December 28, 2011
“Habar Cafaan Waa Hadhka Jibriir Yoonis, ee Yaan Laga Xaan-qaadan”. Hoos Ka Akhri Taariikhda Dheer ee ay Isla Soo Wada Mareen Labada Beelood ee J/yoonis iyo H/Cafaan H
Qofka iyo Hadhkiisu meelna kuma kala hadhaan inta uu noolyahay. Reeraha H/cafaan la baxay meel aan Jyonis joogin lagama helo. Waa suura-gal in reer ama labo ay cidkale marti galisay sida Jibracinka oo kale. J/yonis wuxu ahaa reerkii H/cafaan marti galiyay markii Samaroonka kale iska soo wada caymadiyeen. Odayadii Jibriir Yonis ee wakhtigaa joogay soo dhaweynta H/cafaan dano gaaray ka lahaayeen. Danta ay ka lahaayeeni waxay ahayd ta guurka. Wakhtigaa gabdhaha geel badan baa laga bixin jirey.
Marka ninku guursanayana geel badan buu bixin jiray marka laga guursadana geelbadan baa la siin jiray (50 neef). Odayada Jibriir yonis ee cahdigaa noolaa oo aad u guurbadnaa waxay isku dayeen sidii ay arinkaa xal ugu heli lahaayeen. Markii reer yurub ay warshadahooda shaqaalaha iyo alaabta qaydhiin u raadinayeen Jirbiir Yonisna xubintiisa ayuu suuq u raadinayay.
Inta aan xasuusanahay Jibriir Yonis 5 shir oo waaweyn buu galay sadex wuxu ku qabsaday meesha la yidhaahdo Bowne labana wuxu ku qabsaday meesha la yidhaahdo Quljeed. Sadexda shir ee Jyonis Bowne ku qabsaday oo wakhtiyada la qabtay ay aad u kala fog-fogaayeen mid waxa lagaga hadlayay:
1- Sidii loo qaabili lahaa ardaayada imika la baxay H/cafaan oo waagaa reer waliba gaarkiisa iskaga taagnaa.
2- Kii ka dambeeyay waxa lagaga hadlayay dooxa Harawo sidii Ciise looga ilaalin lahaa, reeraha kale een J.yonis ahayna loogu talin lahaa sida /cafaan oo kale si aanay iskugu qaadan inay mulkiyada dhulka leedahay.
3- Midna waxa lagaga hadlayay sidii reer Axamed oo caydhoobay dib u dejin loogu samayn lahaa.
Labada Quljeed lagu qabtay.
Mid waxa lagu xalinayay arin siyaasadeed, oo waxa lagu kala saarayay Dr.Aadan Farax Abraar iyo Aadan Isaaq Axamed. Midna Dhaqanbuu ahaa oo Waxa lagu soo xulayay suldaanka guud ee J.Yonis oo waa kii u dambeeyay ee Suldaan Wabar lagu soo xulay.
Maanta mawduuceenu wuxu ku koobnaanayaa shirkii Jibriir Yonis H/cafaanta ku qaybsanayay iyo qodobadii kasoo baxay.
Jibriir Yonis Wuxu ka fekerey sadex arimood.
1- Maadaama uu nin waliba afar naagood guursanayo naag walba konton neef kama bixin karayn, markaa wuxu raadiyay xal kale.
2- Raga somalidu gabdhaha ma w ada guursan jirin, tii dhaban leh uunbuu geela ka bixin jiray reerkay doonto ha ahaatee, markaa odayada Jibriir Yonisku waxay ka fekereen in gabadha dhabanka leh iyo ta kaleba guur wada helaan oo ay geel ka wada qaataan.
3- Inay ciidan u helaan geela iyo lo’da faraha badan ee ay dhaqdeen. Laakiin ujeedada shirka ka dambaysi waxay ahayd in reer walba reer qaabilo kadibna reerkaa qaabilay ay ka mid noqdaan, nasiib darro reer Dudubaa arinkii ku gal-gashay.
Si hadaba baahida sadexdan arimood loo daboolo reerahanina Jyonis uga mid noqdaan odayadii wakhtigaa Jibriir yoniska u talin jiray shirbay iclaamiyeen.
Markii Samaroon dhulka qaybsaday reeraha imika H/cafaan ku bahoobay waa la qadiyay oo qeybtii dhulka laguma darin. Jibriir Yonis shir buu isugu yimid shirkaasi wuxu ka dhacay meesha la yidhaahdo Bowne, oo galbeed kaga beegan tuulada Degmo-laqas. Waxa halkaa lagu gorfeeyay sidii H.cafaan loo qaybsan lahaa ee reer waliba inta uu qaato uu dhul usiin lahaa, kadibna ay uga mid noqon lahaayeen. Qodobkaa waa la isku mari waayay oo waxa ka horyimid reero Jibriir Yoniska ka mid ah.
