November 29, 2011
Reer Ba’ayow Yaa Kule? Hurdow Gadabuursi War Maka Heysaa Gurigaaga?
Waxa lawada ogsoonyahay iney dowlada SNM dagaal xoogle oo qarsoon kula jirto Gadabuursi. Yaga oo ku haya caga jugleyn, cabudhin, ilaha dhaqaale oo laga xidho iyo baro kicin iyo isku dir ay beelaha Gadabuursi isku diraan. Siyaasada qudhmuun ee dowlada SNM ee uu horjoogaha ka yahay Siiraanyo ee ku dhisan cadaadiska beel weynta Gadabuursi, daboolista ilo dhaqaale, baahi loo hogaamiyo ka dibna dhulkooda la qaato waa mid ay beesha Gadabuursi war ka heyn hadii ay ogyihiina doqoniimo badeysa.
Waxaan ogsoonahay in ka dib markii dadkooda lagu qashey dariiqa u dhaxeeya Dilla iyo Gabiley in aan ilaa maanta xitaa dacwad loo furin oo dhagarqabayaashiina iskaga barjeeyaan Hargeysa oo yaga oo baabuur wataa xitaa ay ugu hanjabaan cidey u gartaan Gadabuursi. Dowlada SNM tuna ay dusha ka ilaalisaba.
Waxaan ognahay in afartii (4) km ee balanta beenta ah lagu qaadey xitaa hadalheyskiina la daayay ooney cidina dan iyo muraad ka laheyn. Waxaanan qarsoodi laheyn in wadada cad waxa lagu tilmaamey lagu badiley oo uu dhismaheedu si rasmi ah u socdo. Cuna qabateyn loola badheedhay Gadabuursi.
Waxaan ogsoonahay qalaalaasihii dowlad goboleedka Siiraanyo ka dhex abuurtey beelweynta Gadabuursi iyo halkey mariyeen arimhii Ugaaska. Waxaan wada ogsoonahay sida dowlada SNM uga aamustey gargaarkii abaaraha gobolada Awdal iyo Salal ood moodaba iney jecel yihiin iney abaari ku dhacdo kuna raagto.
Waxa ugu dambeysey intaan ognahey oo ay ka maqantahay wixii u qarsoon iney calaamadii mujrimiinta SNM lasoo doonteen magaalada Borama oo ay sanam muujinaya dhafoor taabasho ay ka taageen dugsiga Sheekh Cali Jowhar. Arini intaas uun maahee walaalaheyga Gadabuursow dowlada SNM wax badabey hoosta ka wadaan aad moodana iney ka hurdaan Gadabuursi dhamaantood. Dowlad goboleedka Siiraanyo oo kaashanaya dowlada Jabuuti qarsoodi bey u wadaan sidii ay u qaadan lahaayeen dhulka Gadabuursi waana ku heshiis dhulbalaadhsiga lagu hayo dhulkii Gadabuursi.
Waxaan jeclahey sirah u qarsoon Siiraanyo iyo Ismaaciil oo durba soo shaac baxaya inaan dul maro si bal aan u taabsiiyo dadkeyga Gadabuursi waxyaabaha ay ka hurdaan ee ka socda dhulkooda. Qorshaha dowlad goboleedka Siiraanyo eeku aadan baro kicinta Gadabuursi;
• In abaaraha lagu eego beelaha Gadabuursi oon loo gurman si ay uga guuraan dhulka.
• Abaaraha lagu eegayo dadka Gadabuursi waxey kicin in qurba jooga Gadabuursi gurmado oo ay lacago ka diraan dibada si ay ugu gurmadaan dadkooda. Waxayna arintaasi qudheedu laba jeerba u tahay faaiido beesha dhexe. Waa marka horee dhiig-shiil (dahab-shiil) ha cantuugo oo qeybtiisa ha qaato (Khidmad ahaan). Waa marka labaade wixii raashin laga iibiyo dalka dhexdiisa waxa ka faa’ideysan beesha dhexe ileen bakhaaro malaha Gadabuursiguye.
Arintaasi si fiican bay ugu fushey Siiraanyo iyo beeshiisaba oo waan ogsoonahay inta lacag ay direen qurba jooga Gadabuursi oo ay waliba ka direen xawaaladaha shisheeye gaar ahaan Dhiig-shiil. Waxaan kale oon ogsoonahay wixii raashin loo geeyay dadka Gadabuursi ee tabaaleysan in laga iibiyay bakhaarada beesha dhexe ee Hargeisa ammaba Jabuutiba.
Waxa siraha qarsoon ku lifaaqnaa iney heshiis lagasho dowlad goboleedka Snm laba gamcoodina(2 fold) dowlada Jabuuti;
• In lagu booriyo dowlada Jabuuti in ay heshiis wada galaan sidii loo boobi lahaa kheyraadka bada iyo dhulka Gadabuursi.
• Si ay arintaa dowlada Jabuuti u gashana loo jilciyo loona fasaxo iney dadkooda soo dajiyaan laga bilaabo dajinta Ceelgaal hareeraheeda. Beesha dhexena dagto Lughaya iyo daafaheeda.
Arintaasi hore ayay u dhacday bilo horteed. Waxay isla markaa bilowday dowlada Jabuuti in ay wax walba horteed qodaan ceelal ileen biyo la’aanteed lama dagi karo giriyaadkiiye. Wax alla wax ay ka ogaayeen calooshood u shaqeystayaasha dowlada Siiraanyo u shaqeeya ee Gadabuursi ma jirin oo waalaga qariyay. Waxana lagu mashquuliyay arimo isdaba jog ah oo ay u weyneyd arrintii Ugaasku.
