December 29, 2011
Waa Kuma Cumar Cabdi Lugweyne? Qaybtii 2aad
Waxay inoo joogtay Cabdi lugweyne oo Gogti kasoo guurey. Alle ha unaxariisto Cabdilugweyne wuxu soo degay Borama isagoo wata Cumar iyo labo caruura oo kale. Cabdi caruurtii wuxu ku daray isgoolka iyo malcaamada isaguna wuxu noqday kuwa xoolaha haraga ka saara.
Xaaji Cumar Cabdi Lugweyne, markii uu dugsigii sare dhamaystay wuxu noqday macalin. Wakhtigii uu macalinka ahaa isaga oo nin wayn ah wuxu faro xumeeyay gabar yar oo isgoolka dhigan jirtay.
Dawladiibaa xidhay, markiii xabsiga laga sii daayay wuxu u tahriibay Sucuudiga, oo uu deganaa nin ay xaga aabo ka walaalo yihiin oo director ka ahaa shirkada shidaalka dalka sucuudiga ee Aramco.
Cumar Cabdi Kugweyne, intii uu Sucuudiga joogay wuxu sameeyay falal aan caadi ahayn. Wuxu isku horqaawiyay “mudh iyo gacan” gabadh la qabay oo tolnimeeyo (H/cafaanimo) gurigeeda ugu marti qaaday.
Wuxu qabyaaladeeyay gabadho samaroon ah (Makaahiil) oo niman Habar Cafaan ahi qabeen,
Wuxu galay xabsiyo kala duwan isagoo loo haystay falal fool foolxun. oo ay kuwan iyo kuwo kaleba ka midyihiin. Kanadaa kasii daran oo aan waxbadan idiinka haynaa.
Arimahaas oo faah faahsan oo ay ka midyihiin gabadhii uu isku horqaawiyay iyo kuwo kaleba waan idiin soo gudbin doonaa. Balse Inta aynaan u galin Cumar Cabdi Lugweyne iyo arimihii uu Sucuudiga ka sameeyay, bal aan ku yara nasanno walaalkii Cali iyo halkii uu ku dambeeyay markii uu tolka (Gadabursi) inkaar ka furtay.
Cali waxa dhalay Isaaq, waxay xaga hooyo ka walaal ahaayeen caruur Sacad Muuse ah oo aabahood lahaa Taabiciyad, isagana waxa lagu daray caruurta uu dhalay odayga Sacad Muuse.
Cali wuxu diiday qaadhaankii tolka tiraba labo jeer, odayadii Samaroon ee baahada usoo doonay wuxu ku yidhi ” yaa idinku yidhi waa Gadabursi iiga baxa guriga? Xaaskiisa oo ahayd Habar Jeclo, ayaa isku dayday inay arinkaa ka joojiso ninkeeda, iyadna wuu la diriray.
Odayadii Gadabuursi aadbay uga naxeen. Inkaartii masoo dhixin ee ninkii way ku dhacday, taabiciyadii waa laga qaaday, waana la xidhay, xabsigiibuu ku waashay. Caruurtiisii Yurubay u qaxeen, isaguna aakhirkii nolol xunbuu galay, si xunbuuna u dhintay.
Cali wuxu ahaa dhaaragtarka shirkada Aramco ee shidaalka, wuxu ku xigay ninka haysta shidaalka dalka Sucuudiga. Aadbuu isaga dhaqnaa, nolol fiicanna wuu ku jiray.
Sucuudiga sharcibaa jiray. Qofku gobolka uu iqaamada ka haysto uunbuu ku ekaan jirey hadii uu gobol kale tego xadhig bay ahayd. Labo Nin oo gobolka Daa’if deganaa ayaa gobolkale u safray. Labada nin mid Maxaad Casuu ahaa midna Habar Cafaan. Labadii nin raafbay la kulmeen, markii Gadabruusigii halkaa deganaa ogaaday in labadii nin la qabtay waxay utageen xidiglihii meesha haystay.
Xidiglihii wuxu ku yidhi, nin taabiciya oo nimankan damiinta hadii aad keentaan waan sii daynayaa. Odayadii Gadbuursi waxay u tageen Cali cabdi lugweyne arinkiibay usheegeen. Wuxu ku yidhi waar yaad i moodaysaan, anigu Gadabursi ma ihi ee guriga ii dhaafa. Naxdin iyo filan waabuu arinkaasi odayadii iyo intii maqashayba ku noqday.
Odayadii way iskaga tageen labadii ninna waxa soo damiinay nin Isaaqa (Arab) oo la odhan jiray Ina Qardhab.
