December 28, 2011
Faallo: Yaa Ka Dambeeya Ololaha Loogu Jiro in Magac Loo Bixiyo Jidka Boorama-Dilla?
Waxaa maalmihii ugu dambeeyey ku soo kordhay masraxa warbaahinta qaarkood olole loogu jiro in magac loogu bixiyo jidka isku xidha Boorama iyo dilla ee ay hawlaheeda gacanta ku hayso hay’da horumarinta wadooyinka ee Gobolada Awdal iyo Salal ee magacaheeda loo soo gaabiyo(ASARDA ).
Waxa la yaabe, beelaha, siyaasiinta iyo saxaafada ololahan magac bixinta wada, cid waliba ka markhaati kacayso in aanay caanteen ku darsan qaadhaanka magaalo walba laga soo uriyay ee loogu deeqay dhismaha jidkan. Taageerayaasha Saylici ee hada raba inay dhalinyarada Beesha Maxaad Casha ku beerlaxawsadaan magaca jidka, waa kuwii diiday inay beesteen ku darsadaan lacagaha loo ururinayay Jidkan.
Si kastaba ahaatee, warbaahin qaar ayaa qoraya magac ay jeebkooda kala soo baxeen u bixiyey jidkaasi, iyada oo ilaa hada aan lahayn wax ilo warar ah oo ka soo baxay masuuliyiinta hay’ada wadooyinka ee ASARDA.
Waxaa isa soo taraya borobogaandhada ay faafinayaa dadka ka soo horjeeda hor u socodka iyo horumarka G/Awdal, gaar ahaan jidka isku xidha Booram iyo Dilla, iyaga Oo abaabulaya hadalo iyo maqaalo ay ku curyaamiyaaan dhismaha jidka iska isku xidha boorama iyo Dilla.
Dadka indho indheeya siyaasada gobolka Awdal, ayaa sheegay in borobogaandhadani tahay mid lagu hakad galinayo mashruucaha jidhkaasi, iyada oo dadka wadda arinkaasina yihiin kuwii habeen Saq-dhexe ah jajabiyey jidkaasi isku xidha Boorama iyo dilla ka dib markii uu booqday ugaaska gadabuursi ee Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.
Sidoo kale, ayaa la aaminsanyahay in sheekadan magac jidka ee lagu lfaaqayo Allaha u xariistee Muuse Rabiile tahay mid la doonayo in lagu jaah wareeriyo beesha Bahabar Muuse, laguna ilowsiiyo dhulkooda la boobayo.
Halkii Taageerayaasha Cabdiraxmaan Saylici ka hadli laheeyeen dhulka Bahabar Muuse ee la boobayo, waxay rabaan in beesha lagu masquuliyo waxaan mano badan lahayn, sida magacaabista jid aan wali la dhamays tirin.
Akhristoow bal u fiirso:
Miyaad maqasheen magaca jidka u dhexeeya Xamar iyo Hargeysa?
Miyaad maqasheen Magac Jidka u dhexee Berbera iyo Hargeysa?
Miyaad maqasheen magaca jidka u dhexeeya Burco iyo Berbera?
Miyaad maqasheen magaca jidka u dhexee Jabuuti iyo Cali Sabiix?
Miyaad maqsheen magaca Jidka u dhexee Xamar iyo Kismaayo?
Maiaad maqasheen magaca jidka u dhexee Hargeysa iyo Gebilay?
Dhawrkaas jid een tusaalaha u soo qaadanay waxay ku tusanayaan in ay Somaalidu iyo geesha Africa jidadkooda aan magac loo bixin. Waxa kale oo ay ku tusaysaa in Ololahan jid Boorma iyo Dilla loogu magac bixinayo yahay mid siyaasan weyni ka dambayso, taas oo ah in beesha Samaroon la ilawsiiyo dilkii Sameel, dhul boobka, xadhiga iyo tacadiga maalin walba lagula kaco.
Soomaalidu waxay tidhaa “wax ha laguu sheegee maankaaga la kaasho”
Dhinaca kale wararkani ayaa ka soo baxaya dhinacyadii diidanaa ama ka soo horjeeday Ugaaska, kuwaasi markii dambe macaan iyo dhiikar ka qaaday ugaaska markii si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama iyo xeebaha gobolada awdal iyo salal.
Arintani ayaa sidoo kale dhinaca ku haysa in lagu curyaamiyo arimo badan oo horumarka ah, kuwaasi oo ka socda ama lagu waddo in ay ka bilaabmaan gobolada awdal iyo salal kuwaasi oo ay ugu horayso dhismaha dekada lughaya .
Sidoo kale arinkani ayaa ku qotomta In dab la kala dhex dhigo beelaha walaalaha ah ee wada dega dhulka xidhiidhsan gabiley ilaa Lawiyacado si ay iskugu habsaamaan .
Beelaha Gadabuursi ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeeshay dad dhiiga la wadaaga lkn aan lahayn ruuxdii Gadabuursi oo aad ficiladooda moodid in ay ka soo jeedaa beelaha Isaaq ama Ciise kuwasi oo hadh iyo habeen u taagan sidii ay u kala qaybin lahaaayeen beelaha Gadabuursi ee aan waligoodba dhiig iska yaacin .
Ugu dambayntii waxaan ku soo ururinayaa maqaalkaykani dhulka uu maro jidka isku xidha Boorama iyo Dilla Reerbaa dega oo iska leh ninkii magac ugu bixinayoow dhulkaaga u bixi Hadii aad geesiye iyo sarkaalba lahayd .waxaase xaq u leh hadii magac loo bixinaayo ninkii hadh iyo habeenba aan seexan allaha daayee Pr. Hassan Ali Osman waxaa lagu qori doonaa baal dahab ah waana la ogyahay kaalinta uu bulshaa kaga jiro taariikhduna iyadaa is sheegta.

Waa Qalinkii: Maxamed Cabdi Caabi - Borama,Somaliland
Email: caabi_001@hotmail.com