Siduu qorshuhu u dhacay ka dib markii ceelashii la qodey;
Ka dib markey ceelashu dhamaadeen ayaa waxay talo noqotey sidii Ismaaciil u furi lahaa ceelasha ee looga qarin lahaana Gadabuursi. Waxa marka la gooyey in uu Siiraanyo inta uu maqanyahay Gadabuursi la wareeriyo. Arintaasi waxay keentay in qalalaase laga abuuro Borama si ay iskugu jeestaan Gadabuursi islamarkaana loo fuliyo qadiyadihii ka dhaxeeyay Siiraanyo iyo Ismaaciil. Waxa la bilaabey laba arimood oo xasaasi ku ah reer Awdal si ay buuq u kiciyaan. Midi waatii odhaneysey in la cambaareeyo Awdal State. Wixii wasiiro ku sheeg ahaa oo dhan iyo nuskii oo ay waliba ku jiraan kuwii Gadabuursi ee ku jirey gododka (Golayaasha) ayaa lasoo dareershay oo lagu amrey iney tagaan Borama.
Arintii cambaareynta Awdal State waatii socon weydey ee ay waji gabax ah kala kulmeen. Arintii labaad baa la bilaabey oo aheyd in taalo looga taago mujrimiinta SNM dugsigii Sheekh cali Jowhar hortiisa. Buuq kaley kicisey arintaasina oo waatey geesiyaasha u dhashey gobolku tureen sanamkiiba ee ay ka taageen calanka Awdal State.
Dhinaca Hargeysa maxaa ka socdey markaa;
Siiraanyoo maqan ayuu Xirsi xertiisii ururiyay oo uu ku magacaabey wafti. Waftiga ayaa loogu talo galey iney Jabuuti ku kulmaan Siiraanyo si loo saxeexo heshiiskii dhul qaadashada dalka Gadabuursi. Wadadii markaa way u banaanaatey ileen waakan Xirsi soo dareeriyay kuwii dowlad goboleedka ugu jirey Gadabuursiye ee ku mashquuliyay taaladii mujrimiinta sidii loo taagi lahaaye.
Intuu imanayay Siiraanyo ayaa markaa lasoo horkacay Ismaaciil oo la furey Ceelkii laga qodey Ceelgaal. Qof qudha oo Gadabuursi ah oo ku jirey waftigaasi ma jirin. Markii lasoo talaabey ee ceelka la furayay cid looga sheegey Gadabuursi ma jirto. Suldaan walaa caaqil walaa indheer garad walaa culimadiin walaa kuwii inyar gardka ahaa ee u shaqeynayay Siiraanyo. Isla halkii wuxuu Ismaaciil shaaca ka qaadey inuu bilaabi doono 126 guri oo ceelka agtiisa uu uga dhisi doono tolkii. Waxa u keeney ambalaas (Ambulance) usii adeega dadkiisa inta dagan hada ee hore loo dajiyay.
Siiraanyo markuu yimid waxa la bilaabey heshiiskii lagu heshiiyay. Wax la saxeexeyba qof qudha masuul iyo la’aanba oo Gadabuursiyii kuma jirn wufuud ku sheega. Sida aaney uga warheyn calooshood u shaqeystayaasha Gadabuursi ee uu shaqaalaysiiyay Siiraanyo ayeyna saxaafada reer Awdal uga qorin xarafna arimahaas oo dhan oo waxey doorbideen aamus.
Waxa taa kasii daran;
Sidaa umadeena loo baabiinayo ee xaqoodii loo dabooley, gaajada lagu diley iyo haraadkaba ee dhamaanteen la inoo bahdiley ayaa waxa wax lala yaabo ah iney dad Gadabuursi ahi abaabulayaan xaflad loogu tumo wasiirada dowlad goboleedka SNM ee usoo direy Siiraanyo si la iskugu diro Gadabuursiga Canada gaar ahaana Ottawa.
Xaflada ka dhici doonta Ottawa ee loogu magac darey taageerada kuwii I diley ayaa waxay noqon doontaa ceeb iyo foolxumo ku darsanta liiskii dheeraa ee doqoniimada Gadabuursi tilmaamayay. Waxase ka qurux badneyd wax hore inoo gaadheyba bal inaan damiir iyo dhiig yeelano oon kumanaanka doolar ee ku baxaya xaflada u dirno kuweena gaajadu dishey iyo haraadku ee dumarkeenu dhaxanta u wareegayaan si ay ugu ururiyaan xoogaa raashin loo siiyo.
Video cadeyn ah; Xaqiiqadii oo video ah oo hadalka meelaha xasaasiga ahna la qariyay ka daawo lifaaqan hoose.
http://www.youtube.com/watch?v=cfvkJYI0TUQ&feature=youtu.be
Videaga dadka ka muuqda oo ah wafti kasocda dowlada Jabuuti iyo kuwa wasiiro isku tilmaamey oo ka socda SNM ta dowladooda ee furaya ceelka ayaana hore loo ogeyn si qarsoodi ahna u dhameystay arintooda. Gadabuursi ma oga mar ceelka la qodey iyo marka la furayaba. Qof qudha oo kasocda beesha Gadabuursi kuma jiro shicib, Suldaano, cuqaal, indheer garad walaa kuwa dowlad ku sheega Snm ku shaqeysato.
Halkana guji si aad u akhrido waxey saxaafada reer Awdal ka aamuseen ee ta shisheeyuhu sheegtay;
http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=12243&Itemid=62
Gabagabadu waxey tahay; Hurdow Gadabuursi gurigaagan qeybistiisa loo heshiiyay ayaad ku haleysey badbaadintiisa?