Maalintii sadexaad ee shirka oo ahayd maalintii shirka lasoo xidhi lahaa qodobadii kasoo baxayna la shaacin lahaa, waxa shirkii ka cadhooday oo ka baxay reer Dudub oo aad uga soo horjeeday in dhulka Jibriir Yonis H/cafaan wax laga dejiyo, dibna reer Dudub uma soo noqon, halkaasay Habar Cafaan dhaqashadii iyo qeybsigii kaga badbaaday. Reer Dudub arinkaa yaka geeso-cade ah ayaa lagaga qaaday, xoolo badanbaa dhabarka lagaga jabiyay khaladkoodiina way qaateen, wixii shirkaa kasoo baxayna way aqbaleen, lakiin kuma camal falin, guurkoodiina waxay ku daysteen Ciise oo reer Geedi ah. Sidaasuu reer Dudub dhibtii habar Cafaan uga dhuuntay, dhulkoodiina ugu nabadgalay.
Shrikii Bowne oo loogu talo galay inuu sadex maalmood socdo wuxu galay maalin afraad, inkasta oo go’aankaa reer Dudub ka maqnaa hadana waxa la isla meel dhigay in Jibriir Yonis guud ahaan dhulka wada leeyahay sidaas awgeed uuna jirin reer kaligii awood u leh inuu dhulka ku tagri falo, sidaasay xeerbeegtidii Jyonis firmeeyeen (saxeexeen) taasi waxay meesha ka saartay reero ku doodayay inay H/cafaan dhul siinayaan.
Heshiiskaasi wuxu meesha ka saarayaa sheegashada reero H.cafan ka mid ahi ay sheegtaan dhulka ay deganyihiin, xataa hadiiba ay siiyeen reero Jyoniska ka mid ahi. Waxa kale oo uu heshiiskaasi xaaraantinimaynayaa in dhul Jibriir Yonis leeyahay xoog iyo xeelad midna lagu qaadan karin. Heshiiskan iyo Khariidada degaanka Jibriir yonisba waxay yaalaan Herer. Waxa ku saxeexan 41 oday oo Jibriir Yonis ah iyo Nin la yidhaa Cabdala Cabdishakuur oo loo malaynayo inuu ahaa boqorkii xukumayay Herer wakhtigii Masaarida. Qoraalkaa waxa ku lifaaqan khariidad ay ku taal Hererge oo Somalida laf walba degaankooda si gaar ah loogu muujiyay. Khariidada degaanada Somalida lagu muujiyay waxa ku saxeexan nin la yidhaa Ras-Mokonon oo la igu yidhi wuxu ka mid ahaa boqortooyadii Minilik.
Degaanka J.yonis waxa ku cad qabiilada ay dariska yihiin iyo jihooyinka, badhtankana waxa kaga qoran dhulka Jibriir Yonis oo af Axmaari ah. Koonfur Daarood, Waqooyi bada Saylac, Bari reer Nuur, Galbeed Ciise, B,cabdalo iyo Makayldheere waa sida maapka ku xusan. Waxa Jibrir yonis shirkii Bowne iskula waafaqay dhawr qodob oo wada dhaqan galay.
1- In Jibriir Yonis guud ahaan dhulka wada leeyahay, reer si gaar agu tagri-fali karaana jirin.
2- In Jibriir Yonis dhulkiisa si wada jir ah uga difaaco cidii kusoo xad-gudubta
3- In dhulka Jibriir Yonis leeyahay Habar Cafaana marti ugu tahay.
4- Inaan gabadha H/cafaan geel laga bixinin
5- In ninka gabadh J/yonis ah guursada xoolo waxa uu haysto laga qaato, laakiin beer la siiyo reerkana uu ushaqeeyo.
6- In gabadha aan dhaban lahayn loo dhiso nin H/cafaan ah waliba xoolo la mid ah kuwa gabadha dhabanka leh laga qaato uun laga bixiyo
7- In magta ninka Habar Cafaan konton halaad noqoto
8- H/cafaan haday nin J.Yonis ah disho in jilibkasta oo Jyonis ahi magta ninka la dilay goonidiisa Habarcafaan ugu doonto. Metelan hadii nin Geela Yuusuf ah la dilo marka geela yuusufta boqolka qaadato, aadan xaadbaa hadana reerkii wax dilay boqolka u doonanaya, reer Axamedbaa hadana u doonanaya reer walba gaarkiisuu udoonanayay, Yoonis cismaanku hagu darnaadee waa halka ay ka timid in H.cafaan dhaarteeda ugu dambaysi noqoto ” Waataan dhiiga Yoonis Cisman galaa”
Intaa markuu Jibriir Yonis isla meel dhigay wuxu talo ku gaadhay inuu H.cafaan qaabilo. Wadamada reer galbeedka wakhtigii kacaanka warshadaha waxay waayeen cid shaqooyinkii hoose u qabata markaasay soo daabuleen Turki, Pakistani iyo Hindi. Jibriir yonisna si uu u helo dumar badan oo uu guursado iyo ciidan xoolaha u raaca wuxu soo dejiyay.
