November 29, 2011

Jaawab Ku Socota Dhawr Arimood oo Dadka Awdal State Diidan ay ku Doodaan

Qodobka koowaad: Hadii ree awdal cabanayaan maxay u furan waayeen xisbi siyaasi ah maadaama la furay xisbiyadii Hadii aan ishkaalka noocan ah ka jawaabo, waxaan dadka qaba furasashada xisbiyada siyaasada waydiin lahaa su’aalaha hoos ku qoran:

1-  Xisbiyada la furayo ee rag ree awdal ahi ka qayb gali doonaanan maxay ka badali doonaan awoodqaybsiga beelaysan ee ka jira Somaliland, sida tirada baarlamaanka, guurtida, wasiirada, iyo guud ahaan awood qaybsiga siyaasadeed?  Waxaan jawaab uga fadhinaa dadka u ololaynaya inay siyaasada Somaliland waqti ku lumiyeen.

2-  Horumarka gobollka awdal sida hirgalinta deked gaara, dariiqyo iyo iyo guud ahaan ilo dhaqaale oo uu gobolku yeesho muxuu ka qaban doonaa xisbiyada siyaasiga ah ee ree awdal ka qayb gali doonaan?  Iyada oo aan ognahay in madaxwayne ree awdal ahi waxba ka qaban waayay.

3-  Dadka ree awdal  ID card ma u noqonaysaa Somaliland?  Inaga oo og inay Somaliland tahay magac ay beeli iska leedahay una soo halgantay. Ninkii kale ee sheegtaaba ha sheegtee xaqiiqda ninkii fariid ahi waa ogyahay doqona loo sheegi mayo. Saaxiibayaal waxaan rabnaa meel aan anagu leenahay oo aan ku faano oo ubadkayagu ku faano ma rabno inaan beel kale daba galo

Qodobka labaad Awdal state maxaa markii rayaale joogay loo maqli waayay?

Waxaa loo maqli waayay waxaan sugaynay waqtiga rayaale ka tagayo meesha maxaa yeelay waan ka xishoonay in anaga oo Somaliland madax ka ah aan ka go,no Somaliland waayo arintaasi  kuma anaan gar heleen.  Oo markaana su,aasha meesha taagan waxay noqon lahayd  waar ma idinka oo booskii ugu sareeyay dalka jooga ayaad leedihiin waan goosanaynaa. Su,aashu mar walba way taagan tahay labada su,aaloodna waxaa dhib yar tan danbe.

Waa ta labaade awdalstate rayaale joogistiisa iyo joogid la,aantiisa kuma xidhna. Waxaa asal u ah  waa cadaalad daro soo jirtay labaatan sano maamulka Somaliland jiraana u biyo shubtay inuu beel ku soo ururo. Xaqiiqado waa taa.  Markaa hadii la diiday in wax lawada yeesho nin walba ilaahay ha u barakeeyo intiisa hadii ay u badan tahay iyo hadii ay u yartahayba.

Reer Awdalna maaha beel ka mida beesha dhexe waa qoomiyad la siman oo lamida oo waliba la dheer xadaarad hore iyo aqoon taas awgeed waan diidnay inaan beel beelaha somaliyeed ka mida hoos tagno waxaan goosanay inaan masiirkayga gacantayada ku qabsano mar hadii cadaalad aan waynay. Taas sidii lagu heli lahaana diyaar baan u nahay. Walaaltinimada iyo jaar wanaagana waan ilaalin doonaa insha,allah. Markaa ha la isku soo duceeyo oo waxaa la yidhi laba qaydhiinka ku qaybsatay bisayl iskuma cawridee, nin walba ilaahay intiisa ha u barakeeyo kii badnaa iyo kii yaraaba

Qodobka sadexaaad:   Awdal state waa riyo

Horta qofka hadalkan odhanayaa waa laba midkood, Inuu yahay jaahil aan wax aqoon ah lahayn iyo inuu yahay qof aan himilo iyo damac lahayn oo indho ku garaad le ah. Hadii uu jaahil yahay waa loo cudur daari laakiin hadii uu bilaa himilo yahay waxaan leenahay horta ogow shay walba oo aduunkan jiraa markiisii hore riyo ayuu ahaa. Oo nin kaliya ayuu maskaxdiisa ku jiray kadibnad dadaal iyo halgan dabadii ayuu xaqiiqo  noqday.

