December 28, 2011

Sow Ma Haboona Jidka Dila Iyo Borama U dhexeeya In Loogu Magac daro Xaaji Ibraahim Nuur?

 Xaaji Ibraahim Nuur wuxu ahaa nin ku suntan magaca Somaliland. Wuxu ka mid ahaa sadexdii xubnood ee 1960kii gumaystihii ingiriiksa ka saxeexay madaxbanaanida somaliland.

Waliba Xaaji Ibraahim nuur wuxu ahaa ninkii ingiriisku gudoonsiiyay warqadii xoriyada, isagoo raacaya heshiiskii ugaaska Gadabuursigu saylac kula galay ingiriiska 1884kii.

Waa taariikh macno wayn ugu fadhida somaliland oo ubaahan in dugsiyada lagu baro jiilka soo koraya. Marka la yiraahdo taariikhda guunka ah ee somaliland ma jiro qof reer Awdal ah oo Xaaji Ibraahim Nuur ku qurdinaya taarikhdaa qarada wayn marka laga reebo ugaasyadii Samaroonka soo maray, gaar ahaan ugaas nuur.

Markaa sow ma haboona jidka Dila iyo Borama u dhexeeya in Loogu magac daro Xaaji Ibraahim Nuur.

Laga bilaabo maanta oo taariikdhu tahay 25 Dec 2011 jidka Borama iyo Dila udhexeeya waxan u aqoonsanay Jidka Xaaji Ibraahim Nuur.

Cabdi Aadan

Email: aadami1988@hotmail.com

Login