December 28, 2011
Talo Ku Socota Beelaha Habar Cafaan/Maxaad Case Iyo Dhaliil
Qoraalkani wuxu ku socdaa waayeelka is yeelyeelaya ee xaqiiqda indhaha ka lalinaya. Waxan ognahay niman salaadiin isku sheegay oo reeraha maanta cabanaya afkoda ku hadlaya oo habeen iyo dhararba baahinayay wax bulshada kala gaynaya. Shirarka taxanaha ah ee ay Camuud Unver iclaamisay waxa lagu dhayayaa dhaawacyadii midnimadii iyo wadajirkii Gadbursiga ugaysteen, Qabyaaladii iyo qudhunkii ay umada ku kala ay t qoqobeen.
Kuwii shalay xumaanta kool-koolinayay ayaa maantana dhinac kale kasoo wareegay oo wanaag raadinaya. Waa goorma? Shalay wixii looga taagla’aa macaashkeediibay heleen.
Ninka la baxay Y. Warsame waxa la ii sheegay inuu yahay C/Waaxid.
Ninkan maanta wax waaninaya ama cabanayi wuxu kow ka ahaa ragii sacabka u tumayay kuwii dadka kala kexeeyay(Dhawal iyo Ib-Samatar). Waxan ogayn qoraaladii fidmo abuurka ahaa ee uu shabakadaha ku asqeeyay wakhtigii lagu jiray soo dhaweynta ugaaska Gadabursi.
Markii ay fashilmeen Shirqoolkii isaga iyo kooxdiisa la baxday (TOL) ay safarka ugaaska ku carqaladaynayeen waxay go’aansadeen inay Borama yimaadaan oo ay oo ay mushkilad hor leh halkan ka abuuraan, waxa isa soo raacay isaga iyo Ina Xaamud Jibriir oo labadooduba ka yimid Minisota maraykanka. Intuu Borama yimidba dadku waxay ka nasteen naxligii uu shabakadaha ku baahin jiray.
Waxa la yiri hasha geelaa cuntaa cabaada, ninkaasi xaq ma u leeyahay inuu cid ka cawdo oo uusoo qoro Talo iyo dhaliil ku socota beesha J/yonis? Waa maya isagaa talo ubaahan si dhibtiisa dadka looga joojiyo. Waa wax lala yaabo inuu maantana adeerkii ina cabdilugweyne u hadlo, miyuuna khaladkiisa arkaynin.
C/waxid waagii uu Borama joogayay wadaad yar oo edeb leh buu ahaa. Laakin wuxu Pakistan ku bartay sharciga looyarnimada. Sharciga looyarnimada iyo diintuna meel ma wada fadhiistaan, waxay isku yihiin liddi. Looyarnimadu waxay ku dhisantahy been iyo afmiishaarnimo, waxa lagaa rabaa inaad qof la dilay dhiigiisa baabi’iso, kii waxdilayna aad dufaacdo. Waxa lagaa rabaa nin la dhacay inaad cidlo dirto ninkii dhacayna aad dufaacdo.
Waxa looyar kuu qabsanaya nin wax dhacay, mid wax dilay, waa inaad dufaacdo. Sidoo kale waxad dufaacaysaa nin la dulmay. Y. Warsame/CWaaxid wuxu u go’ay sharcigaa bani aadamku samaystay waa horaa ugu dambaysay wadaadnimadii iyo edebtii . Aqoontu macno maleh, caqli wanaagsan iyo calool saafiyaa la doonayaa.
Shabakada Harowo-com ee uu maanta ka cabanayi waa tii uu maqaaladiisa suusta ah kusoo bandhigi jiray. markii uu maqaaldiisa kusoo bandhigayay Harowo.com waxay u ahayd his favorite web. waa shabakadii uu ugu horfuri jiray markuu hurdada ka tooso. Taasi waxay cadayn u tahay inayna shabakada HAROWO qof ama qoys gaar u ahayn sida shabakadaha kale Gadbursiga qaarkood Lughaya, Cadceed iyo wixii la mid ah.
Yarkan loox tuuray wuxu qayb libaax ka qaatay kala fogaynta samaroonka, wuxu liddi ku ahaa midnimada samaroonka. Isagu ma ahayn maanta ninkii ugaaska ka hor iman lahaa, haduu wax kale garan waayay waxay ahayd inuu abtinimo u ixtiraamo(waxa dhalay reer ugaas).
Ninka filimka Y. Warsame ku jila maanta intaa hanoo joogto.
Akhristayaasha iyo umada kale midbaan usheegayaa inay kala saaraan Jibriir Yonis iyo shabakadaha inamada beeshaa kasoo jeedi ay gacanta ku hayaan. Sababtoo ah shabakadaha ay wiilasha Jibrir Yonis maamulaani waxay ka dhexeeyaan Gadabusri iyo Somali oo dhan kuwa ka cabanayaa markhaati iiga ah, waa kuwii ay fariimahadooda gudbinayeen ilaa imikana ay gudbiyaan, waliba fariimahodu waxay liddi ku ahaayeen/ku yihiin danaha beesha ay kasoo jeedaan nimanka gacanta ku haya shabakadahani.
