December 28, 2011

A. Barkhadle (Waraabe-cadde), oo Ceebihii Cumar Cabdi Lugweyne ee Afka Laga Dhawrayay Badka Soo Dhigay!

Cumar markuu macalinka ahaa waxaa xidhay dawladdii siyaasad Barre oo u xirtay, fal dambiyeed u ka galay gabadh yar oo macalin ugu ahaa dugsiga sare ee hawl wadaag ee xamar, hakaasu maamule ka ahaa isagu.

Falkuna wuxuu ahaa faro xumayn taas darted baa loo xiray, gabadhiina wiil bay dhashay oo wuxuu joogaa dalka English hadda, hadduu jiro wiilkaas waa ina cumar uun, wax ceebi ahi kuma jirto.

“AlHaaji Cumar hadduu ahaan jirey markuu dhalin yarta ahaa, nin fudfud dee maanta lama joogo waagii.” Waraabe Cade

Ma runbaa inuu xaaji cumar wixii iska daayay Waraabe Cadoow? Sowdigan hadana qaybtan dambe ku sheega inuu weli hablaha yaryar hoosta kaga jiro!

Haajiga sidaan hore u sheegay fikirkaanagu waa kala duwan yahay, uma bogin sida uu ugu mareeyey xafladda dhiciska ah, ka soo horjeedda danaha reer awdal, callankii gacan ku dhiiglayaasha dadka xasuuqey, halkii uu ka garnaqsan lahaa buu wiilasha iyo gabdhaha yaryar laabta uga sudhay iyo sifaha uu isku hor dhigey gabdhaha yaryar ee uu awoowga u yahay laabtoodii iyo jidhkoodii debedda yaal, afkana aad moodo in uu dhiig ka da’aayo…labbo daraadle kolba mid dib jir ah oo cayda gadabuursi magac kaga helay beesha dhexe , siilaanyona soo dirtay buu qaddo u sameynayaa halka uu haldoorka gadabuursi u sameyn lahaa xaflad mideysa ra’yigooda kala duwan…..!

Source: Quljeednet

Login