Heshiiskani faa’iido iyo khasaare labadaba wuu kulansaday. Faa’iidooyinkiisa waxa ka mid ah in dhulku Jyonis ka wada dhexeeyo waana halkii ay ku dhaqan gashay kalmada caamka noqotay ee “Jibriir Yonis waa isku jeeni. Jibrir Yonis oo ilalinaya axdigii Bowne lagu galay waakii reer Dudub khasab kaga dhigay inay soo celiyaan Bolol oo uu Axmed Xaji Bahdoon yarad u siiyay reer Gacalkii isagoo ku xumaynaya reer Dudub oo u hogaansami waayey awaamiirtiisii
Odayga Otawa degan ee Cumar Cabdi Lugweyne wuu cadho hadlayaa, wuu cuqdad hadlayaa, hadalkisuna caafimaad male. Wuxu dhalinyarada uga sheekeeyaa arimihani aan ka hadlayno oo ahaa kuwo dhacay wakhtigii sabanu jaahiliga lagu jiray. Maanta dadku waxba ma kala leh, waa dad walaalo ah. Ma kala sareeyaan waa isku mid, cid la yaso ama la takooray ma jirto. Tol wada degan oo ilaahay calaf iskugu daray uunbay labadii reer noqdeen. Laakiin habarcafaan maanta way abaal ka dhacaysaa.
Habarcafaan waa hadhka Jibriir Yonis oo way la noolaanaysaa inta Jibriir noolyahay. Markaa H.cafaan waxan kula talin lahaa afarta sano ee Saylici meesha joogo yayna ilowsiin boqolaal sano dadkii ay ku hoos noolaayeen. Samaroon maalintii uu cidlada idinkaga tegay Jyonis waa reerkii tunka idin saartay, hadii bani aadam loo sujuudi lahaa waajib bay idinku noqon lahayd inaad u sujuudaan. Somalidu waxay tidhaa “ciirtaada dhame ayaa ceebtaada yaqaan” ilaa maanta sidiibaa la idiin dhawraa, culayskii wakhtigii jaahiliga la idinku hayayna waa la idinka daayay.
Maanta Saylici iyo ardaagiisa yar ee boqol iyo kontonka qoys ah eed guuska u tihiini halkuu idin gayn? CEEL IYO CAWS MIDNA MA WADAAGTAAN. iyagaaba(B.celi) qorfo ku xidhan oo Jibrrii yoonis cidhiidhsanaya. Waad arkaysaan inay buurihii kasoo degeen dhulkoodiina ay Ciise uga yimaadeen oo ay Boon isku soo gureen.
Waxad u niikinaysaan Saylici kala geeye oo aan qabyaalad iyo qudhun mooyee aan qiimo kale lahayn. Muxuu idiin soo kordhin. Manqaska uu sito Hargeysa xafladuhuu xadhkaha kaga jaraa, Booramana Samaroonkuu ku kala jarjaraa. WAA NINKII KUULIGA IYO WASTAADKA U KALA ABTIRIN JIRAY. KIIBAA MAANTA XIL DAWLADEED LOO DHIIBAY. Inkastuu dur dur iyo dabaal galo doofaar abidkii ma daahiro oo ma daayo dabeecadiisii.
Ka macaashi maysaan xumaanta aad u badheedheen. Waxan ka warhaynaa in shirqoolkii nacasnimada ahaa ee aad Otawa ku qabateen iidoorkii xataa idin diiday oo ay yidhaahdeen KUWANI WAA KUWII LABAATANKA SANO SOMALILAND KASOO HORJEEDAY EE WAXBA YEELI WAAYAY, MAANTANA WAXBA UMA SOO KORDHINAYAAN EE REERKA LUQUNTA WAYN LEH(MAKAAHIIL) UUNBAY DOONAYAAN INAY SHAKI NAKALA DHEX-DHIGAAN
Ina cabdil lugweyne waxan odhan lahaa calool xumadaa iyo ciilkaa uunbaad la dhiman. Jibriir Yoonis hadalkaagu waxba ka ridi maayo. Waxad ka soo jeedaa Habar yeesef oo wiqiyad ka ah samaroonka dhexdiisa. Odeygii indhaha la’aa ee agoonta xoolaha ka cuni jiray ( sh. Cismaan Qalinle) dartii ayaa la idinku tixgalin jiray.
Qabyaalada iyo xiqdigu waa mid waligaaba lagugu yaqaanay, dadka oo nadiif ah ayaad adigu qabyaaladayste ahayd. Waxan soo bandhigi doonaa wakhtigii aad sucuudiga joogtay waxyaabihii tolnimada ka baxsanaa ee aad samayseen adiga iyo walaalkaa. La soco qormooyinka dambe.
Muuse Xasan Cali
Email: xasan1960@hotmail.com