Gadabursow waan is wada ognahaye. bal ii sheega waa shabakadee, shabakada uu gacanta ku hayo wiil M/case ama Habar Cafaan ahi ee aragtiyaha kala duwan ee dadweynaha soo daabacdaa. Lama helayo, yaynaan been isku sheegin. Harowo. Quljeed, Saylc iyo tu kale midna af jibrir yonis kuma hadasho, wixii looo soo diro uunbay soo daayaan, xaqiiqdu waa sidaa. Reerka ay kasoo jeedaan uma xidhna shabakadahoodu sida kuwa ay gacanta ku hayaan wiilasha H.cafaan/Macase ee nacaybka Makaahiilku ku fogaaday.
Waxa maskaxda dadweynaha ka guuxaysa su’aal wayn. Rag iyo dumarba labadan reer ee maanta cabanayi todobadii sano ee shabakadaha afkooda ku hadli ay cayda iyo aflagaadada iyo waliba waxyaabaha lafjabka ah faafin jireen halkey ku noolaayeen. Waxay ku raaxaysan jireen cayda Jibriir/Makahiilka.
Makahiilku markii uu madaxda ahaa ma caban jirin waxay ogaayeen in cayda madaxnimadu wadato. Waan ognahay Habar Cafaan madaxnimo ma hayso laakiin maxedcasay ismoodeen. Waa nasiib darro ku dhacday Habar Cafaan, naagaha uunbaa kolba kii maalinkaa taladu gacantiisa ku jirto sacabka ka dabo tuma. Habar Cafaan iyo M/case midna calool xumo looma hayo.
Lakiin M/Case dhiilkii uu dhigtay wali caanaha looguma shubin, foolxumoyinkii ay samaynayeen ma samayno, ilaa dumarka la qabay caayi jireen.
Qolooyinkan yar yar ee habarcafaan iyagu xero jin laga saarayay galeen, haday doonayaan madaafiicda ridada dheer inay ka badbaadaan xeradii hore ha ku ekaadaan. Y. Warsamow (C/waaxidow) xaqiiqooyinka Harowo.com lagu soo qoraa way ku dhibayaan waabayda adeerkaa Ina Cabdilugweyne daacayo ee tolka kala gaynaysana waad ku raaxaysanaysaa.
Kan Ina Waraabacade la yidhaana isaa wax haya ma garanayo. Marka koowaad adigu iska aamus, cid kula hadlaysaa ma jirto, waxaad doonto soo qor. Lagama yaabo inaan xeebjire afka u kala qaadno. teeda kale xeebjire iyo habaryuusuf maxaa isku keenay. Markaa jyonis afka kusoo taagto eed habaryeesifna dufaacdo sow caqli xumo uun waxaagu maaha.
Waxaad qor qortay waxba kama jiraan, waxan ku qoslay waxa aad qortay. waxad islahayd been isku toos toosi laakin way kaa fiishtay. Ina cabdilugweyne waxa laga sheegay waa wax jira oo run ah, adigu taariikh aan jirin usamayn maysid, been baad ku sheegtay waxa aad qortay. midkalana beenbaad ka sheegtay. Inaad been sheegayso waxa cadayn u ah Gadaalo dhal iyo reer Gorod ismaba galaan Jibriir yonis uunbay wada yihiin, adiga intaasaa igaga kaa filan.
Ugu dambayn: Habar Cafaan labo shay haday faraha kala baxdo way nabadgalaysaa. H/cafaan waxy ukala maakhadayn jireen Jibrir Yonis gudihiisa iyo J/yonis iyo Makahilka kale. Waxay ahaayeen baanad labo iyo toban madax leh. J/yoniskay ka dhex shaqayn jireen si aan iyaga loogu soo jeesan.
Markii uu jibrir yonis tashaday ee uu suldaan halaag ah taashka saaray way isku yaac yaaceen waxay isla dhexmareen jibrir yonis wuu inna rarayaa. Waxay iclaamiyeen shir waakuwii xeego madaxa isgaliyay. Markii ay ogaadeen inuu kontaraadkii kala fogeynta Jyoniska iyo makaahiilku soo afjarmay waxay dabada galiyeen M/case, khaasatan kooxda saylici iyo Ibrahim Samatar hogaamiyaan oo aan iyaguba lahayn sino la fuulo, daacaa ay yihiina awood raadinaya oo makaahiil la tartamaya.
Miyaanad arkayn Ilma xaamud jirbrir oo doonaya si ay Bahabar Muse usoo jiitaan sheekada muuse rabiile ee ay dadka kusoo dhextuureen, waxay kalsooni kaga raadinayaan B.muuse, waa wax aan suurto gal ahayn oo caruurtuna fahmayso.
Labo shay haday habarcafaan iska dayso way nabadgalaysaa 1- Unaagaynta saylici iyo ina samatar 2- Basaasnimada.
A/karem Farah
Email: hirsi2@live.com