Hadii aan tusaale kuu soo qaato. Telefoonka aad haystaa ee aad maalin walba ku hadashaa wuxuu ahaa riyo ka soo maaxatay mid kamida bini,aadamka ilaahay abuuray maantana waa xaqiiq aanad dafiri Karin. Waxaa lamida diyaaradaha, tareenada, gawaadhida, idaacadaha tvyada,  dhamaantood riyo ayay bilawgii ahaayeen manta wa xaqiiq.

Hadii aan tusaale kale kuu soo qaato waa dhinaca xoriyadee, bangaladhesh, bakistan, ereteriya, South sudan dhamaantood riyo ayay ahaayeen maantana waa dawlado la aqoonsan yahay oo xornimadooda qaatay. Markaa qofku marka uu leeyahay waa riyo waa qof hamigiisu aad u hooseeyo oo aan kartidiisa ku kalsnoonayn, markaa qofkaasi wuxuu cabirayaa naftiisa daciifnimadeeda.

Walaaloow hadii aad daciif tahay ogow inay jiraan dad himilo iyo hadaf leh oo habeen iyo maalin u heelan hirgalinta himiladooda. Gadabuursigana waa qoomiyad wayn oo leh muruq. Aan kuu sheegee waxay degaan inta u dhaxaysa jigjiga ilaa jabuuti, lughaya ilaa diridhaba. Waa dad wax soo saara oo dhamaantood beeralay ah. Dhulka baaxadaa leh nin aan beer lahayn kuma jiro. Celcelis sanadkii waxaa u soo go’a qofkiiba ugu yaraan sodon kiintaal ilaa boqol kiintaal inta u dhaxaysa. Waa dad quudin kara ciidamo iyaga oo aan u baahan inay iibsadaan.

Dhaqaalaha waxaa la qiyaasaa wax soo saarka. Lagama qiyaasa soo dejinta. Manta gadabuursi wax soo saarkiisa hadii lacag loo badalo oo la iibiyo cid goynt kartaa ma jirto. Bal ilaah baan idinku dhaariyee manta eega banka lafaciise ku taalo sida beeruhu u baxeen. Waa ban dhererkiisu dhan yahay boqol km laga bilaabo subulaha ilaa laga gaadho jaarre oo galbeed ah. Beeraha ayaa is haysta wayna wada bexeen bal yaa iibsan kara ilaahay baan idinku dhaariyee dawlado ma iibsan karaan. Gobolka awdalna waa sidoo kale beeruhu way  wada baxeen.

Dhulkiinu wuxu leeyahay buur, banaan , bad geed, waxaad xuduud la leedihiin afar dal waa Yemen, jabuuti, itoobiya, iyo somaliya Waar waxaa tihiin maroodigii awoodiisa laga qariyay. Ee awoodiina garta manta cid idinka dhaqaale badan ma jirto laakiin waxaa idinka maqnaa waxay ahaayeen dhalintaa himilada leh. Kuwiina ilaahay baa keenay. Waar kuwaa hala taageero hadii aad taageeri waydo maalin baa iman aad danbiile noqon doonto ee ogow.

Gunaanadkii iyo gabagabadii, awdalstate waxaa keenay cadaalad daro waana tii ay beelaha dhexe ka dagaalameen hadiise lagu heshiin waayay in si cadaalad ah wax loo wada yeesho waxaa cadaalad ah in qolo walba si gooni ah aayaheeda uga tashato. Ree awdalna waxaan idiin sheegayaa waad ogtihiin jabuuti oo idinku usoo halganteen halka aad ka taagantihiin, Somaliland waad ogthiin markaa jiritaankiinii, aqoontiinii, ilbaxnimadiinii meeyay. Hadii aqoontu imika wax inoo tari waydo ma aakhiro ayay inoo tari.

Waar somaali qabiil la gumaystaa ma jiro. Qabiil kastaa degaankiisa isaga ayaa u xor ah bal u fiirso markii puntiland ayay maamul gobolkeeda samaysanaysay kuma darsan qaybta koonfureed ee gaalkacayo maadaama qabiil kale dego. Waa ixtiraam ka dhexeeya labada qabiil. Walaalaheena waxaan leenahay walaalayaal ixtiraama jaarnimada iyo wada dhalashada oo degaanadayada iskaga baxa maadaama uu san jirin heshiis cad oo aan wax ku wadaagaynaa oo aan wax ku wada yeelanaynaa .
 
Wabilaahi tawfiiq

Cawaale Ducaale

Email:  abaanduule@hotmail.com

Login