Arinka labaad wuxu dhacay 1984kii. Ina Cabdi Lugweyne wuxu markale gurigiisa ka saaray odayo Samaroon ah oo baaho usoo doonay. Waxa lacag loo ururinayay nin Abrayn ahaa oo la odhan jiray Jibriir Aamin ninkaas oo xukuumadi Siyaad bare boqol shilin ku eedaysay, kadibna ay dil ku xukuntay.
Samaroon meelkasta oo uu joogaba wuu isku qaylo dhaansaday sidii ninkaa loo badbaadin lahaa, waxa la ururiyay lacag ciiddaa le’eg. Xasan Guuleed oo ay ninka la xukumay ilmo abti ahaayeenbaa xataa Siyaad Bare arinkaa kala hadlay, markii uu Muuse Rabiile ku fashilmay.
Samaroonkii kale ninkaa ma hagran dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba wuu u hagarbaxay, laakiin Muuse Rabiile wuu ku fashilmay.
Ilma Cabdilugweynana habaarbay arinkaa ka dhaxleen, dhamaantoodna si xunbay uwada dhinteen, wayna kala dhinteen, inta noolina ma hagaagsana, oo waad dareemaysaa.
Waad arkeysaan sideetan jirkan asaasaqa ah ee intuu cibaadaysan lahaa xumaanta iyo qabyaalada ka shaqaynaya. Ninkii Cali Cabdi Lugweyne waxa gurigiisii ugu tegay odayadii ururinayay baahada ninkii dilka lagu xukumay. Wuxu ku yidhi sidii si le’eg. iiga baxa guriga anigu ma Gadabursibaad imoodaysaan!!.
Intaa kadib maxaa dhacay?
Habeenimadii dambe uunbuu islaantii u yimid nin caruurteeda kale ay isku dhawyihiin. Ninkan waxa soo direy niman kale oo Taabiciyiin ah oo beesha Isaaq, gaar ahaan Sacad Muuse kasoo jeeda, wuxu hoosta ku sitaa rikoodh. Islaantii siduu ula sheekaysanayay wuxu waydiiyay Cali qoladiisa iyo sida uu taabiciyada ku helay.
Islaantii way iska daacad warantay. Waxay u sheegtay inuu yahay nin Samaroon ah, laakiin ay walaalihii isku aabo ku qoranyihiin sidaana uu taabiciyada ku haysto. Cajalkii waxa loo geeyay hay’adii sirdoonka ee marka horaba loogu talo galay in loo geeyo.
Habeenimada uu ninkani islaanta u yimid habeenkii ka horeeyay Cali wuxu u duulay Geneva (Swezerland) oo uu ka dhacay shir lagaga hadlayay arimaha shidaalka oo ay qabatay hay’ada shidaalka aduunku. Cali wuxu soo noqday labo habeen kadib. Madaarka markii uu kasoo degayba katiinadbaa lagu dhejay, kadibna xabsigaa lagu tuuray.
Xaaskiisu waxay ahayd Habarjeclo, markii ay arinkii maqashay waxay tegtay Riyaad si ay xadhigiisa uga wardoonto. Waxay ku degtay guri ay deganaayeen qoys Habar Jeclo ah. Guriga qaadbaa maalinkaa la keenay, waxay noqotay sagaartii dhagaxa la kulantay, iyada iyo nimankii guriga joogayba xabsigaa lagu riday, caruurtii ay ka timidna waxa laga saaray gurigii.
Naagtii waxa u dacwiyey nin maraykan ah oo madax ka ahaa kombaniga shidaalka sucuudiga soo saara, waana lasoo daayay mudo kadib.
Caruurtii iyo reerkii waxa loogu soo qaylo tegay Gadbuursi, waxa loo ururiyay qaadhaan. Waa la is waydiiyay lacagtii ninkani lahaa meesha ay martay laakiin hadana cidna ma diidin baahadii caruurta loo ururinayay, waayo waxay ahayd wax lagu cibro qaato. Caruurtii lacag fiicanbuu gadbuursigii sucuudiga joogay u ururiyay, kadibna waxa loo raadiyay khad yurub ah, sidiibay yurub ugu qaxeen khaasatan Sweden, kadibna waxay ugasii guureen Ingiriiska.
Cali Cabdi Lugweyne, wuxu ku dhex waashay xabsigii. Kulankeena dambe iyo Cumar Cabdi lugweyne, Waxan idiin hayaa sheekooyin iyo arimo lama arag ah ee la soco…………….!
A/karem Farah
Email: hirsi2@live.com
