November 29, 2011
Ururka Asarda ee Jidka Boorama - Dilla oo Soo Afjaray Wejigii Koowaad ee Dhismaha JIdkaasi.
Boorama (Harowo) - Ururuka ASERDA, kuna hawllan jidka isku xidha Dila Boorama ayaa haatan ku hawllan dhammaystirka wejigii koowaad ee dhismaha jidkaasi, kaasoo haatan galay magaalada Gorayacawl.
Dhismaha jidkan oo soo socday in muddo ah ayaa haatan k u muuqda inuu u gudbayo weji labaad oo Toban Kiiloomitri ah, kana hadhsan guud ahaanba jidkaasi isku xidha hargeysa iyo Boorama, iyadoo afar kiiloomitir oo ka amid ah jidkaasi ay la daalaadhacayso xukuumadda soomaaliland.
Munaasabad lagu dhigayey buundo ka mid ah buundooyinka ugu adadag, uguna kharashka badan ,ayaa saaka hawshiisu ka bilaabtaymeesha la yidhaa Ayaandaran , buundadaasoo hirgelinteedu lagama maarmaan noqotay, ayaa jidkaasi dhaafinaysa dooxooyin iyo jeejeexyo ka hor yimi dhammaystirkiisa, sidaa dareedna hawshaasi si xawli ah uga bilaabatay halkaasi.
Munaasabadda bilowga dhismaha buundadaasi ayaa waxa kasoo qaybgalay guddiga ama boardka ganacsatada ah ee u xilsaaran hawshaasi weaxayna ka hadleen sida hawshaasi gebogebo u tahay iyo wax loo baahanyahay, iyagoo dhinaca kalena shakhsi shakhsi ugu mahadceliyey cid kastoo kasoo qaybqaadatay hawsha jidkaasi ,ammaan iyo ducana iskudaray jaaliyadahakala duwan ee reer Awdal kuna kala nool aafaha dunida, gaar ahaanna haweenka Austraaliya, minesota, carabta iyo nin shaqaale ka ah UNta ee dalka Suudaan magacaiisana lagu sheegay Saygoon,shirkadda dahabshiil oo iyadu qaadatay kharashka kiiloomitirkii ugu a dambeeyey.
Raggii ama xubnihii boradka ahaa ee saaka halkaasi ka hadlay ayaa waxa ka amid ahahaa guddoomiyekuigeenka ururka aserda, C/qaadir Aadan, Shiine Dheere, Muumin Jaamac samaale, injineer C/laahi C/salaan sheekh Cali Jawhar iyo Ismaaciil Riiraash kuwaasoao dhammaanatood ka dalbaday qurbajoogta reer awdal inay sii wadaan dedaalka ay Aserda kagala qaybqaadanayaan dhammaystirka jidkaasi, iyagoo dhinaca kale dawladda soomaaliland ka dalbaday inay kaalinteeda kasoo baxdo ,shacbiga soomaalilandna inta ka hadhsan jidkaasi
anay kaga masuugin halkii doolar ee ugu tabarucayeen jidkaasi.
Xubno ka tirsan boodhka jidka ayaa farta ku fiiqay dadweynaha reer Buro iyo baayac mushtarkooda oo an haba yaraatee wax gacan ah usoo fidin hawsha jidkaasi ,iyagoo ku tiritirsiyey inay muujiyaan waddaninimo kalana qaybqaataan dhammaystirka tobanka kiiloomitir ee ka hadhay jidkaasi.
Dhismaha buundada saaka laga bilaabay jidkaasi, lagunawado in laba toddobaad lagu dhammaystiro,ayaa noqonaysa marxaladdii ugu dambaysay ee wejiga koowaad ee dhismaha jidkaasi.
Maxamed Cumar - Hyena
Boorama, Somaliland
