Oon Hore u Maqli Jirin, Kuwaas oo Kala ah: Maakhado (H/cafaan) Iyo Maxaa La Yidhi (Maxaad Case).
Waar Bal Maxaa la Yidhi Gartaye, Maakhado Maxay Ahayd?
Waxa La ii Sheegay Inuu Eraygani Tilmaamayo Qof Khiiyaamda Ku Xeel Dheer, oo Surma Seegtada uu Dhigana, Lagu Uubto!
“Yaasiinka Iyo Tamaaraga, Burdaha Iyo Ala Caanka…..Walee Hadii la Isku Daro Digrigii Xertii Ula Madoow Iyo Kii Hagoogatada Ama Qabriga Laga Soo Faqo Islaantii Mako Khayre ee Mocoyda u Ahayd Ilmo Cabdi Lugweyne, ee Saarka Tumi Jirtay, Inaan Reerkan Habar Cafaan, Laga Saari Karayn Maxaad Case. Iyagoon War Isku Hayn Ayay Lafaha Iyo Dhuuxaba Ka Galeen!
Waxa Kaliya Een Isleeyahay Bal ha Lagu Dayo, Waa Iyaga oo Loola Cararo Xagaa Iyo Kililka Shanaad, oo Bilo Lagu Soo Dabiibo Mowlicii Xasan Gadiidshe, Xertii Falfaloos ee Lafaha Ridqi Jirtayna la Dul Keeno, Shaaha ha Ugu Daraane. Waana In Daahir Rayaalena Loogu Yeedhe si uu Ugu Sheego Inuu Hada Yahay Miskiin Qurbo Joog ah, Qasrigii Madaxtooyadana Waa Hore Ugu Dambaysay.”
Oday Garbis
