December 28, 2011

Cabdiraxmaan Saylici Iyo Tiro Wasiiro ah oo Gebilay U Tegay Sasabe iyo Raali Gelin Beesha Jibriil Abokor.

Boorama (Harowo) - Magaalada Gebilay, ayaa shalay iyo doraadba waxa kusoo qulqulayey tiro badan oo wasiirada soomaaliland, oo uu ku jiro ninkii la lahaa wuu xidhnayhay ee Abiib Diiriye (Timo Cade), kuwaasoo uu horkacayey madaxweyne kuxigeenka soomaaliland, waxayna halkaasi ku qabteen shirar badan oo ay la yeesheen masuulyiinta magaaladaasi, odayaal iyo dadweyne kaleba iyagoo la sheegay inay dadkaasi kala hadlayeen arrimaha nabadgelyada, qarannimada iwm.

Hase yeeshee, waxa kulanadaasi ku yaraa sidii dadweynaha reer Gebilay loogu adkayn lahaa inay iskasoo dhex qabtaan ciddii Saameel ku laysay dadka rayidka ah. Waftigaasi, ayaa sidoo kale dadweynaha magaaladaasi u sheegayey sidii ay u horumarin lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada, mashaariic kalena uga samayn lahaayeen dhulkaasi.

Haddaba, markaad eegto imaatinka wafdiga intaas le’eg iyo dembiyada ka dhacay dhulkaasi, ayaan ahayn laba arrimood oo la isku miisaami karo, meeshana ma taallo in meel dadkii geystay dilalkii foolxumada lahaa ku dhuumanayaan loola tego baryo, loona sameeyo ballanqaadyo loogu sedburinayo, balse waxay ahayd in haddii daacadi jirto ciidanka soomaaliland oo dhan loo diro si ay usoo qabtaan dadka dembiilayaasha ah ee halkaa jooga.
Waxa kale oo ay ahayd inaan siyaasiyiinta kasooa jeedda degaankaasi xabsiyada laga siid deynin, oo weliba kuwa laga laayey dadkaasi u ololeeyaan siideyntooda hadidiba ay dhab ahayd in la xidhay.

Raggii halkaa ka hadlay oo uu ka mid ahaa ninkii lagu tuhunsanaa inuu ka dambeeyo diialalkii dhacay, ayaa iyaduna ahayd weji kale oo caddaynaya in filimkii lagu raadinayey dembiilayaashii Saameel uu dhamaaday, cidina anay isweydiin doonin.

Waxa ugu darraa wasiirka beesha reer Nuur Ismaaciil Muumin Aare oo madasha ka hadlat, wafdiga la socday. Hadii uu damiir leeyahay Ismaaciil Muumin aare may ahayn inuu meesha yimaado ilaa dadkii beeshiisa ahaa ciddii dishay la helo.

Wasiirada beesha H/yoonis ee sida adag ula hadlay reer Gebilay, kuna adkeeyeyinay inay iska keenaan dadkii Saameel dadka ku laayey, ayaa waxay ahayd in beddelkooda ay arrintaasi ka hadlaan cidda dhibbanaha ah, balse aamuskooda ayaa loo qaadan karayey inay ka cabsi qabeen in laga daba geeyo raggii Saameel lagu gumaaday.

Si kastaba ha ahaatee, ismay lahayn sheekooyinka Gebilay ka socday ee madaxweyne kuxigeenku sahayda usoo qaatay iyo sida laga sugayey xukuumadda siilaanyo. Mana ahayn maalin reer Gebnilay lagu sasabo inay dalka ilaaliyaan maadaama falkii ka dhacay Saameel ahaa mid ku cusub taarriikhda dadka ilbaxa ah, loona baahnaa inay wafdigaasi sii kaxaystaan dembiilayaashii.

Maxamed Cumar - Hyena

Harowo, Boorama

Login